Halganka xagga hoose ee horyaalka Ingiriiska

Xigashada Sawirka, Barclays Premier League
Published
Sabtidan waxaa jiray toddoba ciyaarood oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska. kulammada Sabtidan dhacay oo ay ka qayb galeen sagaal ka mid ah tobanka kooxood ee tartanka ugu hooseeya, waxaa loo kala badiyay:
Everton 0-2 Sunderland.
Aston Villa 1-0 West Ham
Hull 0-1 Burnley
Leicester 2-0 Southampton
Newcastle 1-1 West Brom.
Stoke 3-0 Tottenham
Kooxaha QPR iyo Hull ayaa iyaguna ku jira meesha laga dhacayo waxaana aan ka fogeyn Leicester iyo Newcastle oo halis ugu jira inay ku soo dhacaan xerada hoos u dallacidda.
Sabtidan waxaa goolasha ugu badan dhalisay kooxda Stoke oo soo gashay kaalinta 10aad, si fiicanna uga fogaatay cabsida ay qabaan kooxaha kaalinta hoose kaga jira tartanka horyaalka.























