Mashruuca warshada caanaha
Shir ka dhacay magaalada Istanbul, ayaa waxaa ka qeyb galay ganacsato Soomaaliyeed oo ka kala socda dhinacyada wax soo saarka iyo adeegga .

Xagga wax soo saarka waxaa ka socday kalluumeysato iyo xoolaleey.
Haddaba mashruuc lagu hawlan yahay oo ku saabsan sidii loo heli lahaa warshad caano, ayaa waxaa shirka uga soo qeyb galay Maxamed Axmed Jimcaale, oo ah aqoonyahan ku takhasusay daaweynta iyo dhaqashada xoolaha.
Yusuf-Garaad ayuu uga warramay warshadda caanaha ee ay ku tala jiraan inay ka hirgaliyaan Muqdisho
Sagal Jet
Shirkadda a Sagal Jet ayaa samaysa xayaysiisyada ganacsiga ee boodhadhka, iyo daabacadaaha kala duwan.
Daabacaadyada waaweyn ee ay samayso haatan sharkaddaasi, ayaa horay loogu doonan jiray dibadda sida Dubai.
Axmed Saciid Cige ayaa wareystay Madaxa Suuqgeynta ee sharikadda Cabdi Yuusuf Aar.