Manchester United oo la wareegtay hogaanka

Xigashada Sawirka, PA
Sabtidan waxaa dhacay Siddeed ciyaarood oo ka tirsan horyaalka kubbadda cagta ee Ingiriiska.
Waxaana loo kala badiyay:
Tottenham 4 -1 Manchester City.
Leicester City 2 - 5 Arsenal
Liverpool 3 - 2 Aston Villa
Manchester United 3 - 0 Sunderland
Southampton 3 - 1 Swansea
Stoke City 2 - 1 Bournemouth
West Ham United 2 - 2 Norwich City
Newcastle iyo Chelsea ciyaartoodu way socotaa waqtiga daabacaadda maqaalkan.
Harry Kane ayaa goolkiisii ugu horreeyay u dhaliyay Tottenham oo ka soo noqotay gool lagala hormaray iyagoo hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Manchester City 4 -1 gool uga badiyay.
Manchester City waa toddobaadkii 2aad ee xiriir ah ee laga badinayo.
Toddobaadkan waxaa si fiican u guulaystay Manchester United oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka horyaalka sanadkan iyadoo yeelatay 16 dhibcood iyo Arsenal oo kaalinta 4aad soo gashay, kana soo kabatay guuldarradii toddobaadkii hore oo Chelsea 2 - 0 uga badisay, laba ciyaartoyna laga saaray.























