Falanqeyn: Iscasilaadii Taliyaha Ciidanka Soomaaliya
Published
Wasiirka gaashaan dhigga iyo taliyihii ciidanka Soomaaliya ayaa xilalkoodii iska casilay iyadoo ay soo if baxday xurguf u dhex taal hogaanka ciidanka Soomaaliya. Iscasilaadii Gen Axmed Jimcaale Cirfiid ka dib waxa isla markiiba xilkaa loo magacaabay sarreeye gaas Cabdiweli Jaamac Gorod.
Hadaba isbedelkan hogaanka sare ee ciidanka Soomaaliya saamayn noocee ah ayuu ku yeelan karaa duruufta ciidanka iyo hawlgallada uu ku jiro. Gen Maxamed Ibraahin Guubir oo ka faallooda arimaha milatariga ayaan ka waraystay oo aan ugu horrayn weydiiyey iscasilaadahaasi ma u ekaayeen kuwo la isla sii ogaa oo hore loo qorsheeyey?