BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
Kansar, caado go' xilli hore ah iyo dagaal tobnaan sano qaatay: Sida unugyada ugxansidaha la qaboojiyay uu uga dhashay wiil caafimaad qaba
Unugyo laga qaaday Kassandra Bacon 23 sano ka hor ayaa si guul leh dib loogu tallaalay jirkeeda, taas oo u suuragelisay inay wiil dhasho iyadoo 44 jir ah.
Jilaaga caanka ah ee Nana Patekar oo geeriyooday
Isagoo caan ku ah qaab-jillinkiisa xooggan, Patekar wuxuu ka sameystay boos gaar ah shaneemada Hindiya.
TOOS, Dad ku dhintay weerarro lagu qaaday garoomada diyaaradaha ee Abha iyo King Khalid ee dalka Sacuudiga
Dad ku dhintay weerarro lagu qaaday garoomada diyaaradaha ee Abha iyo King Khalid ee dalka Sacuudiga
Muxuu yahay hadalka doodda iyo falcelinta badan dhaliyay ee uu sheegay duqa New Yorka Mamdani?
Mamdani wuxuu hadalkiisa ku bilaabay cambaareynta weerarkii Xamaas, isagoo ku tilmaamay dembi dagaal oo aad u xun
Xogo dheeri ah oo laga helayo ciidamada Eritrea oo la sheegayo in ay gudaha u galeen Itoobiya
Waxey ku sii jeedaan deegaan ay iska horimaadyo ka socdaan oo u dhexeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo ciidamada gobolka
Ruushku ma wuxuu qarinayaa cudur faafa oo ka dilaacay dalkiisa?
Isbitaallo dhowr ah oo ku yaal gobolka Irkutsk ee Ruushka ayaa la sheegay in la karantiilay ka dib markii shaqaale shaybaar uu u dhintay cudur loo malaynayo inuu yahay oof-wareen.
Bashiir Nuunow: Kumuu ahaa sarkaalka al-Shabaab ee ka dambeeyay qaraxyadii Soobe ee dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay dishay?
Gaari weyn oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa 14-kii October sanadkii 2017 lagu weeraray Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 500 oo qof, halka qaar kalena ilaa haatan lagu la'yahay.
Aqalka Cad oo difaacay hadalkii Trump ee ahaa in Iran 'ay baabi'in karto' Los Angeles iyo San Diego
Gavin Newsom ayaa hadalka ku tilmaamay mid “waalli ah”, balse Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump uu ka digayay khatarta ka dhalan karta Iran oo haysata hub nukliyeer.
Ma ogtahay in Jabuuti ay kaalinta koowaad ka gashay dalalka ugu mushaarka badan Afrika?
Sida lagu sheegay warbixinta, heerarka mushaharku way kala duwan yihiin sababo badan awgood, oo ay ka mid yihiin heerka horumarka dhaqaale ee dalka iyo xirfadda shaqaaluhu u leeyahay shaqadiisa.
Geerida mataanaha saacadaha kooban kala dambeyay ee gilgishay quluubta dad badan
Marka laga soo tago murugada ka dhalatay geerida labada gabdhood ee muddada laba maalmood gudahood ah,
Basasha oo cagta hoosteeda la saaro ma daaweysaa hargabka?
Basashu waxay ka tirsan tahay qoyska khudaarta Allium, waxayna qayb ka noqon kartaa cunto caafimaad leh.
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Waxa aan ilaa hadda ka ognahay colaadda dib uga soo cusboonaatay Waqooyiga Itoobiya
Tan iyo markii dagaalkii sokeeye ee Tigray lagu soo afjaray Heshiiskii Pretoria, colaad ayaa mar kale ka qaraxday Waqooyiga Itoobiya, iyadoo ka bilaabatay Arbacadii, 23-ka Sebtembar.
Madaxweynaha Iiraan oo u sheegay Trump inaysan weligood 'jilbaha u dhigan doonin'
Markii uu bilaabay khudbadda madaxweynaha Iiraan uu ka jeedinayey QM, wafdiga Maraykanka ayaa caro darteed uga baxay hoolka shirka
Erdogan oo ku baaqay in la joojiyo awoodda diidmada qayaxan ee golaha amaanka ee QM
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ma laha awood diidmo. Awoodda diidmada waxaa iska leh oo keliya shanta xubnood ee joogtada ah ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay: Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, Boqortooyada Midowday (UK), iyo Mareykanka.
Maxay horumarka degdegga ah iyo awoodda militari ee sii kordhaysa ee Xuutiyiintu "madax-xanuun" ugu tahay Sucuudiga?
Muddo dhowr maalmood gudahood ah horraantii Septembar, dadaalladii militari, diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Sucuudigu muddo ka badan toban sano ka waday Yemen ayaa u muuqday inay burburayaan.
Xaggee ayay ku dambeeyeen saaxiibbadii halganka ee madaxweynaha Eritrea uu 25 sano xabsiga ku hayay? Muxuuse ahaa dalabkoodu?
Maxay ahayd dalabkii ay soo jeediyeen saraakiisha loo yaqaan Kooxda 15-ka (G15)? Maxay ka yiraahdeen saaxiibbadii Madaxweyne Isaias ee halganka ee muddo rubuc qarni ah aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin?
Maxay Israa'iil ugu ugu dhawaaqday gacanta ku haynta Buuraha Cali Daahir?
Isbadalada dhanka milatariga ee ka socda Buurta Cali Dahir lagama sooci karo sawirka guud ee isbeddelada dhanka milatariga iyo siyaasadda.
Muxuu yahay heshiiska shidaal ee dhexmaray Taliban iyo shirkad Sacuudi ah?
Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee xukuumadda Taliban ee Afghanistan ayaa Isniintii magaalada Kabul heshiis kula gashay shirkad laga leeyahay Sacuudi Carabiya oo la yiraahdo Delta International, kaas oo ku saabsan sahaminta iyo soo saarista saliidda iyo gaaska laga helo goobta Kashk-Tirpul.
Waa kuma Xaafid Ameir? Ninka daaha gadaashiis ka maamulayay Tanzania?
Carruurtooda waxaa ka mid ah Wanu Xaafid Ameir, oo ah siyaasi, xildhibaan ka tirsan deegaanka Makunduchi, isla markaana ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Sayniska iyo Teknolojiyadda.
Raysal wasaaraha Canada oo wajahaya tijaabo muhiim ah kadib markii uu ka baxay heshiiskii Trump
Ra’iisul Wasaaraha Canada wuxuu wajihi doonaa tijaabo muhiim ah, maadaama uu u baahan yahay inuu shacabka ku qanciyo in go’aankiisii ahaa inuu ka tanaasulo wadaxaajoodyadii Aqalka Cad uu u qalmo cawaaqibka ka dhalan kara.
Garsoore Mareykan ah oo xayiradda fiisaha ka qaaday Soomaaliya iyo 74 dal oo kale
Garsoore Mareykan ah ayaa Jimcihii 21-kii Agoosto baabi'iyay siyaasadda maamulka Donald Trump ee hakisay fiisooyinka muwaadiniinta 75 waddan, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Nolosha qarsoodiga ah ee hoggaamiyaha Iiran iyo shaki laga muujiyay xaaladdiisa nololeed
Toddobaadkii hore, waxaa magaalooyinka Tehran, Qom iyo Mashhad lagu qabtay xuska sannad-guuradii 40-aad ee geeridii Cali Khamenei. Xuska munaasabdaas, Mojtaba Khamenei kama uusan soo qaybgelin taxanaha cusub ee xafladahaas, mana jirin wax muuqaal ama cod ah oo laga baahiyay isaga.
Muxuu waddankaan saaxiibka la ah Soomaaliya u diiday in uu ku biiro heshiiska Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan?
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa hore u sheegay in Masar ay ku biiri karto heshiiska marxalad dambe, sababtoo ah, sida uu sheegay, Qaahira waxaa loo arkaa "saaxiib dabiici ah" oo ka tirsan saddexda waddan.
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 9 Oktoobar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Toos u dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 8 Oktoobar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 8 Oktoobar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 7 Oktoobar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.














































































