Waraysi: Doorka abwaanada ee nabadaynta
Published
Soomaaliya ayaa la daalaa dhaceysay ku dhawaad 30 sano colaado iyo tacadiyo ba'an oo ka dhan ah xuquuqul insaanka.
Hase ahaatee, abwaanada Soomaalida ayaa soo bandhiga aragtidooda ah sida loo heli karo bulsho kuwada nool nabad, xasilooni iyo dimoqaraadiyad.
Haddaba, doorka abwaanka iyo nabadeynta bulshada dhexdeeda ayaa waxaanu ka wareysanay Abwaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland. Fardowsa Maxamed Cilmi ayaa waraysigan la yeelatay.