Guddoomiyaha Duruqsi oo ka deyriyay xaaladda dadka ay abaartu saameysay

Qoraalka Codka, Guddoomiyaha Duruqsi oo ka deyriyay xaaladda dadka ay abaartu saameysay
Published

Guddoomiyaha degmada Duruqsi ee gobolka Togdheer, Axmed Cabdillaahi Cabdi, ayaa ka dayriyay xaaladda ay ku sugan yihiin dad ka badan 400 oo qoys oo ku nool magaaladaasi kadib markii ay abaartii dhoweyd xoolihii kaga dhinteen.

Guddoomiyahu wuxuu kaloo ka waramay xaaladda guud ahaan ee degmadaasi iyo roobabkii ka da'ay deegaankaasi oo keenay in daaqii si fiican u baxo oo xataa looga soo hayaamay gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiye Axmed Cabdillaahi oo safar shaqo ku jooga magaalada Hargeysa ayaa u waramay weriyaha BBC Axmed Saciid Cige.