Muna Maxamuud Toosane waa inanta keliya ee ku jirta ardayda saxaafadda dhamaystay ee Jaamacadda Hargeysa, Weriyaha BBC-daSiddiiq Burmadayaa warbixintan ku eegaya.
Ruushka oo banaanka keenay awooddiisa ciidan
Tabinta Tooska ah.
Tebin toos ah
Fayraska korona oo markale ku soo laba kacleeyay waddamo badan oo caalamka ku yaal

Sarkaalka Dowladda Mareykanka ugu sareeya dhanka cudurada faafa, Dr Anthony Fauci ayaa sharci dajiyeyaasha dalkaas u sheegy in dalka Mareykanka uu haatan markale wajahayo "sare u kac horleh" oo la xiriira feyraska corona, kaas oo laga soo sheegayo qaar kamid ah gobolada Mareykanka.
Khubarro caafimmaad oo uu kamid yahay Dr Anthony Fauci, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay noqon doonaan maalma adag oo ay tahay in wax laga qabto faafidda cusub ee xanuunka.
Guud ahaan dalka Mareykanka waxaa lagu soo warramayaa in markale ay sare u kaceen tirada kiisaska corona.
Khubarradan caafimmaad ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aysan Madaxweynaha Mareykanka kala hadlin in uu yareeyo tirada dadka laga baarayo xanuunka.
Wadama badan ayaa sidoo kale shaaciyay kiisas cusub, iyada oo laga cabsi qabo inuu mar labaad ay kiisaska kor u kacaan.
Gudoomiye Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya oo ka soo horjeestay xeerrarka uu maalmahan ka doodayay Golaha Shacabka
Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay xeerrraka uu maalmahan ka doodayay Golaha Shacabka.
Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay in xeerrarkaasi wax laga badelay taas oo aanan sharciga waafaqsanayn isla markaana aanay ahayn kuwii loo soo gudbiyay labada guddoon ee labada aqal.
Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay guddiga doorashooyinka qaranka in aanay isticmaali karin xeerrarka hadda la ansixiyay iyo kuwa doodoodu socoto.

Xigashada Sawirka, Xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare

Xigashada Sawirka, Xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare

Xigashada Sawirka, Xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare
Qoraalka sawirka, . Adeegtooyinka Afrikaanka ah ee Lubnaan ayaa banaanka looga soo tuurey guryihii ay ka shaqaynayeen, haddana darbiyada ayay jiiftaan
Qaar kamid ah dadweynaha Somaliland oo ka hadlaya qodobadii ka soo baxay shirkii Soomaaliya iyo Somaliland
Ruushka oo banaanka keenay awooddiisa ciidan

Xigashada Sawirka, Reuters
Ruushka ayaa u dabaal dagaya xuska “maalinta guusha”, isaga oo soo bandhigay awoodiisa milateri xilli laga cabsanayo faafidda cudurka coronavirus.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa horay u baajiyay dabaal dagan sanadlaha ah sababa la xiriira cudurka coronavirus.
Muddo 75 sano ah ayaa ka soo wareegatay tan iyo markii USSR ay ka adkaatay Nazi Germany.
Xayiraadihii saarnaa Moscow ayaa bishaan laga qafiifiyay, taas oo suura gelisay in safaf dhaadheer oo ciidamo ah ay u dabaal dagaan xuska maalintan.
Milateriga ka qayb galayay xuskan ayaa la sheegay inay ku jireen karantiil muddo laba isbuuc ah.
Ku dhaawad 13,000 oo qaybood oo milateri ah, 234 oo gaadiidka gaashaaman iyo 75 diyaaradaha dagaalka ah ayuu Ruushka soo bandhigay xuska maalinta ay ugu madac dareen “maalinta guusha”.
Dagaalkii labaad ee adduunka ayaa Midowga Soviet wuxuu ku waayay 20 milyan oo qof.

Xigashada Sawirka, Reuters

Xigashada Sawirka, EPA

Xigashada Sawirka, Reuters

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay taliyayaasha ciidamada Badda iyo dhulka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaciyay magacyada taliyayaasha ciidamada Badda iyo dhulka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa taliyaha cusub ee Ciidanka Badda u magacaabay Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hore u ahaa taliyaha ciidanka Dhulka.
Waxaa uu sidoo kale madaxweynaha u magacaabay taliyaha ciidanka dhulka Cabaas Amiin Cali oo hore u ahaa taliyaha ciidanka badda.
Ka bood X bogganOggolow X macluumaadkaDigniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanMacluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Somaliland oo qaadday qaar ka mid ah Xayiraaddaha Covid-19
Halkan ka dhagayso warbixin uu weryaha BBC-da Sidiiq Burmad, nooga soo diray Hargaysa.
Qoraalka Codka, . Somaliland oo imtixaanadii shaaahdiga ahaa ee sanadkan Covid_19 awgeed u baajisay
Maalinta sabtida ah ee fooda inagu soo haysa 27ka June waxa jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbnaannida ee Somaliland looga dareerayaa qaadista imtixaanada shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo kaliya.
Waxaa sanadkan Meesha ka baxday imtixaanadii laga qaadi jiaray fasalada 8deed ee dugsiyada dhexe ee shahaadiga ah iyada oo wasarada waxabarashyadu sheegtay in arday tiradoodu gaadhayso 20kun oo arday oo dugsiayada dhexe ah la qiimayn doono heerkooda waxbarasho iyada oo aan imtixan laga qaadin Covid _19 .
Halka 11kun oo arday fasalada Afraad ee dugsiga sare ka baxaya iyaga imtixaan laga qaadi doono bilaamaya maalinta sabtida ah.
Muxu yahay Qodobka cusub ee lagu soo daray heshiiskii Soomaaliya iyo Somaliland

Xildhibaannada golaha shacabka ee barlamaanka federaalka ayaa ansixyay xeerka kuraasta gobollada waqooyi oo macnihiisu uu noqonayo in doorashada xildhibaannada deegaanadaas ku mata golayaasha dawladda in lagu dooran doono magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale goluhu waxa uu bilaabay ka doodista xeerka matalaadda gobolka Banaadir kaas oo isna macnihiisu yahay sidii senataro uu gobolku ugu yeelan lahaa aqalka sare ee barlamaanka federaalka.
Waxaa ogolaatay 167
Waxaa diiday 1
Wax ka aamusay malaha
Madaxwayne Qoor-qoor "Inaan dowladda dhexe isu dhawnahay waa sax"
Xerada Turkisom ee Muqdisho oo saaka lagu qaaday Weerar isqarxin ah
Ibrahim Maxamed Adan, BBC Somali
Warrarka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar isqarxin ah saaka lagu qaaday dibadda hore ee xerada tababarka ciidanka ee ay maamullaan Turkidu ee la yiraahdo Turkisom oo ay ka socotay qoridda dhalinyaro cusub oo ka mid noqonaysa milatariga Soomaaliya.
Dad goobjoog ah ayaa sheegay in labo qof oo midkood uu ahaa rayid kan kalena uu ahaa dhalinyaradii doonaysay in ciidanka loo qoro ay dhinteen kadib markii uu qof walxaha qarxa isku soo xiray oo soo galay safka dhalinta la qorayay uu qarxay.
Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegaya in markii la ogaaday in ninka qarxay ay ku xiran yihiin walaxaha qarxa la toogtay.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxayna intaa raacisay inay dib ka faahfaahin doonto khasaaraha uu gaystay.
Faransiiska: Turkiga waxa uu ka wado Libya maahan mid loo dulqaadan karo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa Turkiga ku weeraray howsha uu Libya ka hayo, isaga oo Gaashaanbuurta NATO ku eedeeyey inay ciyaarayaan “ciyaar halis ah” oo aanan loo dulqaadan karin.
Macron, oo ay hadaladiisa ka caraysiin karaan dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa wuxuu dadaalada uu Turkiga ka wado Libya ku tilmaamay "fikrad muran ka dhex abuuri karta isbahaysiga milateriga", isaga oo horayna ugu tilmaamay “maskax dhimatay.”
Ankara ayaa dowladda Libya ka taageeraysa dib u heshiisiinta, taas oo ay Qaramada Midoobay iyo beesha calaamka aqoonsatay.
Dadka arrimahaas falanqeeya ayaa aaminsan in Faransiiska uu taageerayo Janaraal Khaliifa Xaftar, Ruushka iyo UAE, balse Paris ayaa ku adkaysanaysa inay arrimahaan dhexdhexaad ka tahay.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa yiri “Waxaan u malaynayaa in Turkiga uu ciyaar halis ah ka wado Libya uuna faragelinayo go'aamadii shirkii Berlin” ee la qabtay horaantii sanadkan.
Xaaska jeneraalkii sanad ka hor lagu toogtay Itoobiya oo cadaalad dalbatay

Xigashada Sawirka, ETHIOPIA TV
Xaaska taliyihii guud ee ciidammada dalka Itoobiya Seare Mekonnen ee toogashada lagu dilay sanad ka hor ayaa sheegtay inay ku guul daraysatay dadaalo ay ku doonaysay in ra’iisal wasaare Abiy Axmed kula kulanto si ay wax uga ogaato baaritaanada ku aadan dilkii loo gaystay seygeeda.
“Waxaa la igu yiri suuragal maahan,” Waxaa sidaas Laanta Afka Tigrinya ee BBC-da ku yiri Col Tsege Alemayehu.
Col Tsege ayaa sheegtay inaysan maqlin wax ku saabsan toogashadii loo gaystay seygeeda.
“Sanad ka hor waxaa la ii sheegay in qof la xiray. Balse ma ogi waxa socda,” Ayey tiri.
Seygeeda, Gen Seare Mekonnen, ayaa toogasho lagu dilay, iyadoo dawladdu ay ku eedeeysay wax ay ugu yeertay in qilaab lala maaganaa gobolka Amxaarada.
Jeneraal Seare Mekonnen oo ahaa taliyihii ciidammada waxaa dilay waardiyihiisa, markaas wuxuu isku dayayay in uu fashiliyo afgambiga, sida ay dawladdu sheegtay, jeneraal Gezai Abera oo isna la joogay ayaa toogasho lagu dilay.
Gabar Soomaaliyeed oo ka sheekaynaysa dhaawac loogu gaystay Koonfur Afrika
Jawar Maxamed oo ka hadlay Khilaafka u dhexeeya dalalka Masar iyo Itoobiya

Xigashada Sawirka, MAHEDER HAILESELASSIE TADESE
Khilaafka u dhexeeya dalalka Masar iyo Itoobiya ee salka ku haya biyo-xireenka weyn ee ay xukuumadda Addis Ababa ka dhisayso webiga Blue Nile ayaa bilhii dambe sii xoogeystay.
Jawar Maxamed oo lagu sheego inuu yahay ninki sababta u ahaa inuu isbeddel ka dhaco dalka Itoobiya, gaar ahaana inuu is casilo Ra'isal wasaare Dr Hailemariam Desalegn ayaa fariin uu bartisa twitter-ka soo dhigay ku sheegay in Itoobiya aysan ka walaacin cabashada Masar.
“Ma’ahan inaan ka walaacno arrimaha ku saabsan Masar iyo dagaalka ka dhalan kara. Waa arrin faa’iido ugu jirta siyaasadda dalkooda. Dhibkeenna waa faragelin nooga timaada Maraykanka iyo Bangiga Adduunka. Xalka ugu dambeeya waa in la dhiso biyo-xireenka hanjabaad walba oo ka timaado.” Ayuu yiri Jawar Maxamed.
Ka bood X bogganOggolow X macluumaadkaDigniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanMacluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Masar ayaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay isbuucan ka codsatay wadaxaajoodka seddex geesoodka ee ku saabsan biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile inuu soo farageliyo.
Masar inta ay cabashadeeda si rasmi ah ugu gudbin Qaramada Midoobay, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Deguu Andargachew wuxuu warbaahinta dalka Itoobiya uu toddobaadki hore u sheegay Masar iney diyaar u ahayn in wadahadal wax weliba lagu dhammeeyo oo ay dooneyso Itoobiya iney cadaadis siyaasadeed oo ka baxsan wadahadallada ay saarto.
Iyadoo boqolkiiba toddobaatan(70%) la dhammeystiray dhismaha biyo-xireenka ayaa waxaa la filayaa in bisha July la billaabo buuxintiisa, waxaana aad usii yaraanaya waqtiga lagu dhammeystiri karo wadahadallada.
Hodan: Waxaa la igu qasbay guur anigoo yar
Guurka qasabka ah, waa mid ka mid ah noocyada guur ee ka jira meelo badan oo dunida ah. Waa hab qofka, badanaana gabdhaha, lagu qasbayo in loo guuriyo qof aanu rabin. Kaas oo ah doonis ku dhisan danaha cidda wax qasbaysa. Geeska Afrika waa meelaha guurkaasi ka jiro. Hodan Cabdillaahi waa hooyo Soomaaliyeed oo sheegaysa in yada oo ay soo martay guurkaas qasabka ah, Hodan waxa ay ka warbixinaysaa xaaladihii ay ka soo martay iyo caqabadihii ay kala kulantay. Waxayna u warrantay weiyaha BBC-da ee Cabdifataax Ibraahim Cagayare
Qoraalka Muuqaalka, . Aaden Barre Ducaale oo laga qaaday xil sare oo uu ka hayay Kenya

Waxaa maanta xilka laga qaaday Aaden Barre Ducaale, oo ahaa hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya.
Xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo tan iyo doorashooyinkii 2013-kii ahaa hogaamiyaha aqlabyidda baarlamaanka Kenya ayaa markale wajahay huban la'aan xilkiisa ah.
Bilowgii bishan ayey aheyd markii uu Aaden Barre ka badbaaday qorshe la doonayay in xilka hogaamiyaha aqlabiyadda looga qaado kaddib markii isbeheysiga haya talada ee Kenya uu isbaddallo ku sameeyay xubnaha hoggaanka u ah xisbigaasi ee jagooyinka kala duwan ka haya laba aqal ee baarlamaanka iyo sanetka.
Ducaale oo waqtigaas BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sababta uu uga badbaaday xil ka qaadista ay tahay in xubnaha ka tirsan xisbiga ay kalsooni ku qabaan shaqada uu ka hayo baarlamaanka.
"Badbaadada Ilaahey ayaa iska leh....kalsoonida golaha baarlamaanka oo maanta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay joogeen dhib ayay kalsooni ii siiyeen... shaqadii aan ka qabtay xisbiga sida in aan baarlamaanka ku hoggaamiyay, arrimihii dowladda oo aan sidii la rabay uga soo baxay anigoo weliba kalsooni ka heysta xitaa dhinaca mucaaradka," ayuu yiri xildhibaan.
