Waa sidee xaalka Wajeer iyo abaarta ka jirta guud ahaan dalka Kenya?
Waxaa deegaanka Wajeer bilihii la soo dhaafay ka taagnaa isqab-qabsi siyaasadeed oo ka dhashay barasaabkii kalsoonida lagala laabtay, arrintaas oo saameyn xooggan ku yeelatay dhaqaalaha iyo shaqooyinka deegaanka.
Waxa aintaa dheer in hadda ay Wajeer kamid tahay deegaannada ay ku dhufatay abaarta uu dhawaan madaxweyne Uhuru Kenyatta ku tilmaamay musiibo qaran. Hadaba si aan xog badan uga helno waxa ka taagan Wajeer ayaa waxaan ka waraysannay barasaabkeeda, Axmed Cali Mukhtaar oo u warramay weriyaha BBC Ciise Xaaji Cabdulle. Marka hore waxa uu ka warramayaa waxa u qabsoomay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.
Halkan hoose ka dhagayso



















