“Taliban waxay damceen inay calankooda suraan gudaha Iiraan”

Taliban
Published

Ciidamada kooxda Taliban ee gacanta ku haysa dalka Afghanistan ayaa dagaal la galay ciidamada ilaalada xuduudda ee waddanka Iiraan.

Faahfaahin kooban ayaa kasoo baxday isku dhaca labada dhinac oo laga soo tebiyay xadka u dhaxeeya labada waddan ee deriska ah.

Mas'uuliyiinta kooxda Taliban ayaa sheegay in hal askari looga dilay dagaalka oo dhacay shalay oo Axad ahayd.

Labada ciidan ayaa ku dagaallamay meel u dhow xadka ay wadaagaan gobolka Nimroz ee dalka Afghanistan iyo gobolka Hirmand ee dalka Iiraan.

Labada dhinacba mid walba waxa uu kan kale ku eedeeyay inuu mas'uul ka yahay dagaalka.

Isku dhacyo badan ayaa dhex maray militeriga Iiraan iyo xubnaha kooxda Taliban tan iyo markii ay ururka Islaamiga ah ee hubaysan uu la wareegay xukunka Afghanistan, hal sano ka hor.

Sababta rasmiga ah ee keentay dagaalkan ugu dambeeyay wali ma cadda.

"Waxaan dilnay hal askari mid kalena waan dhaawacnay," ayuu yiri afhayeenka booliska gobolka Nimroz, oo lagu magacaabo Bahram Haqmal, mar uu la hadlayay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Xadka Afganistan iyo Iiraan

Sarkaal ka tirsan maamulka magaalada Hirmand ee gobolka Sistan va Baluchestan ee dalka Iiraan oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Fars, ayaa sheegay in uusan wax khasaare ah soo gaarin dhinaca ciidamada Iiraan.

Wakaaladda kale ee Wararka ee Iiraan ee lagu magacaabo Tasnim ayaa tebisay in dagaalka uu billowday kaddib markii ciidamo ka tirsan Taliban ay isku dayeen in ay calankooda ka taagaan "meel aan ahayn dhulka Afghanistan", taasoo keentay in islamarkiiba ay billaabato rasaas la iswaydaarsanayay in muddo ah.

"Ciidankeenna waxay bixiyeen jawaab lagama maarmaan ah," ayuu yiri Barazandeh oo ka tirsan mas'uuliyiinta gobolkaas u matala dowladda Iiraan.

Bishii lasoo dhaafay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay in hal askari looga dilay dagaal ka dhacay isla aaggaas.

Xadka Iiraan iyo Afghanistan
Qoraalka sawirka, Xadka Iiraan iyo Afghanistan

Bishii August ee sanadkii 2021-kii ayay Taliban dib ula wareegtay maamulka dalka Afghanistan, kaddib markii ay halkaas ka baxeen ciidamada Mareykanka.

Wixii markaas ka dambeeyay kooxdan oo dhistay dowlad ayaa raadinaysa aqoonsi caalami ah.