Sadio Mane oo lix toddobaad dhaawac u maqnaan doona

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciyaartoyga afka hore uga dheela naadiga Liverpool, Sadio Mane ayaa lix toddobaad ciyaaraha uga maqnaan doona muruq go.
Dhaawacan ayaa soo gaaray isaga oo u dheelaya xulka dalkiisa Senegal.
Mane oo 25 jir ah ayaa la badalay daqiiqaddii 89-aad ee ciyaartii ay 2-0ka kaga badiyeen Cape Verde Sabtidii, taas oo u horseeday in uu dalkiisu u soo baxo Kooobka Adduunka.
Waxaa lagu wadaa in uu seegi doona ciyaaraha Horyaalka Ingiriiska ee kooxdiisu ay la yeelan doonto Manchester United iyo Tottenham, sidoo kalana wuxuu seegi doonaa labada kulan ee Horyaallada Yurub ka tirsan ee ay la yeelan doonaan Maribor.
Mane ayaa saddex gool u dhaliyay Liverpool shan kulan oo uu xilli ciyaareedkan u saftay.
Senegal oo hoggaanka u haysa kooxaha ay isku horrinta yihiin waxaa u dhiman labo ciyaarood oo adadag oo ay 10 iyo 17 Nofeembar la yeelan doonaan Koonfur Afrika, waxayna u badan tahay in uu seegi doono kuwaasna.



















