Farmaajo oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Published

Madaxweynaha Sooomaaliya, Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha loo doortay ee jamjuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Farmaajo ayuu ugu duceeyay Muuse biixi ''in uu Eebe u fududeeyo howlaha loo igmaday''.

"Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen. Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed," ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu madaxweynaha cusub kala shaqeyn doono dar-argelinta wadahadalladii u dhexeeyay dolwadda federaalka iyo Somaliland.

Wadahalladaasi ayaan qabsoomin muddo ka badan sanad.

Muuse Biixi oo musharrax u ahaa xisbiga KULMIYE ayaa sida uu sheegay guddiga doorashada waxa uu helay 55.19%.

Xisbiga Waddani ee uu murashaxa u ahaa Cabdiraxmaan Cirro ayaa helay 40.73% halka xisbiga UCID uu helay 4.17%.

Cirro, ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Hargaysa kaga dhawaaqay in uu aqbalay natiijada doorashada in kasta oo uu ka xun yahay.

Cabdiraxmaan Cirro
Qoraalka sawirka, Cabdiraxmaan Cirro

Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in doorashada ay ka dhaceen "is daba marin, musuqmaasuq iyo ku shubasho aan xad lahayn".

Waxa kale oo uu Cirro sheegay in "taageerayaasha xisbiga Waddani lagula kacay tacaddi iyo xad gudubyo aad u badan", waxaanu intaa ku daray in uu ka xunyahay "cabudhinta iyo caga juglaynta lagu hayo muwaadiniinta iyada oo loo adeegsanayo xooga ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland ee loogu talo galay in ay dadka cadawga ka difaacaan" in kasta oo aanu eedaymahaas wax caddaynaya soo bandhigin.

Ugu dambayntii Cabdiraxmaan Cirro waxa uu yiri "waxaan u tanaasulay nabadda, wada jirka iyo midnimada ummada Somaliland" waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi "waxaan go'aansaday in aan natiijada gacan ku samayska ah ee la dhoob dhoobay aan aqbalo".