Maxaa haweenka madax looga dhigaa Shirkadaha ay mushkiladuhu haystaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Daraasad dhawaan la sameeyey ayaa sheegtay haweenka xilliga mushkiladaha loo dhiibo xilalka maamulo iney awood u leeyihiin shirkadahaasi iney burbur ka samata bixiyaan.
Waxaa loo badiyaa xaaladuhu markay adag yihiin dadku iney door bidaan doorka hoggaamineed iney u dhiibaan haweenka ama dadka laga tirada badan yahay.
Carol Bartz waxaa bishii January madax looga dhigay shirkadda Yahoo ee ka shaqeysa arrimaha teknooloojiyadda.
2009-kii shirkaddaasi waxay u ahayd xilligi ugu adkaa maamulkana uu doonayey dhibka shirkadda haysto iney wax ka qabtaan.
Bishii September 2011-kii waxaa Carol soo wacay madaxa guddiga shirkadda Yahoo korka ka maamula Barafasor Alisson Cook oo ka howlgala jaamacadda Utah.
Wuxuuna u sheegay inuu doonayo madaxa shirkadda inuu ka dhigo maadaamaa ay ka mid tahay haweenkaas shirkadda ka shaqeeya ee maareynta ku wanaagsan si ay shairkadda uga samatabixiso xaaladda adag ee soo wajahday.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Daraasad dhawaan la sameeyeyna waxay sheegeysaa xilalka sarsare ee shirkadaha in loo doorto haweenka ama dadka ka soo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay iney shirkada badan burbur uga badbaadeen.
Waxaana daraasaddaa lagu ogaaday haweenka dadka ka soo jeedo bulshooyinka laga tirada badan yahay inaan loo dhiibin hoggaaminta shirkadaha balse ay siyaasadda lafteeda si weyn uga soo muuqdaan.
Khubarada daraasadda sameysay waxay sheegeen in kabadan 500 oo shirkadood oo 15-kii sano ee u dambeeyey tallabboyin noocaasi qaaday ay daraasaddooda ku soo qaateen.
Thekla Morgenrath oo ka tirsan Jaamacadda Purdue ee gobolka Indiana ee Maraykanka iyo saaxibbadii oo falanqeeyey 74 daraasadood oo arrintan laga sameeyey waxay sheegeen haweenka iney ragga ka fursado badan yihiin xilalka waaweyn ee shirkadaha ay mushkiladuhu soo wajahaan.
Waxayna intaa ku dareen daraasadahaasi qiimeynta ay ku sameeyeen iney ka muuqdaan weli eexda jinsiga la xiriirto ee ka muuqda shaqooyinka caadiga ah.

Cilmi-baadhis lagu sameeyay fikradaha la xidhiidha jinsiga ayaa lagu ogaaday in wakhtiyada qalalaasaha, dadku ay u maleynayaan in sifada 'dheddig' ay aad uga muhiimsan yihiin hoggaamiyaha, iyo in dabeecadaha 'ragga' ay yihiin kuwo aan la jeclayn.
Laakiin daraasadahani waxay adeegsadeen ereyada sifooyinka jinsiga iyo dabeecadaha dhabta ah ee hoggaamiyeyaasha leh awoodda hoggaamineed ay saameyn karto arrimaha jinsiga oo shaqooyinka kalaba caqabadda ku ah.
Madaxda ama mulkiilayaasha shirkada badan waxay aaminsan yihiin haweenka hoggaanka loo dhiibo iney awood u leeyihiin iney dhibaatada ka saaraan shirkadaha xaaladaha adag la kulmo.
Waxayna arrinkaa u sababeeyeen maskaxda dumarka iney tan ragga ka wanaagsan tahay marka laga eego xal u helidda dhibaatooyinka taasoo ah hibo rabbaani oo aan dumarka lala wadaagin.

























