Farmaajo: “Waan soo dhoweyneynaa dowladaha gacanta ka geysanaya baaritaanka”

Waa tabinta tooska ah ee Maanta.

Tebin toos ah

  1. Farmaajo: “Waan soo dhoweyneynaa dowladaha gacanta ka geysanaya baaritaanka”, Burburka diyaaradda Bardaale: Madaxweyne farmaajo oo Uhuru kala hadlay

    Farmaajo iyo uhuru

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in uu madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo qoysaska dhibbanayaasha “u xaqiijiyay in ay billaabeen baaritaanka oo si rasmi ah ay u hoggaamineyso Wasaaradda Duulista Hawada”.

    “Madaxweynaha wuxuu sidoo kale soo dhoweynayaa dhammaan hay’adaha iyo dowladaha doonaya in ay ku soo biiraan baaritaanka”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay villa Somalia.

    “Waxay (dowladda) bixineysaa wada shaqeyn iyo taageero aan xadidneyn oo buuxda”.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay sare u qaadeyso badqabka diyaaradaha gargaarka iyo adeegyada aasaasiga ah ee xilligan lagu guda jiro saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19.

    War qoraal ah oo sidoo kale ka soo baxay xafiiska madaxweynaha kenya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu amray hay’adda socdaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u baarto waxa sababay in diyaaradda ay soo dhacdo.

    “Madaxweynaha wuxuu soo dhoweeyay tallaabada uu Farmaajo qaaday ee ah inuu Laanta Socdaalka Hawada ee Kenya ku casuumay in baariutaanka ay qeyb ka noqdaan”, ayaa ku xusay warsaxaafadeedka.

  2. War deg deg ah, Cudurka Corona: Kiisaskii ugu badnaa oo maanta laga helay xaafadda Islii

    Sida ay maanta sheegtay wasaaradda caafimaadka kenya, 45 kiis oo cusub ayaa maanta la helay, 29 ka mid ahna waa Islii.

    "Qofna ma garanayo cudurka corona, waana in dadka aan loo cunsuriyeyn", ayey tiri wasaaradda Caafimaadka ee Kenya.

    Tirada Guud ee kiisaska kenya laga helay waxay gaarayaan 535 qof.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  3. Burburka diyaaradda Bardaale: Farmaajo iyo Uhuru oo qadka telefoonka ku wadahadlay

    Uhuru iyo Farmaajo

    Si ay qorayaan qaar ka mid ah warbahinta Kenya, waxaa telefoonka ku wadahadlay Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya, kuwaas oo ka sheekeystay diyaaraddii ku burburtay Bardaale.

    Xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaana BBC u xaqiijiyay in labada hoggaamiye ay ka wadahadleen dhacdadaas iyo sidii loo baari lahaa.

    Sida ay qortay warbaahinta Citizen, Madaxweyne Maxmed Cabdullaahi Farmaajo ayaa telefoon u soo diray Madaxweyne Uhuru Kenyatta, wuxuuna madaxweynaha Soomaaliya muujiyay sida uu uga xun yahay dhacdada, wuxuuna ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay burburka diyaaradda.

    Arrintan waxay daba socotaa diyaarad ka diiwaan gashan Kenya oo siday gargaar caafimaad oo shalay ku dhacday magaalada bardaale ee maamulka Koonfur Galbeed.

    War qoraal ah oo warbaahinta kenya ay sii xigteen waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu amray Hay’adda Socdaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u baarto waxa sababay in diyaaradda ay soo dhacdo.

    “Madaxweynaha wuxuu soo dhoweeyay tallaabada uu Farmaajo qaaday ee ah inuu Laanta Socdaalka Hawada ee Kenya ku casuumay in baaritaanka ay qeyb ka noqdaan”, ayaa ku xusan warsaxaafadeedka.

  4. Muqdisho: Xanaaq ka dhashay saxafi middi lagu dilay

    Saxafi Saciid oo xalay Muqdisho lagu dilay

    Warbaahinta Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay dilka weriye oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Saciid Yusuf Cali waxaa lagu duray middi isagoo taagan tukaan hortii oo ku yaalla magaalada.

    Saciid oo dhalay laba canug, xaaskiisiina ay uur kale leedahay hadda, wuxuu dilkiisa ka hor weriyay warbixin ku saabsanayd dilka macalim iskuul.

    Dilkiisa wuxuu ku soo aadayaa xilli ay sare u keceyso hanjabaadda ay la kulmayaan saxafiyiinta Soomaaliya, sida lagu xusay war qoraal ah oo ka soo baxay ururada saxaafadda Soomaaliya.

    Tan iyo sannadkii la soo dhaafay, afar saxafi ayaa lagu dilay Soomaaliya, illaa 50 kalena waxaa loo geystay jirdil ama xadgudub. Sidoo kale tobannaan ayaa la xiray, sida qoraalka ku xusan.

    Axaddii, oo ahayd maalinta caalamiga ee Xuriyadda Saxaafadda, Waxay ururada saxaafadda qabteen isu soo bax waxayna warqad cabasho ah u direen madaxweyne Farmaajo.

    Waxaa warqaddaas ku xusnaa dhacdooyiinkii ugu dambeeyay ee weriyeyaasha ay la kulmeen.

  5. Cudurka corona: Kenya oo billaabeysa “tijaabada dawooyiin”, Bilaabidda tijaabada waxay sugeysaa ansixin

    Corona

    Cilmi-baarayaasha caafimaad ee Kenya ayaa sugayay in loo ansixiyo tijaabada seddax dawo oo loo sameynayo cudurka corona, sida lagu qoray wargeyska Daily Nation.

    Baarayaasha waxaa la filayaa in ay tijaabiyaan dawada Remdesivir, oo lagu daweeyo hadda Malaariya iyo sidoo kale dawada Lopinavir/ritonavir, sida ay uu qoray wargeyska.

    Remdesivir waa dawo loogu talagalay caabuqyada faafa, waxaana markii hore loo sameeyay inlagu daweeyo xanuunkii Ebola.

    Dhakhtarka hoggaaminaya baaritaankan, Loice Achieng Ombajo, in kastoo aysan sheegin cidda maalgelineysa cilmi baaristan.

    Waxay sheegtay in ay jawaab ansixin ah ka sugayaan guddiga Sunta iyo arimaha dawada iyo Seyniska ee kenya.

    "Waxaan tijaabadaas ku sameyn doonnaa meelo kala duwan oo dalka ka mid ah, si aan u qiimeyno in dawa uun ay shaqeyneyso,” Dr Ombajo ayaa laga so xigtay dhakhtarka.

    Kenya waxaa lagu arkay 490 kiis oo ah fayrska Covid-19, waxaana ku dhimatay 24 qof.

  6. Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo caalamka ee maanta, Markale maalin wanaagsan:

    Subax wnagaasan: Haddaan markale ku xasuusino wararka ugu waaweyn caalamka:

    • Dowladda Kenya waxay Soomaaliya ka dalbatay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo diyaaraddii shalay ku dhacday magaalada bardale.
    • Dowladda Soomaaliya oo "baareysa sababtaburburka diyaaraddii" Bardaale ku dhacday
    • Mareykanka oo markii ugu horreysay uu gaaray xayawaanduula 'oo dadka dila'
    • Coronavirus: Haweeney sheegtay in Covid-19 uu nafteeda badbaadiyay
    • Wixii dheeraad ah waxaad kala socon kartaa bogga BBC News Somali
  7. Dowladda Soomaaliya oo "baareysa sababta burburka diyaaraddii" Bardaale ku dhacday, Dowladda Soomaaliya oo "baareysa sababta burburka diyaaraddii" Bardaale ku dhacday

    Sawirka diyaarad

    Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War ka soo saartay diyaaradii ku dhacday degmada Bardaale ee ay ku dhinteen 6 Ruux oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib.

    Wasaaradda ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku sameyneyso sababta keentay in diyaaradaasi oo sidday shixnad daawo ah ay ku dhacdo Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

    Wasaaradda Gaadiidka waxaa ay sheegtay in diyaaradda ay laheyd Shirkadda African Airways, isla markaana ay gargaar caafimaad u wadday dadka ku dhaqan halkaasi,iyadoo tacsi looo diray dadkii wax ku noqday shilkaasi diyaaradeed.

  8. Niger: Wasiir “u dhintay coronavirus”

    Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha ee dalka Niger Maxamed Ben Cumar ayaa u dhintay fayraska corona, sida ay shaaciyay warbaahinta dalkaas.

    Xisbigii uu ka tirsanaa ayaa ku dhawaaqay in 55 sano jirkaas uu isbitaalka ku dhintay Axaddii balse ma aysan sheegin waxa sababay inuu dhinto.

    Wuxuu wasaaraddaas hayay tan iyo 2017-kii, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP.

    Niger waxaa illaa iyo hadda cudurka corona uu ku dhacay 755 waxaana u dhimatay 37 qof.

  9. Diyaarad ay leedahay Iran oo “sababtay faafidda fayraska ee Bariga Dhexe”, Diyaarad ay leedahay Iran oo “sababtay faafidda fayraska ee Bariga Dhexe”

    Diyaarad

    Diyaarad ay leedahay Iiraan oo lala xiriirinayo ilaalada kacaanka dalkaas ayaa sii faafisay fayraska corona ee Bariga Dhexe, sida ay BBC ogaatay.

    Mahan Air ayaa bukaanno qabay xanuunka geystay dalalka Lubnaan iyo Ciraaq – taas oo dhalisay kiisaskii ugu horreeyay ee wadamadaas laga soo sheegay.

    Dad ka tirsan Mahan Air waxay BBC u sheegeen in shaqaalihii diyaaradda lagu amray in aysan hadlin markii ay isku deyeen in ay shaaciyaan walaacooda la xiriiray maareynta bukaannada iyo qalab la’aantii haysay.

    Xogta tixraaca duullimaadka waxay sidoo kale muujisay in diyaaradda ay si joogto ah ugu duuleysay Shiinaha in kastoo safarada ay mamnuucday dowladda iran.

    Mahan Air ayaa diiday in ay arrintan ka jawaabto.

  10. Kenya: Hala baaro sababta diyaaraddeenna loogu soo riday Soomaaliya

    Dowladda Kenya ayaa Soomaaliya iyo beesha caalamka ka codsatay in baaritaan lagu sameeyo sababta diyaarad laga leeyahay Kenya oo ka shaqeysa gargaarka bani'aadannimada loogu soo riday Soomaaliya.

    Diyaaradda oo dhacday Isniintii waxaa ku dhintay lix ruux oo isugu jiray muwaadiniin Soomaali ah iyo kuwo reer Kenya ah.

    Wasaaradda Gaadiidka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la billaabay baaritaan ku saabsan dhacdadaas.

    .