Manchester United iyo Wigan Athletic oo koobka FA isku arki doona

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxda Manchester United oo haysta koobka FA Cup ayaa gurigeeda ku martigalin doonta Wigan Athletic oo isla koobkan ku guulaysatay sanadkii 2013kii, ciyaartaasi ayayna ugu tartamayaan wareegga afraad.
Kooxda difaacanaysa horyaalka Ingiriiska ee Leicester City waxay marti u noqon doontaa Derby County, Chelsea-na waxay magaalada London isku hardiyi doonaan Brentford
Millwall oo ka tirsan League One oo garaacday Bournemouth waxay abaaalgud u heshay in ay gurigeeda ku qaabisho Watford oo iyadana ka dheesha Horyaalka Ingiriiska.
Liverpool-na ciyaar lug labaad ah waxaay la dheeli doontaa Plymouth oo ay barbaro soo galeen oo ka dheesha koobka League Two.
Sutton United waxay la dheeli doontaa Leeds United waase haddii ay soo badiyaan lugta labaad ee ay wada dheeli doonaan AFC Wimbledon.
Wareega afraad waxaa wada dheella 32 kooxood, dhamaan kooxahaasina waxay wada dheelli doonaan 27 ilaa 30-ka Janaayo.
Isku aadka kooxaha oo dhamaystiran
Tottenham Hotspur iyo Wycombe Wanderers
Derby County iyo Leicester City
Oxford United iyo Newcastle United ama Birmingham City
AFC Wimbledon ama Sutton United iyo Leeds United
Plymouth Argyle ama Liverpool iyo Wolverhampton Wanderers
Southampton ama Norwich City iyo Arsenal
Lincoln ama Ipswich iyo Brighton
Chelsea v Brentford
Manchester United iyo Wigan Athletic
Millwall iyo Watford
Rochdale iyo Huddersfield Town
Burnley ama Sunderland iyo Fleetwood ama Bristol City
Blackburn Rovers iyo Barnsley ama Blackpool
Fulham iyo Hull City
Middlesbrough iyo Accrington Stanley
Crystal Palace ama Bolton iyo Manchester City























