Gabar TikTok ku sheegtay in la furay oo meydkeeda la geeyay magaaladii ay nolosha cusub ka billaabi rabtay

Sania Khan waxaa la guursaday bishii June ee 2021
Qoraalka sawirka, Sania Khan waxaa la guursaday bishii June ee 2021
Published

Sania Khan markii ay ka baxday guurka ka xumaaday, waxa ay sheegtay in qaar ka tirsan xubnaha qoyskeeda ee kasoo jeeda bulshada Muslimiinta ah ee Koonfurta Aasiya ay dareensiiyeen inay "ku guul darraysatay nolosha".

TikTok ayay ku heshay taageero iyo farxad ay siinayeen dad aysan aqoon u lahayn - ilaa markii dambe uu ku soo laabtay ninkeedii hore uuna dilay.

Sheekadan waxaa ku jira xog ay dhibsan karaan aqristeyaasha qaar.

Boorsooyinkeeda ayay xirxiratay. Waxa ay diyaar u ahayd in ay xor noqoto.

 21-kii July ayay ahayd maalinta ay Sania Khan u billaabanaysay nolol cusub.

Haweeneydan oo ka tagtay magaalada Chicago ee gobolka Illinois dalka Mareykanka dhibaato dhanka dhimirka ah kala kulantay xiriirka ka xumaaday.

Waxaa u qorshaysnayd inay nolol cusub ku samaysato magaalada Chattanooga ee gobolka Tennessee.

Taas baddalkeeda, isla maalintaas, waxaa lagu celiyay gurigeeda meydkeeda oo naxash ku jira.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Saddex maalmood ka hor xilligaas, booliska ayaa helay Sania oo taalla meel u dhow albaabka hore ee guri ku yaalla Chicago oo ay mar isla deggenaayeen ninkeedii hore, Raheel Ahmad, oo 36 jir ah.

Jirkeeda waxaa ku yaallay dhaaw xabbad ah oo looga dhuftay qaybta dambe ee madaxa, isla goobtii ayaana lagu xaqiijiyay in ay geeriyootay.

Marka ay boolisku halkaas tageen, Ahmad, oo markii uu ka tagay gobol kale u guuray, ayaa isku dilay hubkii uu xaaskiisii hore ku dilay.

Sida lagu sheegay xog ay booliska la wadaageen Wargayska Sun-Times, ee kasoo baxa magaalada Chicago, lamaanahan waxay "ku jireen qalalaasaha furriinka", Ahmad oo kasoo safray 700 mayl ayaana ugu soo laabtay si uu "isugu dayo inay isku laabtaan".

Dilka naxdinta leh ee uu gaystay ninka isaga qudhiisa isdilay ayaa soo gabogabeeyay nolosha Sania Khan, oo ahayd haweeney da' yar oo kasoo jeedda Pakistan balse haysatay dhalashada Mareykanka.

Waxa ay ahayd sawir qaade xirfaddeeda ay soo ifbaxaysay, waxayna dhawaan taageero badan ka heshay TikTok, oo ay u adeegsanaysay wacyigelinta haweenka uu guurka ka xumaaday iyo kuwa la furay ee kasoo jeeda Bulshooyinka Koonfurta Aasiya.

Sania

Geerideeda waxay argagax ku noqotay saaxiibbadeed iyo dadkii kala socday dhinaca dhijitaalka, kuwaasoo qaarkood ay sheegeen in ay dareemeen cadaadiska la noolaanshaha xiriirka aan caafimaadka lahayn si ay u badbaadaan.

"Waxa ay sheegtay in 29 uu noqonayo sanadkeeda la billaabanaya nolosheeda cusub, aad bay u faraxsanayd," ayay tiri BriAnna Williams, oo ay saaxiib ku ahaayeen Jaamacadda.

Sania waxa ay saaxiibbadeed u ahayd qof ay joogitaankiisa ku istareexaan, dhiirrigelin badanna ka helaan.

"Waxa ay ahayd qof wax walba kuu huraya," ayay tiri Mehru Sheikh, oo 31 jir ah, oo Sania ku tilmaantay saaxiibteeda ugu fiicnayd.

 "Xitaa markii ay ku jirtay xaalad aad u adag oo nolosheeda soo martay, waxay ahayd qofka ugu horreeya ee kusoo wacaya si uu kuu waydiiyo xaaladdaada."

Instagram, oo ah meeshii ugu horraysay ee ay taageerayaasha ku samaysatay, ayay ku tilmaantay inuu yahay waxa ku dhiirrigeliyay sawir qaadista, waxayna bogga hore ku qoratay: "Waxaan dadka ka caawiyaa in ay naftooda jeclaadaan dadka kalena jeclaadaan iyagoo hor taagan kaamirada."

Sania iyo saaxiibbadeed

Sania waxa ay sawirro ka qaadi jirtay xafladaha aroosyada, dabbaaldegga dhalashada, madax shubka iyo munaasabadaha kale ee farxadda leh.

Mararka qaar macaamiisheeda ayay lacag ka qaadan jirtay si ay shaqadaas ugu qabato, balse sidoo kalena waxay u adeegi jirtay saaxiibbadeed.

Sania saaxiibbadeed waxay ku doodayaan in Ahmad uu muddo dheer qabay dhibaato dhanka dhimirka ah.

Lamaanahan muddo dheer ayay xiriir lahaayeen iyagoo meelo kala fog kala jooga, ka hor inta aysan isguursan. Xilligii ugu horreeyay ee guurkooda aad bay isugu faraxsanaayeen, sida ay saaxiibbada sheegeen.

Dhibaatadu waxa ay billaabatay bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, markaas oo gabar Sania saaxiibteed ah ay sheegtay inay la wadaagtay arrinta ku saabsan dhibaatada dhimirka ee Ahmad, sidaas awgeedna ay baqaysay.

BBC-da uma suurtagelin inay la xiriirto qoyska Ahmad, si ay arrintan uga jawaabaan. 

Qiyaastii 12 dil oo isugu jira qof dad kale dilay iyo qof isaga isdilay ayaa isbuuc walba ka dhaca Mareykanka.

Saddex meelood labo meel oo ka mid ah dhacdooyinkaas waxay khuseeyaan lamaaneyaal, sida ay sheegtay Xarunta Maaraynta Qalalaasaha.