Ammaanka magaalooyinka Yurub oo laga shirayo
Duqa magaalada Niis ee dalka Faransiiska ayaa qabanaya kulan ay yeelanayaan meeyarada dhowr magaalo oo ku yaala Yurub iyo madaxa arrimaha ammaanka ee golaha reer Yurub Julian King, kulankaa oo looga arrinsan doono sidoo loo wanaajin lahaa xaaladda ammaan isla markaana dib u eegis loogu sameyn lahaa sharciyada magaalooyinka reer Yurub.
Magaalada Niis ayaa ahayd halkii sanadkii hore lagu laayay tiro dad ah kaddib markii baabuur kuwa xamuulka ah la jiirsiiyay dad u dabbaal-degayay maalinta Bastile oo ah markii la inqilaabay boqortooyadii dalkaasi.
Haddaba ujeedada dhabta ah ee shirkaasi iyo waxa laga filan karo ayaan waxaan wax ka weydiiyay Cabdiweli Cisman Garaad oo ah khabiir ka faalooda arrimaha ammanka isla markaana xafiiska ra'iisal wasaaraha Soomaaliya kala talin jiray arrimaha ammaanka.