Haddii garsooraha ciyaarta uu gool dhaliyo, maxaa la sameynayaa?

referee
Published

Waxaa jira waxyaabo ka dhaca garoonka gaar ahaan cayaarta kubadda cagta, micno ma sameyneyso inta jeer ee ay dhacdo, balse waa wax qosol leh. Waxay beddelaan natiijada cayaarta, waxayna saameeyaan natiijada guud. Balse mararka qaar way adag tahay in laga hortago sababtoo ah si kama' ah ayay ku dhacaan.

Waxyaabaha dhifka ah ee qosolka leh ee ka dhaca cayaaraha kubadda cagta waxaa ka mid ah, garsooraha oo beddelaya jihada banooniga iyadoo aan wax goolal ah la dhalin. Balse maxaa dhacaya haddii garsoore uu beddelo jihada goolna uu dhasho? Maxaa dhacaya haddii garsooruhu uu si kama ah u taabto banooniga?

Xitaa su'aasha kale ayaa ah ma dhacday in garsoore uu gool dhaliyo? ' waa wax la yaab leh wax micno ahna ma sameyneyso. Waa garsooreyaal, dhammaantoodna waxaa u taalla inay go'aansadaan cidda guuleysatay sida ku xusan 17-ka qodob ee cayaaraha kubadda cagta. Balse maxay la micno tahay in garsoore uu dhaliyo gool, taas oo faa'iido u leh mid ka mid ah kooxaha dheelaya.?

Keliya waxaa jira tusaalooyin yar oo ku saabsan garsoore gool dhaliyay

Waxaa jira tusaalooyin yar oo ku saabsan garsoore gool ka dhaliyay cayaar kubadda cagta ah. Bishii September 2001, Brian Savill, oo ah maskaxdii ka dambeysay in dib la isugu aaddiyo Earls Colne iyo Wimpole sanadkii 2000, ayaa gool u dhaliyay Wimpole.

Si kastaba, goolku ma uusan caawin Wimpole, iyadoo lagu garaacay 20-2, balse afar bilood kaddib garsooraha ayaa is casilay kaddib markii loo sheegay inuu shaqada ka fariisin doono Guddiga Kubadda Cagta.

Bishii May 2019, garsoore Maurice Paarhuis ayaa gool u dhaliyay kooxda HSV Hoek oo la dheelayay Harkemase Boys cayaartaas oo ka dhacday Netherlands. Goolka si kastaba ma caawin HSV oo lagu garaacay 4-2.

Bol
Qoraalka sawirka, Haatan ma jiro sharci difaacaya haddii garsoorayaashu ay gool dhaliyaan

Sanadkii 1986, dhibaato ayaa qabsatay garsoore Ahmet Akçay markii uu si kama' ah uu gool u dhaliyay daqiiqaddii ugu dambeysay taas oo guusha u horseedday MKE Ankaragücü oo cayaar ay dhex martay kooxda Besiktas. Garsooraha ayaa korjoogto ka ahaa goosha, waxayna cayaartu ku dhammaatay 1-0.

"Tani waa markii ugu horreysay ee aan gool dhaliyo 17 sano gudahood," ayuu markii dambe Akçay u sheegay wargeyska Milliyet.

Malaha goolka ma aysan dhalin lahayn Besiktas, iyadoo dhammaadka cayaarta ay Besiktas u dhaxeysay farqi ah hal gool. Dad badan ayaa u arka in goosha garsooraha ay horseedday guusha.

Kahor sanadkaas, 1983 waxaa jiray kulan Horyaalka Brazil ah oo u dhaxeeyay Santos iyo Palmeiras, halkaas oo garsoore José de Assis Aragão uu is arkay isagoo dhaliyay gool Santos ka caawiyay inay 3-1 guusha ku raacdo. Ilaa daqiiqaddii 90-aad, Santos waxay ku hoggaamineysay 2-1.

Isbeddelkii sharciga ee 2019

Refa
Qoraalka sawirka, Khilaaf ayaa soo kala dhex gala garsooraha iyo cayaartoyda marka uu garsoore farageliyo cayaarta iskaba daa inuu gool dhaliyee

Shuruucda cayaarta

Xilligaas, garsooruhu waxaa loo arkayay qeyb ka mid ah kulanka, ee ma uusan ahayn wax ka baxsan garoonka, taasina waa sababta uu banoonigu ugu dhacay garsooraha, waana la oggolaa in goolkaas uu dhashay.

Balse bishii June, 2019, arrimuhu waa is beddeleen; Shuruuc badan oo xakameeya ururka iyo kuwa kubadda cagta dunida ayaa isbeddel sameeyay, keliya toddobaad kaddib markii Paarhuis uu dhaliyay goolkii nasiib darrada ahaa. Balse hadda waxaa jira shuruuc ka duwan kuwii hore:

"Banoonigu wuxuu noqon doonaa mid ka baxsan cayaarta haddii aad taabato garsooraha aadna goobta ku sii sugnaato; aadna kooxda ka caawiso inay bilaabaan weerar adag, ama uu banooniga waxaa qaadan doonta kooxda kale."

Maxaa dhacaya, haddii garsooruhu uu taabto banooniga uuna dhaliyo gool?

Marka la eego shuruucda cusub, haddii uu garsooruhu si toos ah u taabto banooniga uuna soo farageliyo cayaarta, waxaa lagu qasbi doonaa inuu joojiyo cayaarta uuna dib u soo bilaabo isagoo banooniga dhigaya. Xilligan ma jiraan goolal ay dhaliyeen garsooreyaal, balse keliya go'aankooda ayaa saameyn ku yeelan doona cayaarta, ee ma aha iyaga oo qeyb ka ah cayaarta.