AMISOM: oo laga codsaday ka bixista garoonka kubadda
Published
Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa ka codsaday ciidammada nabad ilaalinta Afrika ee AMISOM inay ka baxaan garoonka cayaaraha ee Muqdisho Stadium.
Xiriirka ayaa sheegay in ay doonayaan inay garoonka u isticmaalaan sidii ay ku horumarin lahaayeen cayaaraha gudaha Soomaaliya.
Haddaba, waxaanu khadka taleefanka ee Muqdisho ku wareysanay guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cabdiqani Siciid Carab, waxa uu u warramay weriyaha BBC, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.