Juventus oo markii u horraysay dhibco khasaarisay xilli ciyaareedkan

Xigashada Sawirka, Reuters
Published
Juventus ayaa markii u horraysay dhibco khasaarisay tan iyo billawgii kooxbka Serie A ee xilli ciyaareedkan ka dib markii kooxda Atalanta ay iska soo mogtay labo gool oo lagaga naxsaday.
Ciyaartaasi waxay ka dhacday garoonka Stadio Atleti Azzurri d'Italia.
Goolal ay kala dhaliyeen Federico Bernardeschi iyo Gonzalo Higuain ayay Juve la hormartay.
Balse waxaa gool ka dhaliyay Mattia Caldara ka dibna waxaa gooshii barbaraha dhaliyay Bryan Cristante oo teesto ku dhaliyay.
Paulo Dybala ayaa laga qabtay rigoore, kooxdiisana sidaas ayay kaalinta labaad ku gashay waxaana hoggaanka haysta Napoli.
Juventus ayaa ciyaarta dardar ku billawday balse kooxda Atalanta ayaan is dhiganin.



















