Tirada dhimashada weeraradii Beledwayne oo sii korortay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Askari Nigerian ah oo ilmo yar ku qaarijiyay dil wadareed uu geystay

    Askari Nigerian ah

    Askari Nigerian ah oo la sheegay in uu daroogeysnaa ayaa dilay ugu yaraan saddex ruux 13 kalana dhaawacay kadib rasaas uu ku furay dad shacab ah.

    Arbacadii la soo dhaafay arintaan ka dhacday fagaare wayn oo ku yaala magaalada Mafa ee wuqooyi beri gobolka Borno.

    Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka mid ahayd gabar yar oo saddex sano jir ah, halka 13 ka kale oo ay dhawaacday rasaas darandoori ahna lagu dabiibayo isbitaalka.

    Askariga ayaa ka mid ahaa ciidamada ku sugan furinta ee la dagaalama koox jihaadiyiin ah oo halkaas ka jirta.

    Wararka ayaa sheegaya in iskarii dilka gaystay hubka laga dhigay ayna xabsiga u taxaabeen madaxda ciidanka.

    Khuburo dhinaca amaanka ah ayaa sheegay in arintaan oo kale ay dhacdo marka askarta ka qayb galay dagaalada ay la dhibtoodaan mahadho ay ka dhaxleen waqtiga dheer ee ay ku jireen furinta dagaalka.

    Ciidamada Nigeria wali kama aysan hadlin dhacdadaan.

  2. Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xabaad joojin

    Askari Itoobiyaan ah.

    Dagaalka sokeeye ee ka qarxay Itoobiya ayaa in ka badan shan malyan oo qof ku qasbay in ay u baahdaan gargaar cunto kaas oo aysan heli Karin ilaa iyo bishii December.

    Go’aanka dawladda Itoobiya ayaa imaanaya kadib booqashadii wakiilka gaarka ah ee Maraykanka ee Geeska Africa David Satterfield.

    Ciidamada Tigreyga Ayaan ilaa hadda ka jawaabin talaabada ay dawladda Itoobiya qaaday.

    Dagaalka Itoobiya ayaa qarxay bishii November ee 2020 kii kadib mudo bilo ahayd oo ay jirtay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay dawlada Itoobiya iyo ururka TPLF ee xukumayay gobolka Tigray.

  3. Tirada dhimashada weeraradii Beledwayne oo sii korortay

    Weerarkii Beledweyne

    Waxaa sii kordhay tirada dhimashada iyo dhawaaca ka dhashay weeraradii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne.

    Madaxweynaha Hirshabeelle oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa iyo 48 qof ay ku nafwaayeen weerarka 108 kalana ay ku dhaawacmeen.

    Dhanka kale weerarka waxaa ka dhashay burbur hantiyadeed oo soo gaaray dhismooyin iyo goobo ganacsi.

    Isbitaalada ayaa lagu dabiibayaa dadkii ku dhaawacmay weerarka.

    Dadkii ku nafwaayay weeraradii xalay waxaa ka mid ah xildhibaan Aamino Maxamed oo maanta maydkeeda lageeyay magaalada Muqdisho.

  4. Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay dilkii xildhibaan Aamino.

    Cali Guudlaawe

    Madaxweynaha dawlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa ka hadlay weeradii is xigxigay ee xalay ka dhacay magaalada Beledweyne.

    Guudlaawe ayaa cambaareeyay weerarada isaga oo sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo ka mid ahayd Musharixiin u tartamayaysa kursigaga tirsigiisu yahay 135.

    Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa bartilmaameedsaday Xildhibaan Aamino iyo ciidami ilaalo u ahaa oo la socday.

    Dhanka kale mudane Guudlaawe ayaa ciidamada amaanka amray in ay laba jibaaraan hawlgaladooda amniga, isaga oo ugu baaqay musharixiinta iyo xildhibaanada in ay feejignaadaan.

  5. Dilka xildhibaan Aamina oo lagu baaqay in baaritaan lagu sameeyo

    Aamina Maxamed
    Qoraalka sawirka, Aamina ayaa ku geriyootay qarax xalay lagula eegtay Beledweyne

    Qaramada Midoobay ayaa maanta ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo werarradii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne kaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 40 qof oo ay ku jirto xildhibaanad Aamina Maxamed.

    QM ayaa cambaareysay dilka Aamina oo xildhibaan hore ahayd haatanna u taagneyd baarlamaanka soo socda, iyadoo tacsi u dirtay qoyskeeda.

    "QM waxay cambareyneysaa weerarrada is miidaaminta ee ay ku dhimatay xildhibaan Aamina Maxamed iyo qaar kale oo ka dhacay Beledweyne shalay," ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay. "QM waxay soo dhoweyneysaa in baritaan lagu sameeyo weerarka wuxuushnimada ah, waxana ku baaqeysaa in hannaanka doorashada ee Soomaaliya lagu soo gabagabeeyo si nabad ah oo ammaan ah."

    Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo uu sii kordhayo khasaaraha weerarradaas oo ka dhacay gudaha halka ay ka socotay doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

  6. Ciidamada Ukraine oo la wareegay gacan ku haynta Irpin

    Vitali Klitschko

    Magaalada Irpin ee wadanka Ukraine oo uu dagaal ka socday todobaadyadii la soo dhaafay ayaa inteeda badan waxaa la wareegay ciidamada Ukraine sida uu sheegay duqa caasimada Kyiv.

    Horaantii bishaan March, kumanaan dadka magaalada ah ayaa isaga cararay Irpin, oo 20 km u jirta caasimadda Kyiv.

    Vitali Klitschko ayaa u sheegay weriyeyaasha in ciidamada Ukraine ay gadaal u riixeen ciidmada Ruushka ee ku sugnaa halkaas iyo sidoo kale magaalada Makariv oo bari ka xigta Kyiv.

    Wuxuu sheegay in ciidamada Ukraine ay burbirueen qoshihii uu Ruushku ku doonayay in uu ku hareereeyo Kyiv.

  7. Xildhibaan Aamino Maxamed oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Beledweyne

    Sawirka xildhibaan Aamino.

    Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu bartilmaameedsaday Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo kamid ahayd musharixiinta kursiga 135.

    Aamino ayaa ku jirtay gudaha xerada Lama-galaay ee ay ka dhacayso dooroashada xildhibaanada baarlamaanka. Wararku waxay intaas ku darayaan in qarax kale uu ka dhacay xerada waxyar kadib qaraxii hore, ilaa iyo haddana la maqlayo dhawaq rasaasta.

  8. Nato oo ciidamo u direysa Bariga Yurub xilli uu dagaalka Ukraine sii xoogeystay

    Diyaaradaha Nato

    Hogaamiyaasha NATO ayaa isku raaci doona in bariga Yurub loo daabulo afar guuto oo ciidamo cusub ah kuwaas oo la gayn doono Slovakia, Hungary, Bulgaria and Romania, sidaas waxaa yiri Jens Stoltenberg.

    Xoghayaha guud ee Nato ayaa sheegay in arintaan ay isugu biyo shubanayso isxulufeysiga dhinaca milatariga ah ee gobolka.

    Madaxweynaha Maraykanka Joe Bidan ayaa ka goordhaw ka soo duulay Washington isaga oo u socda caasimadda Belgian ka halkaas oo uu uga qayb gali doono kulan uu laleeyahay xulafada Nato si uu ugala doodo jawaabtooda ku aadan duulaanka Ruushka.

  9. Dawladda Ingriiska oo iska indhatirtay diginin laga siiyay Putin

    Safaarada Ingiriiska

    U qaybsanihii difaaca ee hore ee safaarada Ingriiska ee Moscow ayaa sheegay in dawlada Ingiriiska ay iska indhatirtay digniinihiisii ku aadaanaa qorshe dheer oo aan la qiyaasi karin halka uu ku dhamaan doono oo u Putin u qaadi karo dhinaca dagaalka.

    Xidigle ciidamada cirka ah Carl Scott oo hadda hawlgab noqday ayaa warqad uu u qoray Financial Times waxa uu ku sheeegay in isaga iyo dadkii ay shaqo wadaaga ahaayeen ay dawladooda u gudbiyeen warbixin faahfaahsan oo cad oo sheegaysa saadaal ku saabsan in dagaalka Ukraine uu dhici karo.

  10. Tartan adag ka dib Cabdirisaaq Ciid ayaa ku guulaystay kursiga 063

    Cabdirisaaq Ciid

    Cabdirisaaq Ciid oo ka mid ahaa 9 musharixiin ah oo u tartamayay kursiga baarlaamaanka ee tirsigiisu yahay 063 kaas oo doorashadiisu ka socotay magaalada Beledweyne ayaa ku soo baxay 56 cod.

    Doorashada kursigaan oo gaartay saddex wareeg ayuu mudane Ciid ku guuleystay 6 cod.

    Horay kursigaan waxaa ugu fahdiyay Cabdraxmaan Goodax Barre oo wasiir ka soo noqday labadii dawladood ee ugu dambeysay Soomaaliya.

  11. Dal Ukraine deris la'ah oo ka cabsi qabo Ruushka

    Waxaa sii kordhaya walaaca ka jira dalka Poland oo ku aadan duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukrain, waxaana dadka ay bilaabeen inay isu diwaangiliyaan kamid noqohada cidaanka milatariga.

    Dad badan oo Pooland joogaa ayaa aminsan in weerarrada milatari ee madaxweyne Vladimir Putin ay ku ekaan doonin Ukraine.

    POOLAND
  12. Doorashada Kursiga 063 oo la isla aaday wareegga seddexaad

    Doorashada kursiga golaha shacabka ee tirsigiisu yahay 063 oo ka socota magaalada Baladweyne ayaa la isla aaday wareeggii seddexaad kadib markii labadii musharax ee wareegga labaad usoo gudbay ay heleen min 50 cod, hal codna uu halaabay.

    Sida ay sheegeen guddiga doorashada , waxaa wareegga sedexaad isla aadaya Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin iyo Daahir Xaaji Aadan.

    Tartanka ayaa waxaa wareeggii koowaad ku haray siyaasiyiin miisaan culus ku lahaa siyaasadda Soomaaliya oo uu ka midyahay wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo kursigan horey ugu fadhiyay.

    Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin iyo Daahir Xaaji Aadan.
    Qoraalka sawirka, Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin iyo Daahir Xaaji Aadan.
  13. Zelensky oo fariin adag u diray Japan

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ugu baaqay Japan inay kordhiso cunaqabateynta saaran Moscow, oo ay ku jirto inay soo kurogto xayiraad ganacsi oo saaran badeecadaha Ruushka.

    Khudbad muuqaal ah oo uu u jeediyay baarlamaanka Japan ee Tokyo, Zelensky ayaa Japan ku ammaanay inay hoggaanka u hayso Aasiya waxayna cadaadis saaraya Ruushka.

    Ukraine
  14. Wasaaradda Difaaca Mareykanka oo war ka soo saartay xaaladda Ukarine

    Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Mareykanka, John Kirby, ayaa warfidiyeenka u sheegay,warbixintii ugu dambeysay ee xalaadda Ukraine, wuxuuna yiri "waxaan aragnay calaamado muujinaya in dadka ree Yukreeyn ay aad u sii xoogeysanayaan, si aad u weyn ayay isu difaacayaan , oo hal-abuur leh, waxaynaa difacayaan meelaha ay aaminsan yihiin inay tahay meelaha ku habboon in la difaaco, sida aan ku aragnayba gooobaha sida koonfurta Kherson waxay sidokale isku dayayaan in ay dib u qabsadaan dhul kale.

    Afhayeenka ayaa sheegay in Ruushka uusan weli gaarin guulo lataaban karo.

    MAREYKANKA
  15. Kalmooyinka shidaalka ee dowlad deegaanka soomalida oo intooda badan la la xiray

    Sideed kaalmood oo ka mid ah dhowr iyo afartanka kaalmood ee ku yaal dawlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayay xukuumadda Deegaanku xidhay iyadoo kaga jawaabaysa shidaal yaraanta bilahanba ka jirtay deegaankaasi.

    Kaalmaha la xidhay oo ku kala yaal dhawr magaalo oo ku yaal magaalooyinka waaweyn ee deegaanka Soomaalida.

    dowlad deeganka Soomaalida ee Itoobiya
  16. Daggalamaayal ka tirsan Al Shabaab oo gudaha u galay meel u dhow xerada ciidanka cirka Soomaaliya

    Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in daggalamaayal ka tirsan Al Shabaab ay gudaha u galeen meel u dhow xerada ciidanka cirka Soomaaliya ee Afisiyoone.

    Ilo ku dhow halka ay dagaallamayaashaas galeen ayaa BBC u sheegay in ilaa garoonka dayaaradaha iyo xerada AMISOM ee Xalane laga maqlayo tacshiirdda halka ka socota.

    Wararku waxay kaloo sheegayaan in dagaallamayaasha Al Shabaab ay ka soo galeen irridda aadka loo ilaaliyo ee la yiraahdo Marina Gate.

    Warar kale ayaa sheegaya in ugu yaraan ay laba qof ku dhinteen.

    war degdeg ah
  17. Ukraine oo war cusub ka soo saartay warshadda tamarta Nukliyeerka ee Chernobyl

    Sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.Ciidamada Ruushka ee qabsaday warshadda tamarta Nukliyeerka ee Chernobyl ayaa "dhacay aadna u burburiyay" shaybaadh goobtaasi kuyaalay.

    Wakaaladda dowladda Ukraine ee Maareynta Aagaasi ayaa sheegtay in Ruushku ay waxyeello u geysteen Shaybaadhka warshadda Nukliyeerka.

    UKRAINE
  18. Mareykanka oo Todobaadka soo socda soo saaraya qorsho la xiriira dadka Ukraine

    sida laga soo xigtay NBC News, Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqi doona usbuuca soocda qorshe lagu caawinayo qaar ka mid ah qaxootiga ugu nugul ee kasoo caraaray colaadda Ukraine kuwaasi oo doonaya in ay gaaran Mareykanka.

    Sida ay warbaahinta NBC u sheegeen Saraakiil magacooda ka gaabsaday , tallaabadan ayaa sidoo kale, soo dedejin doonta in loo ogolaado in ay Mareykanka galaan dadka reer Ukraine ee ay xubnaha qoyskooda joogan gudaha Maraykanka

    Ukraine
  19. Xog kusaabsan ,reer galbeedka oo qorsha weyn u dagaya Ruushka

    Wakaaladda wararka ee Reuters iyadoo soo xiganaysa ilo-wareedka, ayaa sheegtay in Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka ay ka fakarayaan, in Ruushka ay ka saaran wadamadda G20.

    Wakaalladda Wararka ayaa sidoo kale sheegtay in Poland ay Salaasadii u soo jeedisay Saraakiisha Maraykanka inay Ruushka kasaaraan G20, waxayna sheegeen inay heleen “jawaab wanaagsan”.

    G20 waxaa ku mideysan wadamadda dhaqaalaha ugu weyn adduunka ujeedadooda ugu weyna ay tahay in la isku dubbarido wax ka qabashada arrimaha saameeya dhaqaalaha adduunka, oo ay ku jiraan isbeddelka cimilada iyo horumarka.

    G20
  20. Ruushka oo iska Diiday codsi uga yimi Mareykanka

    Afhayeenka Kremlin-ka ayaa horraantii Talaadadii iska diiday dalab Mareykanka uga yimid oo haa in meesha looga saaro adeegsiga hubka nukliyeerka inta lagu jiro dagaalka Ukraine. Pentagon-ka Mareykanka ayaa diidmadan Ruushka cambaareeyay, wuxuuna kutilmaamay talaabadan Ruushka ay tahay mid qatarteeda u leh.

    Dmitry Peskov oo ah afhayeenka Kremlin-ka ayaa u sheegay CNN in hubka noocaas ah la isticmaali karo haddii Ruushka uu la kulmo "khatar dibadda ah". Ruushka ayaa leh kaydka ugu badan ee madaxyada nukliyeerka.

    Afhayeenka Waaxda Difaaca John Kirby ayaa sheegay in hadalada Nukliyeerka ee Moscow ay yihiin kuwo "khatar" ah.

    Wsaaradda Difaaca Ruushka