Ciyaaryahanka Arsenal, Xhaka oo su'aalo laga weydiiyay "cusurinimo"

Xigashada Sawirka, Rex Features
Ciyaaryahanka qadka dhexe uga ciyaara Arsenal Granit Xhaka ayaa su'aalo ay weydiiyeen booliska ka dib markii lagu eedeeyay inuu xadgudub cunsurinimo uu sameeyay.
Waxaa la sheegay inuu ku xadgudbay qof diyaarad ka shaqeeyo oo ku sugnaa Heathrow, habeenkii Isniinta.
Xhaka, oo 24 sano jir ah, waxaa la aaminsan yahay inuu la sacday qof saaxiibo ay yihiin oo London ku soo booqday, kaas oo ku noqonaayay dalkii uu ka yimi.
Ninka ayaa loo maleynayaa inuu ka daahay diyaaradda loona diiday inuu raaco.
Waana xilligaas marka Xhaka uu sameeyay cunsuriyadda lagu eedeeyay.
Arsenal ayaa diiday inay ka hadasho arrinta, waxayna ku gaabsatay inay arrin shaqsiyadeed tahay taas oo hadda booliska uu gacanta ku hayo.
Afhayeen u hadlay booliska ayaa BBC-da u sheegay: "Booliska waa la soo wacay fiidkii Isniinta, 23kii bishan, waxaana loo sheegay in xubin ka mid ah shaqaalaha lagu xadgudbay".
"Eeda waxaa soo jeediyay qof kale. Ciidamada goobta ayey tageen waxayna la hadleen nin 20-sano jir ah. lama soo xirin. Wuxuu si iskiis ah u tagay saldhigga booliska galbeedka London halkaas oo su'aalo lagu weydiiyay. Baaritaankana wuu socdaa weli."
Arrintaas ayaa dhacday saacado ka dib markii Xhaka laga saaray ciyaartii Arsenal iyo Burnley ee 2-1 ka ay ku dhammaatay.

























