Weeraryahanka Chelsea, Morata oo muruq go'ay

Alvaro Morata ayaa toddobo gool dhaliyay tan iyo markii uu Chelsea ku soo biiray
Qoraalka sawirka, Alvaro Morata ayaa toddobo gool dhaliyay tan iyo markii uu Chelsea ku soo biiray
Published

Alvaro Morata oo afka hore uga dheela naadiga Chelsea ayaa laga yaabaa in uu ciyaaraha ka maqnaado muddo bil ka badan, ka dib markii uu ku dhaawacmay ciyaartii ay guuldarraysatay ee ay Sabtidii la yeelatay Manchester City.

Dhaawaca soo gaaray ayaa ahaa muruq go'.

Ciyaartoygan 24 jirka ah laga soo iibsaday Real Madrid iyadoo Chelsea ay ka soo bixisay 60 milyan oo gini, taas oo ah lacagtii ugu badnayd ee ay Chelsea abid soo siisato ciyaartoy.

Waa ciyaaryahanka ugu goolal badan Chelsea, toddobo gool ayuuna u dhaliyay.

Dhakhaatiirta xulka qaranka Spain ayaa ka daweeyay muruq go' heerka labaad ah wuxuuna seegi doona labada kulan ee ka tirsan isreebreebka Koobka Adduunka ee ay toddoobdan Spain la yeelanayso Albania iyo Israa'iil.

Dhaawaca muruqa ee noocan oo kale ah ayaa caadiyan lagaga soo kabtaa afar ilaa siddeed toddobaad.

Spain ayaa hogaaminaysa dalalka ku wada jira horinta ama qaybta G, waxayna saddex dhibcood ka koreeyaan Talyaaniga, waxaana u dhiman labo ciyaarood oo kali ah.

Naadigiisa Chelsea-na ciyaarta soo socota waxay la dheeli doontaa Crystal Palace 14ka bishan Oktoobar, markaas ka dibna waxay foodda is dari doonaan, Roma, Watford iyo Everton.