Serena Williams oo guursatay Alexis Ohanian

Xigashada Sawirka, Getty Images
Serena Williams ayaa guursatay Alexis Ohanian oo wax ka aasaasay Reddit, iyaga oo dhigtay mid ka mid ah aroosyadii ugu waawaynaa ee sannadkan.
Dad badan oo magac leh oo ay ka mid yihiin Beyonce, Kim Kardashian iyo Eva Longoria ayaa ka qaybgalay xalfadda oo ka dhacday New Orleans Khamiistii.
Qaybtii ay xalfaddu ka dhacay ee magaalada ayaa la xiray oo laamaha ammaanku isku gadaameen.

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images
Dadka kale ee ka soo qaybgalay waxaa ka mid ahaa Caroline Wozniacki, Kelly Rowland, Ciara, La La Anthony iyo tifaaftiraha Vogue Anna Wintour, sida uu ku warramay wargayska Dail Mail.
Waxaa lagu warramay in arooska uu ku baxay dhaqaale ka badan hal milyan oo doolar, martidana waxaa laga dalbaday in aysan taleefoonnada gacantooda la imaanin maadaama oo jaraa'idka Vogue oo kali ah xuquuq loo siiyay.
Tababaraheeda Patrick Mouratoglou ayaa Sarena u rajeeyay "aroos wanaagsan" isaga oo Instagram fariin soo dhigay.



















