"Si aan isku badbaadiyo waxaan is mariyay dhiigga saaxiibbadeydii la dilay"

Julius ayaa ka mid ahaa lix qof oo ay u suurtagashay in ay ka badbaadaan weerarka oo socday saacado badan
Published

Arday lagu magacaabo Julius Isingoma ayaa BBC-da u sheegay sida mucjisida ah ee uu uga badbaaday weerar habeennimo ah oo ay kooxo looga shakisan yahay Islaamiyiin ku qaadeen iskuul ku yaalla galbeedka Uganda.

“Dhiigga saaxiibbadeyda dhintay ayaa waxaan iska mariyey afka, dhegaha iyo madaxa si ay kooxda weerarka soo qaadday ugu maleeyaan inaan dhintay,” ayuu yiri mar aan kula kulannay isbitaalka guud ee Bwera ee degmada Kasese.

Ilaa 40 qof oo 37 ka mid ah ay arday ahaayeen - ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday dugsiga sare ee magaalada yar ee Mpondwe habeennimadii Jimcaha.

Julius ayaa ka mid ahaa lix qof oo ay u suurtagashay in ay ka badbaadaan weerarka oo socday saacado badan.

Ma uusan sheegin kooxihii weerarka soo qaaday, balse wuxuu sheegay inay ahaayeen rag hubeysan oo weerarkooda soo qaaday abaare 10-kii habbeenimo.

Waxa ay yimaadeen qolka jiifka ee wiilasha laakiin ardaydu way xirteen ka dib markii ay ogaadeen in ay khatar ku sugan yihiin.

"Markii ay furi waayeen albaabka ayay bam ku tureen gudaha qolka jiifka ka dibna waxay isticmaaleen dubbayaal iyo faashash si ay albaabka u jebiyaan," ayuu yiri.

"Waan u adkeysan waayay qiiqa joodariyaashii ay gubeen, waxaanan dib ugu soo dhacay qolka jiifka," ayuu yiri.

Julius ayaa gadaal ka taagnaa arday badan oo gashaan ka sameystay albaabka agtiisa, kuwaas oo la toogtay markii dableyda ay galeen qeybta jiifka ee iskuulka.

Waxaa dhacday in ardaydii qaarna la toogtay, qaarna qoorta laga jaray.

Si degdeg ah ayuu u fuulay sariir korkeeda, waxa uu ka saaray safiitadii saqafka kore kadibna waxa uu galay safiitada iyo saqafka dhexdooda.

Halkaa waxa uu arkayay asxaabtiisii oo ay si arxan darro ah u dilayaan kooxihii soo weeraray,kadibna dab qabadsiiyay joodariyaal,kana baxay.

"Waan u adkeysan waayay qiiqa joodariyaashii ay gubeen, waxaanan dib ugu soo dhacay qolka jiifka," ayuu yiri.

Maleeshiyada ayaa jugtii maqlay wayna soo noqdeen.

Markaas ayay ahayd markii Julius uu ogaaday inuu weerarkii hore ka badbaaday uuna weli nool yahay.

“Waxaan ag seexday meydadka saaxiibadeyda oo dhiig badan ka daatay, aad ayaan u fekeray, kadibna dhiig badan ayaan dhegaha, afka iyo madaxa iska mariyay, markii ay maleeshiyadu ii yimaadeen, waxay iga hubiyeen garaaca wadnaha oo ay iga tageen,” Julius. ayuu yiri.

Maxaad ka taqaannaa kooxda weerarka ku qaadday iskuulka?

Maxaad ka taqaanaa kooxda weerarka ku qaadday iskuulka?
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

ADF waxaa waqooyiga Uganda ku aasaasay saraakiil hore oo ka tirsaneyd milateriga oo daacad u aheyd madaxweynihii hore ee Uganda Idi Amiin. Waxa ay hubka u qaateen inay la dagaallamaan madaxweynaha mudada dheer xilka hayay ee Yoweri Museveni iyagoo ku andacooday in dowladdu ay iska cadaadinayso Muslimiinta.

Kaddib markii milateriga Uganda uu ururkaasi ka adkaaday 2001 ayaa waxa ay u guureen oo ay saldhig ka dhigteen gobolka North Kivu ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

Kaddib muddo aanay wax badan qaban ayaa ADF waxa ay dib u soo shaacbaxday 2014 markaas oo ay weerraro xiriir ah ku qaadeen dad rayid ah oo ku nool ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

Musa Seka Baluku ayaa noqday hogaamiyaha ururkaasi 2015-kii kaddib markii la xiray ninkii isaga xilka kaga horreeyay ee Jamil Mukulu. Baluku ayaa markii ugu horraysay 2016-kii ku dhawaaqay inuu raacayo awaamiirta ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

Hasayeeshee illaa bishii Abriil ee 2019 ayey qaadatay in IS ay qirto inay deegaankaas kala shaqeyso kooxdaasi, markaas oo ay sheegatay mas'uuliyadda weerrar lagu qaaday xeryo milateri oo u dhaw xadka waddanka Uganda.

Bayaankaas waxaa ku dhawaaqay Daacishta Gobolka Bartamaha Afrika, kaas oo ay xitaa ku jiraan kuwa ka dagaallama waddanka Mozambique.

Walow ay jiraan astaamo muujinaya in IS ay xulafo la tahay ADF, ayaanay haddana Daacish baahin wararka borobagaandada ah ee ururkaasi.

Bishii Sibteembar 2020-kii Baluku ayaa waxa uu ku andacooday in ADF aanay ahaynba koox dhisan oo shaqaynaysa.

"Waqtigan la joogo waxaannu ku sugannahay gobol ku yaal bartamaha Afrika, gobolkaas oo ka mid ah gobollada ay ka tirsan yihiin ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah," ayuu yiri.