Afar qodob oo mid kamid ah uu dhabar jab ku yahay maamul-goboleedyada oo looga hadlay shirkii Muqdisho

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Kadib go’aanadii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda dawladgoboleedyada ku dhexmaray magaalada Muqdisho 28 May ee sanadkaan, siyaasiyiin badan iyo madaxda dawlad goboleedyada qaar ayaa walaac ka muujiyay qodobada la isku afgartay.
Labadii maalin ee u dambeysay shir ayaa magaalada Muqdisho wuxuu uga socday madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida. Qayb ‘muhiim ah’ shirkaas ah ayaa looga dooday go’aamadii soo baxay 28 kii May.
Sida uu noo sheegay Cabdulqaadir Cosoble oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalana kamid ahaa siyaasiyiintii ka qayb galay shirkaas ayaa sheegay in qodobadaan ay ka mid yihiin waxyaabaha laga wada hadlay.
Doorasho qof iyo cod ah

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Qodobkan oo ka mid ahaa qodobaddii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran ee muran badan dhliyay waxaana Cabdiqaadir cosoble uu ka yiri:
“Qodobka ah in doorasho qof iyo cod ah la aado waxa uu ahaa mab’da uu qofkasto oo Soomaali ah iyo siyaasi walba ayuu ahaa oo aan dib loogu noqon qaab doorashooyinkii hore laakiin qaabkii lagu gaari lahaa iyo nooca uu noqon karo dood fara badan oo dheer ayaa laga galay dabcan qoraalna waa la soo qoro donaa wax yaabihii laga hadlay iyo sida looga hadlay,”
"Doorasho aan ahayn doorashooyinkii la soo dhaafay oo qof iyo cod ah nooca ay tahayna laga si wada doodi doono waa wax siyaasiyiinta oo dhan ay qabaan."
"Maddaamaa madashu ay ahayd madal wadtashi anaga talooyinkeena oo qoraal ahna waan siinay madaxweynaha iyo dood ahna waan u soo jeedinay laakiin wax heshiis lagu gaarayay ama lakala aqbalayay meesha ma yaalin, madaxweynahana wuxuu inoo sheegay in talooyinka iyo haddii talooyin kaleba la soo jeediyo in dhammaan la tixgelin doono oo wixii dastur baddalid u baahan iyo wixii kaleba la qaadan doono."
Mudoo xileedka hay’adaha doladda

Xigashada Sawirka, Villa Soomalia
Qodobadii golaha wadatashiga qaran ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in muddo xileedka hay’adaha dowladda la kordhiyo oo laga dhigo shan sano halka markii hore uu ka ahaa 4 sano balse qodobkaas oo aad looga dooday intii uu socday yay siyaasiyiinta shirka isugu yimid ay gebi ahaanba diideen sida uu BBC u sheegay Cabdiqaadir Cosoble.
Doorashooyinka dowlad goboleedyada
"Go’aanada wadatashiga waxaa ka mid ahaa go’aano dhahayaa hala mideeyo doorashooyinka maamul goboleedyada taas oo ka dhalaneysay in muddo kororsi sharci darro ah oo weliba maamullada qaarna waqtigooda dhamaaday qaarna hadda dhammaanayo inay muddada kordhistaan oo ilaa Nofeembar 2024 gaaraan taasna si cad ayay siyaasiyintii meesha isugu timid ugu sheegeen madaxweynaha asagana uga dhageystay inay wax la aqbali karo ahayn, wax saxna aysan ahayn in maamuladi ay dhahaan waan joogeynaa si dadka aanu u gaarsiino doorasho qof iyo cod ah si muddada u kororsadaan."
Cosoble ayaa arrintaas ku tilmaamay mid sharici darro ah oo horay looga diiday dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ka maqnaashaha Puntland
Qodobkan ayaa waxa uu ka mid ahaa war murtiyeedkii ka soo baxay shirka Muqdisho ka socday, balse Cosoble ayaa qodobkan ku qeexay in loola jeeday in ka maqnaashaha Puntland uu dhaawac ku keeno karay go’aan ka gaarsita arrimaha la xiriira masiirka dalka.
Puntland ayaa hora yuga hadashay go’aanka walaac badan horay u dhaliyay, iyada oo madaxweyne Siciid Cabdullaahi dani sheegay in aysan qayb ka ahayn dhamaan qodobadii ka soo baxay heshiiska.
Isaga oo meel fagaare ah ka hadlayay ayuu sheegay Deni “in dalka meel qaldan lagu wado…Puntland na aysan quseyn qodobadii ka soo baxay shirka”.


























