Haweenka Kenya oo banaanbaxay
Published
Haweenka iyo kooxaha bulshada rayidka ee waddanka Kenya ayaa isugu soo baxay wadooyinka caasimada Nairobi. Waxay ka dalbanayaan maamulka in ay soo xiraan oo dacwad lagu soo rogo koox dhalinyara ah oo laga arkay vedio ayaga oo haweenay dhar kaga jeexjeexaya wadada. Gabadha ayaa xirnayd dhar gaaban.
Kooxda ayaa ku andacooneysa in kiisaskaas xadgudub ku ah haweenka iyo caruurta ay soo badanayaan ayna u muuqato in booliska aysan wax ficil ah ka qaadeynin.
Suhaya Maxamed ayaa warbixintan ka soo dirtay.