Sunderland oo hakisay heshiiska Emmanuel Eboue

Published

Kooxda Sunderland ayaa qorshaynaysa inay soo afjarto heshiiska uu kooxda kula jooga Emmanuel Eboue, ka dib markii xiriirka FIFA uu muddo sannad ah ka fariisiyey dhamaanba cayaaraha kubadda cagta.

Eboue waxaa loo haystaa lacag uu ku lahaa nin hore wakiil ugu ahaa. Laacibkaas oo hore ugu soo cayaaray naadiyada Arsenal, Beveren iyo Galatasaray.

wuxuu Sunderland ku soo biiray bishii February, waxaana lagu ganaaxay inuu bixiyo lacag u dhiganta 21,000 oo Gini September 2014.

Waxaa loo qabtay inuu 4 bilood isaga xalliyo eedda loo haystay. Tababaraha kooxda Sam Allardyce wuxuu sheegay in weli albaabka uu u furan yahay Eboue haddii uu eedda iska xalliyo.