Natiijooyinka horyaalka ee toddobaadkan

Published
Maanta waxaa jiray toddoba ciyaarood oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska. Waxaana loo kala badiyay:
Southampton 6-1 Aston Villa.
Burnley 0-0 Stoke
QPR 2-1Newcastle
Sunderland 0-0 Leicester
Tottenham 2-0 Hull
West Ham 1-2 Everton
Liverpool 1-2 Crystal Palace. Waqtiga daabacaadda maqaalkan ciyaartani way socotay.
Sadio Mane ayaa noqday ciyaartoygii ugu dhaqsaha badnaa ee saddex gool ka dhaliya hal ciyaar taariikhda horyaalka Ingiriiska kaddib markii ay Southampton ku tumatay Aston Villa.
Leicester waxay xaqiijisay inay horyaalka joogeyso laakiin Hull, Newcastle iyo Sunderland weli waxay halis ugu jiraan inay hoos u dhacaan.
Hull City waxay soconaysaa ilaa ciyaarta ugu dambaysa bal inay badbaadi karto kaddib markii ay Tottenham 2-0 uga badisay.























