Riyadii ay Suuriya ka qabtay Koobka Adduunka oo wali nool

Cumar Al Somah
Qoraalka sawirka, Cumar Al Somah
Published

Cumar Al Somah ayaa gool ku laad u dhaliyay xulka qaranka dalka Suuriya, iyadoo ay sidaa ku soo noolaatay rajadii ay ka qabeen in ay u soo baxaan Koobka Adduunka.

Ciyaartii ay Australia la lahaayeen ayaa barbaro ku soo dhammaatay.

Cumar ayaa sidan oo kale wakhti dambe goolkii barbarada ka dhaliyay Iiraan, iyadoo Suuriya ay ku dhamaysatay kaalintii saddexaad.

Xilligaa kooxo kale ayey isku guruub ahaayeen kuwaas oo ka dhisan qaaradda Aasiya.

Sidoo kale gool barbaro horseeday, ayuu ka dhaliyay Malaysia ka dib markii goosha furitaanka ciyaarta Suuriya ka dhacday uu dhaliyay Robbie Kruse.

Kulanka labaad wuxuu Arbacada soo socota ka dhici doonaa magaalada Sydney.