Sawirkii ugu horreeyay abid oo laga qaaday mucjisada godka madow ee hawada sare

DR JEAN LORRE/SCIENCE PHOTO LIBRARY
Qoraalka sawirka, Sawirka godka madow
Published

Khubarada cilmi falagga ayaa markii ugu horraysay sawiray god madow oo ku yaal bah-meereyaal oo aad u fog.

Waxa bedka godkaa madoobi le egyahay 40 bilyan oo km oo ah bedka dhulka oo saddex milyan oo goor la laban laabay, waxaanay saynisyahannadu ku sheegeen wax "aad u weyn".

Godka madoobi waxa uu dhulka u jiraa 500 oo milyan oo tiriliyan oo km waxaana lagu sawiray shabakad ka samaysan sideed teleskoob oo daafaha dunida yaal.

Macluumaadkaa waxaa lagu baahiyey majallada Astrophysical Letters. Sawirka wax qaaday shabakadda Event Horizon Telescope (EHT) oo ah shabakad ka kooban sideed teleskoob.

Prof Heino Falcke oo ka tirsan jaamacadda Radboud ee Netherlands oo tijaabada hindisy ayaa BBC-da u sheegay in godkaa madow laga helay bah-meereyaal la yidhaa M87.

"Waxaanu aragnay wuu ka weynyahay hab-meeraha qorraxdeenna," ayuu yiri. "Wuxu cufkiisu ka weynyahay qoraxda 6.5 bilyan oo goor, waxaana godadka madow ee ugu culus ee aanu filayno kuwa jira. Waa bahal aad u weyn oo ah ka ugu culus godadka modow ee dunida ka jira"

Sawirka waxa ka muuqda "dab aad u ifaya oo ku wareegsan" sida uu sheegay Prof Falcke waxa ololkaasi si fiican ugu wareegsanyahay god madow.

Ololkaa iftiimaya waxa sababay neefta aadka u kulul ee godka galaysa. Iftiinkaasi wuu ka nuur badanyahay wadarta balaayinta xidigood ee ku yaal bah-meeraha uu ku yaal, waana sababta masaafada fog ee dhulka ah looga arki karo.

Gedaanka goobada modow ee dhexda ku jirta ayaa ah goobta ay neeftu ka gasho godka madow, kaas oo ah walax cuf isjiidadkeedu aad u weynyahay, xataa ilayska ayaan dhaafi karin.

Sawirku wuxu waafaqayaa muuqaalladii male awaalka ahaa ee ay sayinisyahannada iyo filim sameeyeyaasha Hollywood ka haysteen, sida uu sheegay Dr Ziri Younsi oo ka tirsan jaamacada University College Lodon, oo qayb ka ah iskaashiga EHT.

DR JEAN LORRE/SCIENCE PHOTO LIBRARY
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"In kasta oo marka si loo eego ay yihiin walxo yar yar, hadana godadka madoobi waxay carinayaan su'aalo adag oo la iska weydiiyo wakhtiga iyo meesha iyo ugu dambayn jiritaankeenna" ayuu yiri.

"Waa wax lala yaabo in sawirka aan aragnay uu aad ula mid yahay wixii ka soo baxay xisaabihii male awaalka ahaa. Ilaa taaan waxa muuqata in Einstein saxnaa".

Sawirkan koobaad wuxu cilmi baadheyaashaa u fududayn doonaa in ay wax badan ka ogaadan walxaha qariibka ah. waxay aad u darsi doonaan siyaabaha godka madoobi kaga duwan yahay wixii cilmiga fiisigisku u haystay. Cidnina hubaal uma garanayso waxa dhaliyay iftiinka ololaya ee godka ku gedaaman waxa abuura.

Xataa waxa kale oo xiise leh su'aasha ah waxa dhici kara marka walaxi ku dhacdo godka madow.

Waa maxay godka madoobi? • Godka madoobi waa meel ka mid ah hawada sare oo aan waxba ka gudbi karin, xataa ilaysku. • Walow magacu tilmaamayo god, hadana ma aha kuwo madhan ee waxa ka buuxa maatar badan oo bed yar aad ugu cufan, waxaanay taasi siisay cuf jiidad aad u badan. • Meeshani waa meel ka shishaysa godka madow oo la yidhaa Event Horizon. Goobtaasina waa "barta aan laga soo noqon" oo ay adag tahay in cuF jiidadkeda laga muruxsado.

.

Kooxdu waxay is waydiinaysaa in uu jiro god madow oo wayn oo ku yaal bu'da bah-Meeraheena la yidhaa Milk Way.

Wax aan maan gal ahayn baa la moodaa, laakiin arintaa haatan la ogaaday ayaa ka adkayd oo ah in sawir laga qaado bah-meere 55 milyan oo sannad ilays inaga fog. Sabab aan la garanayn awgeed na, "goobada dabka ah" ee ku gadaaman godka madow ee ku yaal Milk Way ayaa aad uga yar oo ka iftiin yar kan haatan la helay.