BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
Waa kuma wiilka Soomaaliga ah ee ka soo dhex muuqday kooxda Arsenal cayaartii ay maalmo ka hor la yeesheen Lille
Waxaa xusid mudan in cayaartoygan oo ay iska dhaleen aabbe Soomaali ah iyo hooyo Ingiriis ah uu xor u yahay inuu u safan karo xulka qaranka ee Soomaaliya ama kan Ingiriiska hadba kan uu doorbido
TOOS, Trump oo sheegay inuusan hubka nukliyeerka u adeegsan doonin Iran
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan hubka nukliyeerka u adeegsan doonin Iran, isla markaana uusan qorsheynayn in ciidamada Mareykanka ee dhulka lagu geeyo dalkaas.
Ebola: Maxaa kasoo kordhay bukaankii dhowaan lagu karantiilay Muqdisho?
Ebola waa fayras halis ah oo dilaa ah, calaamadaha billowgiisuna ay ka mid noqon karaan qandho degdeg ah, daal aad u daran, murqo xanuun iyo cunaha oo xanuuna.
Madaxweynaha Somaliland oo caddeeyey mowqifka dowladdiisa ee xiisadda ka taagan gobolka
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo faragelin kasta oo lagu sameeyo Itoobiya oo khatar gelinaysa xasilloonida iyo madax-bannaanida dalkaas.
Yaa hadda gacanta ku haya Buurhakaba?
Maalin kahor ayay ahayd markii dowladda federaalka Soomaaliya ay cunaqabateyn kusoo rogtay xubno ka tirsan maamulkii hore ee Koofur Galbeed, oo uu ka mid yahay Laftagareen, iyagoo sheegay inay ku saleynayaan xog ay ka hayaan inay la shaqeeyaan al-Shabaab.
UK oo ku hanjabtay inay muwaadiniinta Eritrea ka mamnuuci doonto dalka haddii aan la aqbalin dib u celinta muhaajiriinta
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee UK, Shabana Mahmood, ayaa ku hanjabtay inay dhammaan muwaadiniinta Eritrea ka mamnuuci doonto inay galaan UK, haddii dowladda dalkaas ku yaalla Bariga Afrika aysan oggolaan in dib loogu celiyo muhaajiriin ku yimid doonyo yaryar iyo dad ajaanib ah oo dembiyo galay.
Maxay ka wada hadleen Abiy Axmed iyo Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka
Wadahahadalka taleefanka ee Ra'iisul Wasaare Abiy uu la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Rubio wuxuu yimid xilli dagaal uu mar kale ka qarxay waqooyiga Itoobiya, waxaana jira walaac laga qabo in Itoobiya iyo Eritrea ay dagaal geli karaan
Maraykanka oo soo saaray amar maxkamadeed si ehelada Ilhaan Cumar su'aalo loo weydiiyo
Ilhaan walaasheed Sahra Nuur ayaa heshay warqad amar maxkamadeed ah, ayadoo ugu yaraan hal xubin oo kale oo ka tirsan qoyskeeda amarkaas loo diray
Kenya oo xaqiijisay kiiskii labaad ee Cudurka Ebola. Yaa laga helay, sideese loola tacaalay?
Mas'uuliyiinta caafimaadku waxay sheegeen in bukaanka horey loo geliyay karantiil, isla markaana lala socday xaaladdiisa maalin kasta ka hor inta uusan bilaabin inuu muujiyo calaamadaha cudurka.
Mid ka mid ah xubnaha maamulkii Laftagareen ee xayiraadda dhaqaale lagu soo rogay oo BBC-da kala hadlay mawqifkooda
Qaraar ay shalay soo saareen Guddiga Qaran ee Ka hortagidda lacag dhaqidda iyo maalgalinta argagaxisada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xayiraad lagu soo rogay madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomalaiya iyo xubno ka tirsanaa xukuumadiisii, iyada oo lagu eedeeyay "Inay xiriir la leeyihiin ururka al-Shabaab".
Maxaan ka ognahay Injineerka Sacuudiga ah ee cod-duubaha qarsoodiga ah ku xiray qolka shirarka ee ChatGPT
Xeer-ilaaliyaha federaalka ayaa ku dhawaaqay in muwaadin Sacuudiyaan ah lagu soo oogay dacwad ah inuu si qarsoodi ah qalab duubis ugu rakibay mid ka mid ah xafiisyada OpenAI ee California.
Booliska Turkiga oo gudaha u galay xarunta warbaahineed ee ugu wayn ee mucaaradka iyaga oo hakiyay tabintii
Booliiska Turkiga ayaa Arbacadii, 14-kii Oktoobar, gudaha u galay xarunta dhexe ee kanaalka telefishinka madaxa-bannaan ee ugu weyn dalka, Halk TV, oo ku yaalla Istanbul, taasoo ku qasabtay kanaalka inuu joojiyo baahinta tooska ah, sida lagu sheegay qoraal uu kanaalku soo dhigay barta X.
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Saraakiisha hay'adda socdaalka Maraykanka oo baaray guriga Ilhan Cumar
Saraakiisha hay'adda socdaalka ee Mareykanka ayaa baaray guriga Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka soo gasha Minnesota subaxnimadii Isniinta taa qayb ka ah "baaritaan dambiyeed".
Baaq ka soo baxay shirka El Alamein ku dhex maray madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eritrea
Madaxda shirka ka qayb gashay waxay isku raaceen in arrinta Badda Cas ay tahay arrin u gaar ah oo ay maamulkeeda leeyihiin oo kaliya dalalka xeebta ku leh, iyagoo mar kale adkeeyay muhiimadda xorriyadda marista badda.
Waa tuma Sagal Cabdi Wali, oo ku guulaysatay kuriga ra'iisul Wasaarihii hore ee Uk?
Sagal Cabdi-Wali, oo hoggaamisa golaha deegaanka Camden, ayaa kursiga ku guulaysatay iyadoo heshay 12,292 cod. Hase yeeshee, aqlabiyadda xisbiga ayaa hoos uga dhacday 11,572 cod ilaa 3,364 oo cod.
Muxuu yahay hadalka doodda iyo falcelinta badan dhaliyay ee uu sheegay duqa New Yorka Mamdani?
Mamdani wuxuu hadalkiisa ku bilaabay cambaareynta weerarkii Xamaas, isagoo ku tilmaamay dembi dagaal oo aad u xun
Eritrea iyo Itoobiya: Xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo marxaladihii uu soo maray
Eritrea: Tan iyo bilowgii xornimadeeda 1991-kii, xiriirkii dhowaa ee ka dhexeeyay labada dal, oo ay sabab u ahaayeen xiriirkii xoogganaa ee ay lahaayeen ururradii labada dhinac ee guulo ka gaaray dalalkooda, ayaa si aan khilaaf lahayn ugu gudbay una horumaray xiriir u dhexeeyay labada dowladood.
Waxa aan ilaa hadda ka ognahay colaadda dib uga soo cusboonaatay Waqooyiga Itoobiya
Tan iyo markii dagaalkii sokeeye ee Tigray lagu soo afjaray Heshiiskii Pretoria, colaad ayaa mar kale ka qaraxday Waqooyiga Itoobiya, iyadoo ka bilaabatay Arbacadii, 23-ka Sebtembar.
Madaxweynaha Iiraan oo u sheegay Trump inaysan weligood 'jilbaha u dhigan doonin'
Markii uu bilaabay khudbadda madaxweynaha Iiraan uu ka jeedinayey QM, wafdiga Maraykanka ayaa caro darteed uga baxay hoolka shirka
Erdogan oo ku baaqay in la joojiyo awoodda diidmada qayaxan ee golaha amaanka ee QM
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ma laha awood diidmo. Awoodda diidmada waxaa iska leh oo keliya shanta xubnood ee joogtada ah ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay: Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, Boqortooyada Midowday (UK), iyo Mareykanka.
Maxay horumarka degdegga ah iyo awoodda militari ee sii kordhaysa ee Xuutiyiintu "madax-xanuun" ugu tahay Sucuudiga?
Muddo dhowr maalmood gudahood ah horraantii Septembar, dadaalladii militari, diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Sucuudigu muddo ka badan toban sano ka waday Yemen ayaa u muuqday inay burburayaan.
Xaggee ayay ku dambeeyeen saaxiibbadii halganka ee madaxweynaha Eritrea uu 25 sano xabsiga ku hayay? Muxuuse ahaa dalabkoodu?
Maxay ahayd dalabkii ay soo jeediyeen saraakiisha loo yaqaan Kooxda 15-ka (G15)? Maxay ka yiraahdeen saaxiibbadii Madaxweyne Isaias ee halganka ee muddo rubuc qarni ah aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin?
Maxay Israa'iil ugu ugu dhawaaqday gacanta ku haynta Buuraha Cali Daahir?
Isbadalada dhanka milatariga ee ka socda Buurta Cali Dahir lagama sooci karo sawirka guud ee isbeddelada dhanka milatariga iyo siyaasadda.
Muxuu yahay heshiiska shidaal ee dhexmaray Taliban iyo shirkad Sacuudi ah?
Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee xukuumadda Taliban ee Afghanistan ayaa Isniintii magaalada Kabul heshiis kula gashay shirkad laga leeyahay Sacuudi Carabiya oo la yiraahdo Delta International, kaas oo ku saabsan sahaminta iyo soo saarista saliidda iyo gaaska laga helo goobta Kashk-Tirpul.
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 16 Oktoobar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 16 Oktoobar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 15 Oktoobar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 15 Oktoobar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.














































































