Baarlamanka Soomaaliya oo ku shiri doona adeegga internet-ka ee maqalka iyo muuqaalka ah
Published
Fadhiyada baarlamanka Soomaaliya oo muddo loo hakiyey fayraska korona awgii ayaa haatan lagu wadaa in ay dib u furmaan, waxase haatan ay xubnaha baarlamanku ku shiri doonaan adeegga internet-ka ee maqal iyo muuqaalka ah oo iyaga oo aan madal wada joogin hawlaha doodahooda wadaagi doonaan. Maxamed Cabdillaahi Xasan oo ah hab-dhawraha golaha baarlamanka Soomaaliya ayaa Cabdirisaaq Catoosh uga waramay sida tiknoolajiyada loo adeegsanayo iyo arimaha goluhu gorfayn doonaba.