Maxay isku casishay gabadha Soomaaliyeed ee Wasiirka ka ahayd dowladda Itoobiya?

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Musharraxiinta doorashada Gobollada Waqooyi oo barito billaabaya hadal jeedintooda

    .

    Siyaasiyiinta u taagan musharraxnimada doorashada Aqakka Sare ee gobollada Waqooyi ayaa loo fasaxay in ay maalinta Talaadada ah gudo galaan khudbadaha hadal jeedinta, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

    Go'aankan ayaa kasoo baxay Guddiga Hirgalinta Doorashada kuraasta gobolada waqooyi.

    Bayaan lagu daabacay bogga SONNA ayaa lagu yiri; "Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021(Talaada) ay si rasmiya u bilaaman doonto hadal jeedintii(khudbadihii) musharixiinta."

    Khudbadaha musharraxiinta ayaa lagu jeedin doonaa Xerada Afisiyoone, waxayna billaabanayaan saacaddu marka ay tahay siddeedda subaxnimo, sida lagu qeexay bayaanka.

  2. Maxay isku casishay gabadha Soomaaliyeed ee Wasiirka ka ahayd dowladda Itoobiya?

    .

    Wasiirka Haweenka, Carruurta iyo Dhallinyarada ee Itoobiya ayaabarteeda twitter-ka ku shaacisay in ay iska casishay xilka, toddobaad kahor iyadoo la filayo inuu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed soo dhiso xukuumad cusub, ka dib markii uu si weyn ugu guuleystay doorashadii muranka dhalisay ee la qabtay bishii June.

    Wasiir Filsan Cabdulaahi Axmed, ayaa sababaha ku sheegtay in “shaqsiyaddeeda oo si weyn u miisaaman iyo damiirkeeda,” ay ku qasbeen inay soo gudbiso iscasilaaddeeda.

    Ma aysan ka jawaabin codsiyada wareysiga ay BBC-da u gudbisay balse afhayeenka Wasaaradda ayaa warkaas ku tilmaamay mid lama filaan ah. Zelalem Shambel, ayaa BBC -da u sheegay inuusan haynin wax faahfaahin ah oo ku saabsan is casilaadda wasiirka marka laga reebo ku dhawaaqisteeda oo ay ku shaacisay baraha bulshada.

    Dowladda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin warkaas, balse qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ayaa ka hadlay aragtidooda.

    Ma cadda sida ay muhiim u tahay warka iscasilaadeeda balse waxaa loo maleynayaa xiisad ka dhex jirta hoggaanka sare ee dalkaas.

    Kahor inta aysan xilka ka qaban dawladda, Filsan ayaa ahayd qof inta badan u dhaqdhaqaaqa dhiirigelinta wada-hadalka bulshada, gaar ahaan kooxaha Soomaalida iyo Oromada, ee gobolka Soomaalida Itoobiya ka dib rabshado halkaa ka dhacay.

    Sannadkii 2019 -kii waxay daah furtay TV madaxbannaan, oo ka mid ah kuwa ugu horreeya ee ka jira deegaanka Soomaalida.

  3. Beeralleyda dalka Hindiya oo ka carreysan sharciyo ay soo saartay dowladda

    .

    Kumannaan beeralley ah oo u dhashay dalka Hindiya ayaa xiray waddooyinka waaweyn ee dalkaas, taas oo qeyb ka ah shaqo-joojin dalka oo dhan ah oo ay sameeyeen, taas oo ka dhan ah saddex sharci oo ay sheegeen in ay halis ku yihiin noloshooda.

    Waxaa hakad galay isku socodkii gaadiidka ee gobollada waqooyiga dhaca ee Punjab iyo Haryana, iyo sidoo kale waddooyinka waaweyn ee isku xira caasimadda Delhi.

    Ururo ay ku mideysan yihiin beeralleyda ayaa sheegaya, in la xiray dukaamada ku yaalla gobollo ay ka mid yihiin Kerala iyo Bihar, iyagoona sheegay in isu soo baxyo lagu qaban doono gobolo badan oo dalkaasi ku yaalla.

    Dowladda ayaa sheegtay in sharciyada la meelmariyay sanadkii hore wax badan ay ku faa’idi doonaan beeralleyda dalkaas.

  4. Xisbiga bidixda dhexe ee Jarmalka oo ku doodaya in uu ka guuleystay xisbiga Angela Merkel

    .

    Xisbiga dimuqraaddiga ah ee bidixda dhexe ee lagu wado in uu beddelo hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa qorsheynaya in uu dhiso dowlad dib u heshiisiin ah, kadib markii uu xisbigu ku guuleystay inta badan codadkii laga dhiibtay doorshada baarlamaaniga ah ee dalkaas ka dhacday Axaddii.

    Hogaamiyaha xisbiga, Olaf Scholz, ayaa rajeynaya inuu wada shaqeyn la yeesho xisbiyada The Greens iyo xisbiga Liberalka ee Free Democrats.

    Waxa uu sheegay in uu rajeynayo in xukuumadda cusub la dhiso kahor fasaxa Kirismaska.

    Angela Merkel, oo xilka ka degi doonto kadib ku dhawaad 16-sano oo ay xukunka dalkaas heysay, ayaa si ku meel gaar ah kursiga u sii heyn doonta illaa inta laga shaacinayo dowladda cusub.

    Hogaamiyaha xisbiga SPD, Olaf Scholz ayaa sheegay in cod bixiyeyaasha ay fariin cad u direen xisbiga talada haya, taas oo ah in ay isbeddel u baahan yihiin.

  5. Kuma ayuu ahaa Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo maanta ku geeriyooday Muqdisho?

    Jillaa Saalax Dheere oo ay muddo soo wada shaqeeyeen marxuumka ayaa BBC-da uga waramay shaqsiyadiisa.

  6. Taliyaha Cidamada lugta ee Dalka Uganda oo soo gaaray Muqdisho

    .

    Taliyaha Ciidamada lugta Uganda Jeneral Muhoozi Kainerugaba iyo Saraakiil ciidan uu hoggaaminayay ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

    Wararka ayaa sheegaya in Jeneral Muhoozi Kainerugaba iyo Saraakiil ciidan uu hoggaaminayay ay si kala gaar ah ay ula kulmeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

    Qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee telefishinka qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha ciidammada lugta Uganda Jeneraal Muhorzi Kainerugaba.

    "Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM iyo wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya." ayaa lagu yiri isla qoraalkaas.

    .
  7. UK oo dal ku gal ku meel gaar ah siineysa tiro ka mid ah xoogsatada ka imaanaya dalka dibaddiisa

    Dowladda Britain ayaa sheegtay in dal ku gal ku meel gaar ah ay siin doonto tiro xaddidan oo shaqaalaha gaadiidka ah oo dalka dibaddiisa ka imaanaya si wax looga qabto cunno yaraanta ay sababtay yaraanta dawarallada kaxeeya gawaarida xamuulka.

    Balse keliya shan kun oo dal ku gal ah ayay dowladdu soo saari doontaa, inkastoo khubarradu ay sheegayaan in loo baahan tiro intaas ka badan oo shaqaale ajaanib ah oo ka shaqeeya warshadaha digaagga.

    Haddaba Saciid Maxamuud Cali Geelle oo deggan magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska ayaa arrintaas uga warramay Samiiro Cabdullaahi Jaamac.

    Qoraalka Codka, .
  8. Turkiga oo lagu boorriyay inuusan mar kale soo iibsanin qalab milatari oo Ruushku leeyahay

    .

    Mareykanka ayaa ku boorriyay Turkiga inaysan mar kale soo iibsanin qalab milatari oo Ruushku leeeyahay ah kadib markii madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu sheegay inuusan ka baaqsan doonin inuu iibsado qaybtii labaad ee nidaamka difaaca gantaalaha Ruushka oo ah kuwa horumarsan.

    Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa ugu baaqay Turkiga inay ka takhalusaan gantaalaha ee S-400 iyo inaysan iibsan wax intaas ka badan ama halis u horseedi karta cunaqabateyn dheeraad ah.

    Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in difaaca gantaallada uu halis ku yahay diyaaradahooda dagaalka ee F-35. Isagoo la hadlayey CBS News, Mr Erdogan wuxuu sheegay in qofna uusan faragelin karin xulashooyinka Turkiga ee soo iibsiga difaaca.

    Turkigu wuxuu helay shixnaddiisii ugu horraysay ee S-400 laba sano ka hor, taasoo keentay in Washington ay cunaqabatayn ku soo rogto xulafada NATO.

  9. Film ay matalayeen dhalinyaro Soomaali ah oo abaalmarin lagu guddoonsiiyay Canada

    Filinka xaaskii xabaal qodaha oo dhowaan lagu soo bandhigay dalka Canada ayaa abaal marin ku guuleystay, filinkan oo dhalinyaro Soomaaliyeed ay matalayaan ayaa laga daawaday qeybo kale oo dunida ah.

    Cumar Cabdi oo jilaayaasha ka mid ah ayaa arrintaas uga warramay weriye Durraan Xasan Yare.

    Qoraalka Codka, .
  10. Mid ka mid ah xaasaska ninkii 42-da sano ka dib u soo noqday qoyskiisa oo ka hadashay go'aankeeda

    .

    Waxay ahayd 26 jir markii saygeeda, Peter Oyuka, uu kaga tagay mugdiga ama cidlada kaddibna uu iska ilaabay. Ninkan ayaa wuxuu ka tagay gurigiisa oo ku yaalla tuulada Makale ee Degmada Kakamega ee dalka Kenya sanadkii 1974 -tii, haddana wuu soo laabtay, iyadoo ay yar yihiin dadka deegaanka ee aqoonsan kara.

    Hadda waxay jirtaa 73 sano, Oyukana wuxuu rabaa inuu u soo noqdo iyadana waxay diyaar u tahay inay seegeedii dib ugu laabato, balse waa si taxaddar leh uga fikirtay saameynta suurtagalka ah ee go'aankaas.

    “In kasta oo uu iga tagay aniga iyo saddexdayada carruur ah, haddana wuxuu ahaa saygii aan waqtiga isla soo qaadanay xilligii dhallinyaranimadayda.

    Wali dareen ayaan u hayaa, ”ayay Elmina Mutole u sheegtay The Standard iyadoo ku fadhida kursi hoos yaallay gurigeedii dhoobada ka sameysnaa ee Tuulada Naluchira, ee ismaamulka Kakamega ee dalka Kenya.

    Sannadkii 2002, waxay ku laabatay gurigeedii ugu horreeyay ee lagu guursaday oo ku yaalla, Tuulada Makale oo ka tirsan Degmada Malava, si ay u soo booqato saddex carruur ah oo ay ka tagtay.

    Seygeeda kowaad, Peter Oyuka, ayaa ka war helay xilligaas booqashadeeda, wuxuuna u safray Kakamega si uu ula kulmo.

    “Wuxuu iga codsaday inaan dib ugu soo laabto, balse waan diiday. Waxaan u sheegay inaan helay lamaane cusub, oo aad ii jecel.

    “Wuxuu ii ballanqaaday inuu i geyn doono Tansaaniya, halkaas oo uu xilligaas ka shaqeynayay. Waan istaagay, oo waxaan xusuusiyey inaan si farxad leh u guursaday, ”

    Hadda waxay noqotay carmal, xanuun iyo waayeelnimo la soo daristay.

    Mar la weydiiyey inay ka fikirayso inay dib ula midowdo Oyuka, Mutole waxay tiri:

    “Waxaan marka hore u sheegi lahaa inaan ka xumahay inuu ku soo laabto gurigiisa isagoo xanuunsan. Waxayna sheegtay inay dooneyso inay dib ula midowdo seeygeedii ugu horreeyay ee nolosha wanaagsan soo wada qaateen.

  11. War deg deg ah, Majaajiliiste Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) oo ku geeriyooday Muqdisho

    .

    Allaha unaxariistee waxaa magaalada Muqdisho goor dhawayd ku geeriyooday majaajiliiste Cabdi Muridi Dheere (Ajakis), sida warbaahinta Universal oo uu ka mid ahaa howlwadeenadeeda ay boggeeda Facebook ku shaacisay.

    Marxuumka ayaa maalmahan ku jiray mid kamid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu la tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun kusoo booday isagoo ku sugan xaafadiisa.

  12. Xisbiga bidix-dhexe ee SPD oo ku guulaystay doorashadii shalay ka dhacday Jarmalka

    Xisbiga bidix-dhexe ee dalka Jarmalka (SPD) ayaa ku guulaystay doorashadii shalay ka dhacday dalkaas. Guusha xisbigan ayaa waxay soo afjaraysaa hoggaankii muddada 16-ka sano ee Angela Merkel.

    Haddaba arrimihii ugu dambeeyay ee doorashada dalkaas ayaa waxaan ka wareystay, Maxamed Cabdi Cumar (Shiine) oo ah weriye madax bannaan oo deggan dalka Jarmalka.

    Qoraalka Codka, .
  13. Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobollada Waqooyi oo shaaciyey dib u dhac doorasho

    .

    Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobollada Waqooyi ayaa warbixin ay xalay soo saareen waxay ku sheegeen in dib u dhac uu ku yimid hadal jeedintii ay maanta jeedin lahaayeen musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, waxaa qoraalka intaa la raciyay in dib laga soo sheegi doono waqtiga.

    “Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka gobollada Waqooyi.

    Jadwalkii horay uga soo baxay guddigaan ayaa dhigayey in doorashadu ay bilaabaneyso maalinka Talaadada ah ee 28-ka bishan, lana soo gabagabeeyo 30-ka bishan September.

  14. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan, ku soo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.