Suudaan oo u yeertay safiirkeeda u fadhiya Addisababa kadib caro ka dhalatay fal ay Itoobiya sameysay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Deg deg: Suudaan oo weerar ku qaadday Itoobiya

    ,

    Ciidamada Suudaan ayaa weerar ku qaaday cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka lagu muransan yahay ee Al Fashaga ka dib markii lagu eedeeyay in ay dileen 7 askari.

    Xukuumadda Sudan ayaa goor sii horraysay u yeeratay safiirkeedii u fadhiyey Addis Ababa, hase yeeshee warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arimaha dibada Itoobiya ayaa lagu beeniyey sheegashada milatariga Sudan waxaanay wasaaraddu sheegtay in ay askartaasi ku dhinteen shaqaaqo dhex martay askar Sudan ah iyo maleeshiyaad Itoobiyaan ah.

    Waxaanay warbixintu intaa ku dartay in ay dawaladda Itoobiy ka xuntahay dhacdadaas.

  2. Maxay tahay khatarta Israa'iil ka haysatay magaalada Istanbul ee haatan meesha ka baxday?

    ,

    Israa'iil ayaa hoos u dhigtay digniinta safarka ee Istanbul, ka dib markii ay dawladdu sheegtay in ay fashilisay dilal qorshaysan oo Iran ay ku bartilmaameedsanaysay Israa'iiliyiinta halkaas jooga.

    Horaantii bishan Israa'iil waxay uga digtay muwaadiniinteeda inay si deg deg ah uga baxaan magaalada Istanbul, iyadoo sheegtay in hawl-wadeennada Iran ay keeneen "khatar dhab ah oo degdeg ah".

    Dhowr maalmood ka dib sirdoonka Turkiga ayaa sheegay in ay joojiyeen weerar ay Iiraan ku qaadday safiirkii hore ee Israa’iil, xaaskiisa iyo dhowr kale oo Israa’iiliyiin dalxiisayaal ah.

    Golaha Amniga Qaranka ee Israa'iil ayaa ku adkaystay in inkasta oo khatarta hadda la dhimay, ay tahay in Israa'iiliyiintu ay wali ka fogaadaan safarka aan muhiimka ahayn ee Turkiga.

  3. Isbahaysiga NATO: Adduunku wuxuu noqon doonaa meel aan ammaan ahayn, haddii Ruushku uu ku guulaysto dagaalka Ukraine

    ,

    Madaxa NATO ayaa ka digay in dunidu ay sii xumaan doonto haddii Ruushku uu ku guuleysto dagaalka Ukraine. Iyadoo isbahaysigu isugu yimid shir-madaxeed ka dhacay Spain, Jens Stoltenberg ayaa difaacay cunaqabataynta reer galbeedka ee ka dhanka ah Moscow, isaga oo ku tilmaamay in ay tahay qiimihii lagu bixin lahaa xorriyadda.

    Madaxweyne Biden ayaa ka dib markii uu la kulmay martigeliyaha Isbaanishka, Ra'iisul wasaare Pedro Sanchez, waxa uu sheegay in NATO ay wajaheyso hanjabaado xooggan oo dhan walba ah, ayna bixin doonto jawaab xooggan.

    Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in shir-madaxeedkan uu noqon doono kulan xasaasi ah oo wax badan ka baddali doona NATO, oo doonaysa in ay kordhiso xajmiga xoogga falcelinta degdega ah. Balse dadka dhaleeceeya ayaa su’aal ka keenay in reer galbeedku ay haystaan lacag, cudud iyo rabitaan ay ku meel marin karaan arrintan.

  4. Labo ciyaaryahan oo hor leh oo si rasmi ah uga tagay kooxda Liverpool

    ,

    Weeraryahankii hore ee Liverpool Divock Origi ayaa ku sugan dalka Talyaaniga si uu tijaabada caafimaadka u maro ka hor inta uusan si xor ah ugu biirin AC Milan.

    Waxaa lagu dhawaaqay in Origi uu ka tagayo Liverpool mar uu qandaraaskiisu dhacay dhamaadkii xilli ciyaareedkii u dambeeyey.

    27-sano jirkaan ayaa u dhaliyay goolal muhiim ah kooxda ku ciyaarta Anfield, waxaana ka mid ah goolkii labaad ee ay 2-0 kaga badiyeen Tottenham final-ka Champions League 2019.

    Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa u saxiixay Reds 2014, waxaana uu u dhaliyay 41 gool 175 kulan oo uu saftay.

    Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa shaaca ka qaaddau in Takumi Minamino uu si rasmi ah ugu wareegayo kooxda Faransiiska ka ciyaarta ee Monaco.

  5. Muxuu ballan qaaday Raysal Wasaaraha Soomaaliya ee maanta xilka la wareegay?

    ,

    Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka ra’iisal-wasaarenimada ee uu dhawaan u magacaabay madaxweynaha Sooamaliya.

    Munaasabadda xil-wareejinta ayaa ka dhacday madax-tooyada Soomaaliya, waxa ayna imaaneysaa maalmo kaddib markii baarlamaanka uu ansixiyay ra’iisal-wasaaraha cusub.

    Raysal wasaare Xamse ayaa ballan qaaday in xukuumaddiisu ay amniga xoogga saari doonto si wax loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee abaaraha la ildaran.

    “Ajandeheenna koowaad waa in shacabkeena aan dhimashada ay baahidu keenayso aynu ka badbaadinno, si aan uga badbaadinno waa inaan amniga sugno” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

  6. Qaar kamid ah xujeyda Itoobiya oo cabaneysa

    Cabasho ayaa ka imaanaysa dad doonayey inay gutaan waajibaadka xajka ee sanandkan, kuwaasoo doonayey inay ka ambabaxaan Itoobiya si ay u soo xajiyaan.

    Dadka cabanaya waxay sheegayaan in majliska heer federaal ee Itoobiya u qaabilsan arrimaha xajka ay ka dambeeyaan caqabadda haysata.

    Xajj
  7. Maxaa keenay in ninkan 101 sano jirka ah lagu xukumo 5 sano oo xarig ah?

    Waardiyihii hore ee kaamka dowaladii Nazi-ga oo magaciisa lagu sheegay Josef S ayaa lagu xukumay shan sano oo xarig ah ka dib markii uu gacan ka geystay dilka kumanaan maxaabiis ah oo lagu dilay magaalada Sachsenhausen oo u dhow Berlin.

    Ninkan oo ah dembiilihii ugu da'da weynaa abid ee katirsanaa xukumada Nazi-ga ee abid maxkamad Jarmal ah la soo taago, ayaa wuxuu had iyo jeer horay u dafiray inuu xerada "SS" waardiye ka ahaa.

    Waxaa lagu helay danbi ah inuu gacan ka geystay dilka 3,518 qof.

    Qareenkiisa ayaa ku baaqay in la sii daayo, waxaana lagu wadaa in ay racfaan ka qaataan xukunkiisa.

    Maxaa keenay in ninkan 101 sano jirka ah lagu xukumo 5 sano oo xarig ah?
  8. Dacwad oogaha guud ee Kenya oo sheegay in uu talaabo qaadi doono kadib markii u arkay baaritaan ay BBC-da sameysay

    Dacwad oogaha guud ee Kenya ayaa sheegay in uu “ka xishooday” baaritanka ay BBC Africa Eye sameysay ee ku saabsan tahriibinta abaabulan ee carruurta naafada ah ee laga keeno Tanzaaniya kuwaasi oo si qarsoodi ah loogu soo safriyo Kenya si ay macaash uga helaan kuwa wax tahriibiya, wuxuuna ballan qaaday in uu tallaabo qaadi doono.

    "Runtii waan ceebeysannahay, mana isku dayay in aan cudur daar bixiyo, waxaan ballan qaadayaa in aan xil goni ah iska saari doono, laakiin waxa ugu wanaagsan ayaa ah in aan arrintan wada hadal ka yeelanno haddaan nahay Afrikada Bari," ayuu yiri Noordin Haji Talaadadii.

    Afarika eye
  9. Nin soo saaray naqshada Hudheel hawada sare laga sameyn karo kaasi oo ku shaqeynaya tamarta nukliyeerka

    Hudheel weyn oo ku shaqeeya tamarta nukliyeerka ‘flying hotel’, oo ay dhammaan u dhameystiranyihiin waxyaabaha uu qofka u baahan karo sida goob jimicsi iyo barkad lagu dabaasho ayaa lagu wadaa inuu qaado 5,000 oo rakaab ah, isagoona awood u lahaan in uu hawada kujiro inkabadan sanad.

    Diyaaradan qaaabka hudheel ahaanta ah u sameysan - ayna ku rakiban yihiin ilaa 20 matoor oo ku shaqeeya tamarta nukliyeerka - ayaa loogu talagalay inaysan waligeed soo degin.

    Hashem Alghaili, oo ah ninka abuuray naqshada diyaaradan cajiibka ah ayaa sheegay in Hudheelka hawada ee ku shaqeeya nukliyeerka "uu noqon karo gaadiidka mustaqbalka ".

    Fiidiyow laga sameeyay diyaaradan sida ay u ekaan doonto ee aadka loo faahfaahiyay,ayaa mujinaya in diyaaradan ay lahan doonto maqaayado, suuq ganacsi oo aad u weyn, goob jimicsi, tiyaatar iyo xitaa barkadda dabaasha oo ay dadka isticmaali karaan dhammaantod iyagoo hawada sare jooga.

    Ilaaa hadda majirto cid ama shirkada ku dhawaaqday inay maal gilin doonto fikradan ah "Hudheelka duula".

    Nin ku fakarayo in uu sameeyo Hudheel hawada sare ku yaalla
  10. Shir caalami ah oo looga hadlaya horumarinta dawladaha hoose iyo maamulada maxaliga ah oo ka socda Pooland

    Magaalada Katowice ee dalka Poland, waxan ka socda shirweyne caalami oo ay soo qabanqaabisay hay’adda UN-Habitat. Waxa lagaga wada hadlayaa arrimaha udub dhexaadka u ah horumarinta dawladaha hoose iyo maamulada maxaliga ah.

    Ajendayaasha ugu mudan waxa ka mid ah magaalowga iyo caqabadaha ku lammaan, hirgalinta yoolasha horumarka waara, maamul-deegaan loo dhan yahay oo awood u leh adeegbixinta iyo xoojinta adkaysiga magaalooyinka ee dhibaatooyinka dabiiciga ah iyo dadku sameeyaan. Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyin badan oo kala socda wadamada caalamka.

    Shirkaasi waxaa Soomaliland uga qeyb galay duqa magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge,

    Magaalada Katowice ee dalka Poland
  11. Muxuu yahay weerarka uu Ruushka qaaday ee dhaleecenyta weyn la kulmay?

    Ugu yaraan 18 qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar uu Ruushka ku qaaday xarun laga dukaameysto oo ku taal Kremenchuck.

    Hogaamiyayaasha reer galbeedka ayaa aad u cambaareeyay weerarkan.

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo kamid ah hogaamiyayaasha reer galbeedka ayaa kamid ah dadka cambaareeyay gantaalada Ruushka uu ku weeraray xarunta laga dukaameysto ee ku taal bartamaha Ukraine, isagoo ku tilmaamay mid fool xun.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Macron ku sheegay in dadka Ruushku ay waajib ku tahay in ay "runta arkaan".

    Inta badan shacabka ruushka telefishinku ayaa ah isha ugu weyn ee ay wararka ka helaan, kaas oo ay si adag u maamusho Kremlin-ka oo soo saara dacaayad dagaal.

    ukraine
  12. Gabar suulida aaday oo kadib la kulantay arrin lama filaan ah

    Gabar ardayad ah oo wax ka barata dalka Ingriiska ayaa aad u argagaxday, kadib markii ay suuliga gashay ka hor xilli habeen ah oo ay caloosha xanuunisay kadibna ay ilmo ku dhashay musqusha dhexdeeda.

    Haweenaydan oo lagu magacaabo Jess Davis, oo 20 jirsatay maalin kadib markii ay umushay ilmaha,ayaa waxay sheegtay in aysan isku arkin wax caalamad ah oo muujineysa inay uur tahay balse ay dareemeysay in wakhtiyadeeda cadadada ay isdaba mareen.

    Sidoo kale caloosheeda wax barar ah ma maysan lahay, balse ay la yaabtay markii ay dhashay wiil 2 kiilo iyo bar ah ah iyadoo musqusha dhex fadhida.

    sawir kale
  13. Nin iska diiday dalabyo shaqo oo ay u soo jeediyeen shirkadaha Google iyo Amazon oo aqbalay dalabka shirkad kale oo caan ah

    Bisakh Mondal oo ah arday wax ka barta jaamacada Jadavpur ee gobolka Bengal ee galbeedka India ayaa shaqo ka helay Facebook, kadib markii uu iska diiday dalabyo in uu nala shaqeeyo ay usoo jdiyeen shirkadaha Amazon iyo Google .

    "Waxaan ku biiri doonaa Facebook bisha Sebtembar, ka hor inta aanan aqbalin shaqadan, waxaan ka helay dalabyo {shirkadaha} Google iyo Amazon. Waxaan aminsanahay in doorashada Facebook ay noqon doonto tan ugu fiican maadaama xirmada mushaharka ay bixiyaan uu yahay mid sare," Mondal ayaa sidaasi u sheegay Warbaahinta India ..

    Bisakh waa arday haatan kujiro sannadka afaraad ee koorsada Sayniska Kombiyuutarka iyo Injineerinka ee Jaamacadda Jadavpur.

    Mondal ayaa lafilayaa in uu ku biirayo Facebook bisha Sebtembar ee soosocota.

    Biskah MANDAL
  14. Xiisad mar kale ka soo cusboonatay xadka Suudan iyo Itoobiya

    Suudan iyo Itoobiya

    Milatariga Sudan ayaa wacad ku maray in ay tallaabo ku haboon kaga falcelin doonaan dilka ay sheegeen in Itoobiya ku khaarajisay todoba qof oo iskugu jiray rayid iyo askar ay qabteen ciidamada Itoobiya.

    Xukuumadda Sudan ayaa iyaduna u yeedhatay safiirkeedii u fadhiyey Addis Ababa, hase yeeshee warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arimaha dibada Itoobiya ayaa lagu beeniyey sheegashada milatariga Sudan waxaanay wasaaraddu sheegtay in ay askartaasi ku dhinteen shaqaaqo dhex martay askar Sudan ah iyo maleeshiyaad Itoobiyaan ah.

    Waxaanay warbixintu intaa ku dartay in ay dawaladda Itoobiy ka xuntahay dhacdadaas.