Maxay tahay hadal haynta ka dhalatay caafimaadka Putin

Tebinta toos ah

Tebin toos ah

  1. Ruushka oo garaacey saldhig lagu tababarey ciidamo reer Ukraine ah

    Diyaarado dagaal
    Qoraalka sawirka, Diyaarado dagaal

    Wasaaradda difaaca ee Ruushka, ayaa sheegtay iney weerartey waxa ay ugu yeertay xarun lagu tababaro ciidamada Ukraine, oo kudhaw xadka dalka Belarus.

    Waxey intaa ku dartey wasaaradda, in gantaallada lagu garaacey meel u dhaw magaalada yar ee Ovruch, ay ku dileen tiro badan oo askar ah iyo dagaal yahano ajaanib ah.

    Waxey sidoo kale sheegtay iney riday gantaallo badan oo ah kuwa guuxooda ka dheereeya, markan oo ka dhan ah keydka shidaalka ee military-ga Ukraine, oo ku yaalla gobolka koonfurta ee Mykolaiv.

    Labada sheegasho midkoodna si madax bannaan looma xaqiijin karo. Sabtidii Ruushka, waxa uu sheegay iney u adeegsadeen gantaallada guuxooda ka dheereeya weerar ka dhacey galbeedka Ukraine, markii ugu horeysay oo ay sheegaan in ay hub noocan oo kale ah u isticmaalaan colaad.

    Hubkani ayaa loo naqshadeeyey inuu jari karo ugu yaraan shan jeer wax ka badan xawaaraha codka.

  2. Dowladda Ukraine oo sheegtay iney dishay ciidamo tiro badan oo Ruush ah

    Taangiyada dagaalka Ruushka
    Qoraalka sawirka, Taangiyada dagaalka Ruushka

    Saraakiisha ciidamada Ukraine, ayaa sheegay in ku dhawaad 15,000 oo askari oo Ruush ah la dilay, tan iyo markii Madaxweyne Putin uu bliaabey duullaankiisa in ka badan saddex toddobaad kahor.

    Warbixin cusub oo lasoo dhigay bogga facebook-ga ee shaqaalaha guud ee Ukraine, ayay saraakiishu ku sheegeen in 14,700 oo askari oo Ruush ah lagu diley intii lagu guda jirey dagaal socday 25 ka maalmood.

    Warbixinta ayaa intaa ku dareysa in tiro aad u badan oo qalabka military-ga Ruushka ah lagu burburiyey iska hor imaadka, oo ay ku jiraan ku dhawaad 476 Taangi, in ka badan 200 oo diyaarado dagaal ah, diyaaradaha qumaatiga u kaca, iyo kuwa aan duuliyaha wadin, iyo ku dhowaad 1,487 gawaarida gaashaaman.

    BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto sheegashadan, inkastoo ilo Reer Galbeed ah ay rumeysan yihiin in Ruushka uu soo gaarey khasaare weyn, saraakiisha difaaca Mareykankana waxey ku qiyaaseen in ugu yaraan 7,000 oo askari oo Ruush ah lagu dilay weerarka, iyadoo illaa iyo 21,000 ay dhaawacmeen.

  3. Dad malaayiin gaaraya oo ka qaxey dalka Ukraine

    Dagaalka ka soconaya dalka Ukraine
    Qoraalka sawirka, Dagaalka ka soconaya dalka Ukraine

    Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, ayaa sheegtay in toban million oo reer Ukraine ah, ay haatan ka carareen guryahoodii burburka ka dhashey dagaalka.

    In ka badan saddex toddobaad tan iyo markii uu Ruushku soo duulay, ku dhowaad saddex million iyo bar oo qof, ayaa ku qasbanaadey iney dalkani isaga baxsadaan, halka inta kale ay magan galyo ka raadsadeen meel kale oo gudaha Ukraine ah.

    Tirakoobku waa qiyaastii afar meelood meel tirada dadka dalka Ukraine.

    Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in baahiyaha bani’aadanimo ee gudaha Ukraine ay noqonayaan kuwo si degdeg ah isu soo taraya, iyadoo ku tilmaantey xaaladaha magaalooyinka godoonsan sida Mariupol iyo Sumy iney yihiin mid aad u daran.

    Waxaa la sheegay in weerarada lala beegsadey kaabayaasha rayidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha in taasi ay halis galineyno nolosha kumanaan qof.

  4. In ka badan 900 oo qof oo lagu diley Ukraine sabtidii

    Dagaalka Ukraine
    Qoraalka sawirka, Dagaalka Ukraine

    Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul Insaanka, ayaa sheegay in ugu yaraan 902 qof oo rayid ah lagu dilay dalka Ukraine sabtidii 19-kii Maarso, kadib duullaankii Ruushka ee dalkaasi.

    Qaramada Midoobay, ayaa intaa ku dartey in tirada dhabta ah ee dhimashadu ay aad u adag tahay.

    Xafiiska dacwad oogaha guud ee Ukraine, ayaa sheegay in 112 carruur ah la dilay.

  5. Guddoomiyihii Doorashada Hirshabeelle : Cali Guudlaawe ayaan ka shaqayn waayay

    Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee doorashooyinka Hirshabeelle ayaa BBC-da u sheegay in uusan xilka ka qaadi karin madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe oo uu ku eedeeyay in uu shaqadiisa ka gudan waayay.

    Axmed Xassan Diini ayaa sheegay in warqad Ra’isulwasaaraha kasoo baxday lagu magacaabay, Guudlaawana uusan xilka ka qaadi karin.

    Warqad kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa lagu ayiday go’aankii madaxweyne Guudlaawe uu xilka kaga qaaday Axmed Xasan Diini.

    Axmed Xasan Diini
    Qoraalka sawirka, Axmed Xasan Diini
  6. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo dhaweeyay isbadelka uu Cali Gudlaawe Sameeyay

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u hambalyeyay Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna faraya in dhamaan Guddiyada doorashooyinka ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta.

    Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.

    Dhanka kale Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Hirshabelle Axmed Xasan Diini ee xilka laga qaaday ayaa sheegay in uu weli yahay Guddoomiyaha Gudiga, wuxuuna yiri “ Maamulka hirshabelle ayaa caqabad ku ah doorashada, faragalin toos ah ayayna ku hayaan”

    ROble
  7. Ruushka oo war weyn kasoo saartay Dagaalka Ukarine

    Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ay dishay tobaneeyo “calooshood u shaqeystayaal ah” kadib markii gantaal lagu weeraray xarun tababar oo ku taal galbeedka Ukraine, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee RIA ee ay dowladdu maamusho.

    Maj Gen Igor Konashenkov, oo ah afhayeenka wasaaradda, ayaa sheegay in in ka badan 100 askari oo Yukreeniyaan ah iyo "calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah" la dilay ka dib markii "gantaalka hawada sarreeya" uu ku dhacay saldhigga Ukraine ee u dhow Ovruch ee gobolka Zhytomyr.

    Getty
  8. Madaxweynaha Hirshabelle oo talaabo lama filaan ah qaaday

    Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii Gudoomiyenimo iyo xubinimada Gudiga Hirgalinta Doorashada Dowladda Hirshabeelle ka qaaday Mudane Axmed Xasan Diini.Waxaana Xubinimada Gudiga loo Magacaacabay Mudane Maxamed Xuseen Maxamed ( Waadi )

    Hirshabelle
  9. Dad shacab ah oo lagu laayay meel lagu dooranayay Ugaas

    Ugu yaraan 7 qof oo shacab ah ayaa la sheegayaa in lagu laayay magaalada Mambaas ee Degnada Gursum ee gobolka Faafan ee Dowladda Deegaanka Soomaalida kadib shaqaaqo ka dhalatay Ugaas loo balansanaa saaka in halkaa ay ku caleemo saarato mid ka mid ah beelaha degan Degmadaasi Gursum. Dad goobjoogayaal ah ayaa BBC u xaqiijiyay in sidoo kale uu dhaawac soo gaadhay dad shacab ah oo caleemo saarka saaka goobta u tagay . Shacab lasoo xiriiray BBC-da ayaa sheegay in rasaasta ay dadka ku dhinteen ay fureen ciidamada dowladda. Hase yeeshee ciidanka dowladda oo aan la xiriirnay ayaysan inoo suurtogalin in ay ka jawaabaan eedeyntaasi.

    sawir mobile lagu qaaday
  10. Ma suura gal baa in xayawaanadda lala hadli karo?

    Saynisyahanno ayaa isticmaalaya tiknoogiyadda "AI" si ay u kala saaraan "hadalka" xayawaanadda, waxay saynisyahannadda awood u heleen in ay abuuraan nidaamyo, tusaale ahaan, lagu ogaado dhawaaqa nibiriga si ay maraakiibta u dhow uga digtoonaadaan shilalna u galin ama aysan isugu dhicin nibiriga iyo markabka.

    Nidaamkan ayaan weli awood dhammeystiran u yeelanin in uu si buuxda u garto hadallada xayawaanadda laakin mustaqbalka Saynisyahanada ayaa ku rajo wayn in ay suura gal noqon doonto.

    NIBIRI
  11. Shiinaha oo baaq xoogan loo diray

    Ukraine ayaa Sabtidii ugu baaqday Shiinaha in ay ku biiraan reer galbeedka si ay u cambaareeyaan duulaanka uu Ruushka ku qaaday.

    Ma jirto wax calaamad ah oo muujinaya in Shiinuhu uu ku dhow yahay inuu ka tago Ruushka.

    Beijing ayaa isku dayeysay in ay ka fogaato khilaafka diblomaasiyadeed ee Ukraine, iyada oo dooratay in ay ka aamusto codbixin Qaramada Midoobay ay ku cambaaraysay duulaanka Ruushka.

    Moscow ayaa waydiisatay Shiinaha qalab milatari oo lagu taageerayo duulaanka Ukraine, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah oo ay soo xigatay warbaahinta. Shiinuhu waxa uu wararkaasi ku tilmaamay kuwa been abuur ah”.

    Putin iyo Xiping
  12. Waa kuwan Sawiradii ugu dambeeyay ee xalaadda Ukraine

    Ruushka ayaa maalinta 24-aad duqeymo ku wada magaalooyinka Ukraine.

    Waa kuwan Sawiradii ugu danmbeeyay ee laga sooqaaday gudaha Ukarine.

    UKRAINE
    Qoraalka sawirka, Nin dhaawacmay ayaa taagan meel u dhow gurigiisa la burburiyay ee Kyiv
    Ukraine
    Qoraalka sawirka, Haweeney ku nool magaalada Lviv ayaa haysata calanka Ukraine xilli ay ka socdeen isu soo baxyo lagu taageerayay Mariupol oo lagu codsanayay in la Xiro hawadda Ukraine
    Ukraine
    Qoraalka sawirka, Qaxooti ka yimid Donbas ayaa lagu martigeliyay xero loogu talagalay carruurta oo ku taal Novomoskovsk, Ukraine
    Jyiv
    Qoraalka sawirka, Calanka Ukraine oo jeex jeexan oo ku dhex jira baabuur burburay gudaha Kyiv
  13. Hadal ka soo yeeray Rai'sulwasaaraha UK oo cara xoogan ka dhex abuuray Midowga Yurub

    Boris Johnson ayaa lagu dhaleeceeyay inuu barbardhigay halganka dadka reer Ukraine ee dagaalka kula jira duulaanka Ruushka iyo dadka ku nool Britain ee u codeynaya Brexit ama ka bixitaanka Midowga Yurub.

    Hadaladda Mr Boris Johnson ayaa caro ka dhex abuuray siyaasiyiinta UK iyo kuwa Yurub labaduba.

    Donald Tusk, madaxweynihii hore ee Midowga Yurub, ayaa hadaladaladan ku tilmaamay kuwo meel ka dhac ah.

    Rai'sulwasaaraha UK ayaa hadaladan sheegay maalintii Sabtidii aheyd mar uu khudbad ka jeedinayay shirkii gu'ga ee xisbiga Konserfatifka oo ka dhacayay Blackpool .

    Uk
  14. Maxay tahay arrinta naxdinta leh ee ay Muslimiinta Kanada aadka u hadal hayaan?

    Dad ku cibaadaysanayay masaajid ku yaala dalka Kanada ayaa xakameeyay nin la sheegay in uu faas watay oo uu ku weeraray Masaajid kuyaala dalka Kanada salaadii subax ee shalay oo Sabti aheyd, sida ay booliisku sheegeen.

    Ninkan oo 24 jir ayay boolisku ka xireen goobta.

    Booliska ayay arrintan u suura gashay, kadib markii mid kamid ah jamaacadii halkaa ku tukaneysay uu kahortagay ninkan, faaska uwatayna uu ka qaaday kadibna gacmaha kahaayay ilaa ay Boolisku uga imaanayeen, sidaana lagu xiray.

    Sida uu warbaahinta u sheegay Imaamka Masaajidkaasi ,qaar kamid ah dadkii halkaa ku cibaadeysanayay ayay dhaawacyo fudfud soo gaareen.

    Dhacdadan ayaa waxaa ilaa hadda ka hadlay Rai'sulwasaaraha Kanada Justin Tredue wuxuuna aad u maanay sida geesinimada leh ee ninkan weerarka soo qaaday looga horagtagay , wuuxuna sheegay in arintan aysan ka turjumeynin dhaqanka Dadka ree Kanada aadna uu uga xun yahay.

    KANADA
  15. Maxay tahay hadal haynta xoogan ee ka dhalatay caafimaadka Putin

    Muuqaaladii ugu dambeyay ee Putin ayaa dhaliyay hadal hayn cusub oo ku saabsan caafimaadka madaxweynaha Ruushka ka dib markii la arkay isagoo dhinac u liicaya marka uu soconayo.

    Madaxweynaha Belarus ayaa beeniyay wararkaasi, waxaa uuna sheegay in wararkaasi aysan waxba ka jirin oo uu madaxweynaha Caafimaadkiisa aad u wanaagsan yahay.

    Sidoo kale wararkan la xirira caafimaadka Putin ayaa waxaa horay u beeniyay Aqalka Kremlinka ee laga maamulo Ruushka.

    Madaxweynaha Belarus ayaa sidoo kale sheegay in cunaqabateynadan dheeraadka ah ee Ruushka iyo xulafadiisa lagu soo rogay ay aduunka qarka usaarayaan dagaalka sedexad ee aduunka.

    Putin
  16. Deni oo ku dhawaaqey inuu u tartamayo jagada Madaxweynaha Soomaaliya

    Maxamed Saciid Cabdullaah Deni
    Qoraalka sawirka, Maxamed Saciid Cabdullaah Deni

    Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Maxamed Saciid Cabdullaah Deni, ayaa ku dhawaaqey inuu u sharaxan yahay jagada Madaxweynenimada Soomaalia, sida u shaaciyey afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Daparani.

    Saciid Dani ayaa Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid tahay wasiirka qorsheynta ee dowladdii Xassan sheikh iyo xildhibaan dowladda federaalka sannadkii 2012-kii, waxaana siyaasad ahaan la sheegaa in uu aad ugu dhawaa dowladdii Xassan Sheekh Maxamuud.

    Saciid Dani oo aan Soomaaliya ka bixin ayaa waxaa uu deegaanada Puntland ka hirgeliyay shirkado ganacasi, waxaana siyaasadda uu kusoo biiray sannadkii 2002.

  17. Heshiiska lala gaarey Iran oo hoos u dhigi kara sicirka shidaalka

    Sicirka shidaalka
    Qoraalka sawirka, Sicirka shidaalka

    Dib u soo nooleynta heshiiskii taariikhiga ahaa ee Niyukliyeerka ee Iran, ayaa waxey gacan ka geysan kartaa wax ka qabashada sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka, ee ay dhalisay cuna qabateynta lagu soo rogey Ruushka, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Ireland.

    Simon Coveney, ayaa waxaa uu sheegay in heshiis cusub uu jiro, kaasoo uu rajeynayo in la gaari karayo daba yaaqada toddobaadkan, si dalka Iran fursad loo siiyo in marka ay suuqyada caalamiga galaangal ku yeeshaan.

    "Waxaanu ku dhaw nahay inaan gaarno heshiis," sidaasi waxaa sheegay Coveney, oo la hadley BBC-da, isla markaana ah fududeeyaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee heshiiska niyukliyeerka.

    "Tani waa sheeko wanaagsan, oo aan u baahan nahay." Cuna qabateyn ayaa la saarey maamulka Tehran, kadib markii la sheegay iney jabisay heshiiskii niyukliyeerka ee sanadkii 2015-tii - oo si rasmi ah looggu yaqaano Qorshaha Wadajirka ah, oo ay wada gaareen Iran iyo lix wadan oo kale.

    Heshiiskan cusub, ayaa qafiifin doonna cuna qabateyntaas, si ay Iran uga tanaasusho hammigii ahaa iney sameysato hubka niyukliyeerka.

    Ingiriiska iyo Midowga Yurub, ayaa baadi goobaya jihooyin kale, oo ay uga maarmi karayaan ku tiirsanaan shaha shidaalka Ruushka, si ay uga fal celiyaan duullaanka Madaxweyne Putin ku qaadey dalka Ukraine.

  18. Maxamed Nadiif oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay 124

    Maxamed Cabdulraxmaan Nadiif
    Qoraalka sawirka, Maxamed Cabdulraxmaan Nadiif

    Maxamed Cabdulraxmaan Nadiif, ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay #124, iyadoo kursigan uu dhaliyey loolan aad u adag.

    Xildhibaankan ayaa ku fadhiyey kursigan intii u dhaxeysay sanadihii 2004-tii illaa iyo 2012-kii.

    Wuxuu xildhibaan kasoo noqday dowladdii Kumeel gaarka aheyd ee lagu soo dhisay shirkii Mbagathi ee dalka Kenya.

    Afarii sano ee u danbeysay kursigan waxaa ku fadhiyey Cabdulraxmaan Kulmiye Xirsi "Cabdulraxmaan Dheere".

  19. Toban qof oo rayid ah oo ku dhintey Kyiv iyo Luhansk

    Dagaalka Ukraine
    Qoraalka sawirka, Dagaalka Ukraine

    Toban qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan laba carruur ah, ayaa ku dhintey duqeymo ka dhacey gobolada Kyiv iyo Luhansk ee dalka Ukraine, labadii maalmood ee lasoo dhaafay, sida ay saraakiishu sheegeen.

    Toddobo qof oo rayid ah, ayaa ku dhintey shan kalana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii madaafiic lagu garaacey magaalada Makariv ee gobolka Kyiv 18-kii bishan Maarso.

    Ciidamada booliiska ee Kyiv, ayaa kusoo gudbiyey warbixintan Facebook-ga, iyadoo markaa kadib lasoo xigtay.

    Haweeney iyo laba carruur ah, ayaa meydkooda laga helay burburka guri kusoo dumay, kadib duqeymo ka dhacey magaalada Rubizhne ee gobolka Luhansk 19-kii bishan Maarso, sida ay kusoo gudbisay adeegga gurmadka degdega ah ee gobolka aaladda Telegram-ka..

    Ilmo saddexaad ayaa sidoo kale laga soo saarey burburka, iyadoo xaaladdiisa aaney halis aheyn.

  20. Wada hadalada Ruushka iyo Ukraine, ma dhabbaa mise waa dhalanteed?

    Xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska Liz Truss
    Qoraalka sawirka, Xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska Liz Truss

    Si kasta oo ay u muuqato mid aan macquul aheyn, wada hadalada nabadeed ee u dhexeeye saraakiisha Ukraine iyo Ruushka, ayaa bilaabmay maalmo gudahood duullaankii Ruushka ee 24-kii bisha February.

    Waxey sii wadeen Ruushka illaa iyo xiligaas dagaalka, iyadoo wasiiradda arrimaha dibadda ee laba dal aynu soo xusnay ay ku kulmeen Turkiga toddobaad kahor.

    Toddobaadkan ayaa waxaa soo baxey warbixino badan oo ku saabsan qorshayaasha nabadda ee suura galka ah, iyo liisaska dalabaadka Ruusha.

    Laakiin sidee buu run u yahay “geedi socodka nabadda”, kaasoo sii socda, in kasta oo Ruushka uu ku hayo duqeymaha aan kala joogsiga laheyn ee magaalooyinka sida Mariupol.

    Xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska, Liz Truss, oo maanta lau wareystay wargeyska The Times, ayaa muujisay shakiga ay qabaan dad badan oo reer galbeedka ah.

    “Waxa aan aragnay waa isku day lagu abuurayo fursad ay Ruushku dib isugu abaabulaan,” ayey tiri xoghayaha. “Waxaan ka baqayaa in gorgortanku uu yahay isku day kale oo lagu abuurayo dareen weecin, iyo in lagu abuuro jawi boor isku qaris ah, oo lagu daboolayo xasuuqa haatan la geysanayo.”

    Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka Ukraine, ee is dhexgalka Midowga Yurub, Ivana Klympush, ayaa sheegtay in wada hadaladau “aysan laheyn qodobo aasaasiga oo laga amba qaado wada xaajoodka”.