Saarista warbixinta BBC ee ku saabsanayd madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Published
Waxaan daabacnay 14kii July warbixin sheegeysa in madaxweyne hore Maxamed Farmaajo uu safar qarsoodi ah ku tegay Jerusalem bishii February 2020 iyo in uu la kulmay raysul wasaarihii hore ee Israel Benjamin Netanyahu.
Warbixintaas ma buuxin heerka tifaftirka BBC, waana ka dejinnay websiteka iyo baraha bulshada.
Sheekada waxay ku dhisneyd xog hal il-wareed laga helay, mana jirin baaritaan dheeraad ah oo ka baxsan ishaas oo laga hubiyay. Lama aynan xiriirin madaxweyne hore Farmaajo si uu uga jawaabo eedeynta.
Waan ka cudurdaaraneynaa gaabiskaas, iyo caqabadaha laga yaabo inuu sababay.
Way naga go’an tahay in aan raacno hageyaasheenna-tifaftir iyo mabaadii’da ku cad.



















