Cayaaraha Sabtida England Premiership

Published

Cayaarta ugu horaysa oo goor dhow soo gabagabowday waxay dhexmartay kooxaha Wolves iyo Liverpool.

Maanta cayaaro dhowr ah oo xiise leh ayaa qabsoomaya, waxaa ka mid ah:

Cayaarta ugu horaysa oo goor dhow soo gabagabowday waxay dhexmartay kooxaha Wolves iyo Liverpool.

Arsenal oo la cayaaraysa Wigan, Blackpool ayaa martigalinaysa Sunderland, Everton waxaa u iman doonta kooxeda West Ham,Fulham waxaa garoonkeeda kula cayaaraysa kooxda Stoke. Manchester United iyo Birminghmam waxay isku arkayaa garoonka Old Trafford, Tottenham waxay marti u tahay kooxda Newcastle. Aston Villa waxay marti u noqonaysaa Man City. Waxay noqonaysaa cayaarta u damaysa oo dhacaysa lixda iyo barka maqribnimo saacadda africada bari.

Hadaba, waxaan si toos ah dhagaystayaashu ugu soo gudbinaynaa kullan cayaareedka dhexmari doona kooxaha Newcastle iyo Tottenham.

Tottenham dhinaca dhibcaha waa kooxda shanaad oo waxay leedahay 37 dhibcood, 7 dhibcood ayay ka hoosaysa kooxaha Man U iyo Man City oo ugu dhibco badan tartanka oo lix min 45 dhibcood. 22 kulan oo ay cayaartay 10 ayay badisay, 7 barbardhac ayay gashay, 5-na waa laga badiyay.

Newcastle waxay iyadu ku jirtaa booska 9-aad oo waxay leedahay 29 dhibcood, Tottenham ayaa 8 dhibcood ka saraysa. 22 kulan oo ay dheeshay 8 ayay badisay, 5 barbarro ayay gashay, 9-na waa laga badiyay.

Labadan koox ayaa kulmaya iyagoo heerkaa kala jooga.