Haweeneey ku doodday in canugga caloosheeda ku jiro loo xisaabo rakaab ahaan

Haween dibad baxaya
Published

Haweeney ku nool gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa ku doodday in canugeeda uurka ku jira ay tahay in loo tiriyo rakaab ahaan, kaddib markii lagu ganaaxay in ay gaari ku kaxeysay waddo aad u sarreysa oo loogu talagalay dadka degdegsan, waxaana sharuud ah in ugu yaraan laba qof ay yihiin.

Brandy Bottone, oo 32 jir ah, ayaa la siiyay tikidhka ganaax ah oo lacagtiisu tahay 275 doolar taariikhda marka ay ahayd 29-kii Juun ka dib markii ay joojiyeen booliska gobolka Texas rr Mareykanka.

Waxay markaasi ku doodday in, iyada oo la tixgalinayo sharciga xuquuqdii dastuuriga ah ee ilmo iska soo rididda, sidaa darteed in ilmaha uurka ku jira loo xisaabiyo qof ahaan.

Ms Bottone, oo leh uur 8 bilood iyo badh ah, ayaa qorshaynaysa in ay ka dooddo ganaaxaasi marka ay maxkamadda hor tagto.

Waxay sheegtay in shilkan uu dhacay kadib markii ay adeegsatay haadka dadka aadka u deggdegsan waxayna dooneysay inay soo qaaddo wiilkeeda oo lix jir ah. Markii ay ka baxaysay haadka, waxaa joojiyay booliiska.

Texas waxay ka mid ahayd 13 gobol oo Maraykanka ah oo horay looga ansixiyay mamnuucista ilmo iska soo xaaqidda taasoo ka dhalatay go'aankii maxkamadda sare.

Dhammaadkii bishii Juun, garsooruhu waxa uu bixiyay amar ku meel gaar ah oo xarumaha caafimaadka siinaya in ilmo iska soo rididda ay ku saleeyaan marka ay haweeneeyda leedahay laba toddobaad uur ah.

Xukunkan, si kastaba ha ahaatee, waxaa hor istaagay Maxkamadda Sare ee Texas.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Intaa waxaa dheer, Ms Bottone waxay sheegtay inay isticmaashay dhinaca dadka deggdegsan markii ay uurkii hore lahayd.

In kasta oo ay u sheegtay wargeyska Washington Post in ay aaminsan tahay in haweenku ay tahay in ay door ku yeeshaan waxa ay ku samaynayaan jirkooda, "taas macnaheedu maaha in aan taageersanahay ilma iska soo xaaqidda".

Iyadoo xeerka ciqaabta Texas uu u aqoonsanayo ilmaha uurka ku jira inuu yahay qof, sharciyada hadda jira ee gaadiidka ee gobolka kuma jiro xeerkaas.

Ms Bottone ayaa u sheegtay wargeyska Dallas Morning News, in markii la waydiiyay in baabuurkeeda uu saarnaa rakaab kale iyo in kale, waxa ay farta ku fiiqday caloosheeda oo ay u sheegtay sarkaalka: "Ilmahaygu halkan buu joogaa, waana qof."

Si kastaba ha ahaatee, sarkaalka, ayaa la sheegay in uu sheegay in jidkan loogu talagalay laba qof oo si caadi ah banaanka u joogto sidaas darteedna waxa uu u jaray warqadda ganaaxa.

Go'aankii ay dhawaan maxkamada sare ee dalka dib ugu soo celisay Roe v Wade, oo ah xukun taariikhi ah oo 50 sano jirsaday kaas oo damaanad qaadayay xuquuqda dastuuriga ah ee ilmo iska soo xaaqid, ayaa dib u soo celiyay dood ku saabsan xuquuqda carruurta aan dhalan.