Maalintii ugu dambeysay ee ololaha doorashada Kenya

Wararkii ugu danbeeyey

Tebin toos ah

  1. Cimriga dadka Afrikaanka ah waxaa ku kordhay 10 sano - WHO

    Afrika

    Muddada uu qofka Afrikaanka ah noolaan karo ayaa sanado badan ay ku darsameen, iyadoo cimrigooda ay ku darsantay ku dhowaad 10 sano. Markii hore inta uu qofka Afrikaanka ah noolaan karo celcelis ahaan ayaa lagu sheegay 46 sano haatanse waa 56 sano, sida laga soo xigtay hay'adda arrimaha caafimaadka Qaramada Midoobay ee WHO.

    Kororka da'da ayaa waxaa sabab looga dhigay inay dadku heleen adeegyo caafimaad oo fiican inkastoo weli tirada inta la rabo ay ka hooseyso. Caalamka kale celcelis ahaan qofka ayaa noolaan kara 64 sano.

    WHO ayaa falanqeyn ku sameysay xogta nolosha 47 dal oo Afrika ku yaalla intii u dhaxeysay sanadihii 2000 iyo 2019.

    Waxay sheegtay in kor u kaca muddada noolaanshaha ay Afrika kaga wanaagsanaatay qaaradaha kale ee caalamka, waxayse ka digtay in xanuunka safmarka ah ee Covid uu carqaladeyn karo horumarkan.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  2. Digniinta Mareykanka ee Afrika: Badar iyo bacrimiye waxaan ahayn haka iibsannina Ruushka

    Ruushka

    Safiirka Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa booqatay dhowr dal oo Afrika ku yaalla, iyadoo uga digtay dalalka Afrika inaysan Ruushka waxba ka iibsan marka laga reebo badar iyo bacrimiyeyaal, iyadoo ku hanjabtay inay cunaqabateyn la kulmi doonaan haddii ay sidaa sameeyaan.

    Waxay sheegtay in Ruushku uu qiimaha sare ee raashiinka ee adduunka u aaneeyay cunaqabateynta la saaray, balse uu Ruushku xor u yahay dhoofinta waxyaabaha beeraha loo isticmaalo isla markaana ay dadaka kale ka iibsan karaan.

    Waxay intaas ku dartay in waxyaabaha cunaqabateynta saaran ee aan Ruushka laga iibsan karin uu ka mid yahay shidaalka.

    Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa door bidaya inay dhexdhexaad ka ahaadaan dagaalka Ukraine iyo Ruushka. Sababta ayaa lagu tilmaamay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya dalalka Afrika iyo kuwa Galbeed oo intooda badan soo gumeystay Afrika, iyo isla mar ahaantaana hoggaamiyeyaal badan oo Afrikaan ah oo Ruushka wax ku soo bartay oo aan dooneyn inay ku lug yeeshaan dagaalka dalkaas ka dhanka ah.

  3. Sawirro: Maalinta ugu dambeysay ololaha doorashada Kenya

    Maanta waa maalintii ugu dambeysay ee ololaha doorashada la filayo inay Kenya ka dhacdo Talaadada soo socota. Labada musharrax ee ugu cad cad una tartamaya madaxtinnimada, Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, ayaa taageerayaashooda ugu baaqay inay si weyn isugu soo baxaan qeybo kala duwan oo caasimadda Nairobi ka tirsan.

    Kenya election
    Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Azimio La Umoja
    Kenya elections
    Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Kenya Kwanza oo isu soo baxay

    Ololaha ayaa sidoo kale ka socda qeybo kale oo dalka ka tirsan, sida gobolka Xeebta iyo Rift Valley.

    Kenya elections
    Qoraalka sawirka, Taageerayaasha ayaa ku soo lebistay dharka astaanta u ah xisbigooda
    Kenya elections
    Qoraalka sawirka, Taageerayaasha ayaa isugu soo baxay magaalada Eldoret
    Kenya elections
    Qoraalka sawirka, Ciidamada oo sugaya ammaanka
  4. Dowladda Soomaaliya oo taageertay midnimada Shiinaha

    Calanka Soomaaliya
    Qoraalka sawirka, Calanka Soomaaliya

    Wasaarradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartay maanta bayaan, taasoo ay isku barbar taagtay mowqifka siyaasadeed ee dowlada Shiinaha.

    Dowladda Soomaaliya, ayaa sidoo kale ka dalbatay in “Qaramada Midoobay ay ilaaliso midnimada, sharafta iyo wadajirka dhulka dowladda Shiinaha.”

    Bayaanka dowladda Soomaaliya, ayaa kusoo beegmay xili ay xiisad ka dhalatay safar ay afhayeenka aqalka wakiiladda ee Mareykanka, Nancy Pelosi ku tagtay Taiwan.

    Dowladda Soomaaliya, ayaa u aqoonsan in Taiwan ay tahay qeyb kamid ah dhulweynaha Shiinaha.

    Mar sii horreysay ayaa Taiwan waxay xiriir la sameysay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida, taasoo ka careysiisay dowladaha federaalka Soomaaliya iyo Shiinaha.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  5. Madaxweynaha maamulka Koonfur oo gaarey magaalada Addis Ababa

    Cabdulcasiis Xasan Maxamed
    Qoraalka sawirka, Cabdulcasiis Xasan Maxamed

    Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdulcasiis Xasan Maxamed, ayaa gaarey magaalada Addis Ababa, ee dalka Itoobiya.

    Waxaa la filayaa inuu halkaasi kula kulmo mas’uuliyiinta dalkani.

    Dhowaan ayey saraakiil ciidan oo ka socota dowladda federaalka Itoobiya, waxey kulan kula qaateen magaalada Baydhabo Madaxweyne Cabdulcasiis Xasan.

    Labadda dhinac ayaa warka kasoo baxay kulankooda waxaa lagu sheegay in kulankoodii hore wuxuu la xiriiray iskaashiga la dagaalanka kooxda Alshabaab.

  6. Haweenay muddo 20 sano loo haystay inay dhimatay oo iyadoo socota qoyskeedii u tagtay

    Hamida Bano
    Qoraalka sawirka, Hamida Bano

    Haweeney 20 sano kahor arageeda laga waayey dalka Hindiya, ayaa laga helay gudaha dallka Pakistan, muuqaal lagu baahiyey Baraha Bulshada.

    Hamida Bano, ayaa waxay ka tagtay Hindiya sanadkii 2002-dii, kadib markii wakiil shaqaale qorista ah, uu u xaqiijiyey in shaqo cunto Karin ah ay ka heli doonto magaalada Dubai, ee dalka Isu Tagga Imaaraatka Carabta.

    Bano ayaa sheegtay in lagu qiyaamay magac shaqo, iyadoo la geeyey Pakistan.

    Qoyska Hamida Bano, oo kunool magaalada Mumbai, ayaa BBC-da u sheegay, gaar ahaan Marathi Seva, inay 20-kii sano ee lasoo dhaafay isku dayeen inay baai goobaan Hamida Bano, oo ay moodayeen iney dhimatay.

    Ugu danbeyntiina, qoyska ayey u suura gashay iney baafiyaan oo ay soo helaan ruuxoodoodii la la’aa, iyagoo isticmaalaya nin Hindi ah, iyo ruux kaloo u dhashey dalka Pakistan.

  7. Maalintii ugu dambeysay ee ololaha doorashada Kenya

    Raila Odinga iyo Martha Karua
    Qoraalka sawirka, Raila Odinga iyo Martha Karua

    Murashaxiinta ugu cadcad doorashada madaxtinimada Kenya, ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay sameeyaan ololahooda u danbeeya ee codbixinta, iyagoo qabanaya isku soo bax xamaasad leh, maadaama ay nagu soo fool leedahay maalinta doorashada ee 9-ka Agoosto.

    Madaxweyne kuxigeenka dalka, William Ruto, iyo Raila Odinga, oo ah hoggaamiye mucaarad oo rug cadaa ah, oo haatan taageero ka helaya xisbiga talada haya, ayaa u tafaxaytay sidii ay ku hanan lahaayeen hoggaanka dalka quwadda Bariga Afrika ah, iyadoo dadkiisu ay la daalaa dhacayaan duruufo dhanka nolosha ah.

    In ka badan 22 milayn oo codbixiyeyaal ah ay dooran doono madaxweynaha soo socda iyo sidoo kale sanetarrada, guddoomiyeyaasha ismaamulada, xildhibaanada, wakiilada haweenka, iyo 1,500 mas’uul oo ka socda maamul goboleedyada.

    William Ruto
    Qoraalka sawirka, William Ruto

    Waxaa sidoo kale olole ku jira murashaxiinta kale ee kuraasta kale.

    Murashaxiinta madaxweynaha u tartamaya ayaa maanta ololahooda ugu dambeeya ku qaban doona magaalada caasimadda ah ee Nairobi, iyadoo ammaankeeda aad loo adkeeyey.

    Ololaha doorashada magaalada Wajeer
    Qoraalka sawirka, Ololaha doorashada magaalada Wajeer

    Ruto ayaa taagerayaashiisa kula hadli doona garoonka Nyayo oo qaadda 30,000 oo qof, halka Odingana uu khudbad ka jeedin doona isu soo bax ka dhacaya garoonka Kasarani, oo ay fadhiyaan 60,000 oo qof.

    Loollanka adage ee loo galay doorashada, ayaa dhaliyay hadal heyn laga yaabo in Kenya doorashadeeda madaxtinimada in la isla gaaro wareeg labaad, iyadoo dad badan ay ka walaacsan yihiin in caqabada natiijada doorashada ay horseedi karto rabshado la isku dhex baacsado waddooyinka dhexdooda.

  8. Boqol degmo oo Faransiiska ku yaalla oo ay soo wajahday biyo yaraan

    Biyo yarida iyo abaarta
    Qoraalka sawirka, Biyo yarida iyo abaarta

    Dowladda Faransiiska, ayaa diyaarisay koox xasaradeed, oo wax ka qabata abaarta taariikhiga ah, ee ku sababtay in ka badan 100 degmo, inay gabaabsi ku yihiin dadkooda biyihii ay cabi lahaayeen.

    Booyado ayaa biyaha u dhaamiya goobahan, maadaama aanay waxba ku harin dhuumaha tubooyinka, sida uu sheegay wasiirka deegaanka, Christophe Bacho.

    Xafiiska ra’iisal wasaaraha, ayaa sheegay iney tahay abaartii ugu darneyd ee ka dhacda Faransiiska. Isticmaalka biyaha, ayaa la filayaa in lagu soo rogo nidaam tashiilis ah 93 degmo.

    Biyo yarida ayaa lagu wadaa iney socoto muddo dhan laba toddobaad.

  9. “Waxaa fiicnaan lahayd diyaaradii Pelosi ee Taiwan in la soo rido"

    Nancy Pelosi
    Qoraalka sawirka, Nancy Pelosi

    Aleksey Zhuravlyov, oo ah siyaasi u dhashey dalka Ruushka, isla markaana xulafo la ah Madaxweyne, Vladamir Putin, ayaa telefishinka qaranka ka sheegay in “Ruushka ay u wanaagsanaan laheyd “haddii Shiinaha uu soo ridi lahaa diyaaraddii ay la socotey afhayeenka aqalka Congress-ka Mareykanka, Nancy Pelosi, oo safar ku gaartay Taiwan.

    Zhuravlyov, ayaa waxa uu yahay xubin katirsan gobolka Duma, isagoo hoggaamiya xisbiga wadaniga ee Rodi-na, oo taageera Putin.

    Intii uu socday muuqaal hal saac ah, kaasoo qeyb ka ah barnaamij laga sii daayay kanaalka koowaad ee Ruushka laga yeelay ee Rossiya 1, ayuu wuxuu ku sheegay in weerar lagu qaado diyaaraddii siday Pelosi ee ka timid Shiinaha, iney furi laheyd furin kale, oo ah dagaalka Putin ee Reer Galbeedka, waxaa sidani warisay wargeyska Daily Mirror, ee soo baxay Khamiistii.

    Isagoo hadalka isi wata, ayuu wuxuu intaa darey Zhuravlyov inay mid muhiimad leh ay aheyd, haddii diyaaraddan la qaban lahaa, ama lasoo ridi lahaa, taasoo ay saarneyd Pelosi.

  10. Nin Mareykan ah oo lagu xukumay inuu bixiyo magdhaw aad u tiro badan

    Alex Jones
    Qoraalka sawirka, Alex Jones

    Alex Jones, oo ah nin qaadaa dhiga/falanqeeya afkaarta shirqoolada, ayaa waxaa lagu amray inuu bixiyo 49.3 milyan oo Doolar, kadib markii uu been abuur ku sheegay toogasho ka dhacday iskuul sanadkii 2012-kii.

    Xeerbeegti kusugan gobolka Taxes ee dalka Mareykanka, ayaa go’aamiyey in daadiyaha barnaamij iddaacad uu bixiyo 45.2 milyan oo Doolar oo magdhaw ah, marka lagu daro 4.2 milyan oo magdhawa, ee ay bixiyeen maalin kahor.

    Lix ruux oo qaan gaar ah, iyo labaatan carruur ah, ayaa lagu dilay Sandy Hook oo ku yaalla Connecticut.

    Dacwadda ayaa waxaa gudbiyey labadda ruux ee kala ah Scarlett Lewis iyo Neil Heslin, oo ah waalidkii kala tagay ee Jesse Lewis oo ahaa ilmo yar oo lix jir ah, kaasoo ku dhintay toogashii iskuulka.

    Dacwad oogayaasha ayaa sheegay iney u dulqaaten dhibaato iyo murugo shucuureed, sababtoo ah macluumaadka khaldan ee aasaasihii hey’adda inforwars, iyagoo ka dalbadey 150 milyan oo magdhaw ah.

    Magdhawga waxyeelada la geystay ee lasoo saaray Khamiistii, ayaa waxaa loola jeeday in lagu daboolo kharashaadka dhabta ah ee qoyska ay ku dhacday sumcad dilka ee Jones, sida shirkadda ammaanka gaarka ah ee ay kireysteen, intii lagu guda jiray maxkamadda, iyagoo ka baqaya weerar kaga yimaada taageerayaasha Jones.

  11. Dagaalyahanada Falastiin iyo ciidamada Israa’iil oo uu dagaal dhex maray

    Dagaalka Israa'iil iyo Falastiin
    Qoraalka sawirka, Dagaalka Israa'iil iyo Falastiin

    Xiisadda ayaa wali taagan, kadib markii habeen hore hub culus uu ku dhacay inta u dhaxeysa Marinka Gaza iyo Israa’iil.

    Tobanaan gantaal oo laga soo tuuray Qaza, ayaa iftiimiyey cirka, ka gadaal markii ugu yaraan 10 qof lagu dilay duqaymaha cirka ee Israa’iil.

    Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah hoggaamiye Tayseer Jabari.

    Maamulka Israa’iil waxay sheegtay in duqeymahan ay ka danbeeyeen markii ay kooxd Islamiac Jihad ay gantaallo kusoo rideen.

    Gabar shan jir ah, oo ku sugneyd Gaza, ayaa kamid aheyd dadkii ku dhintay duqeynta, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee deegaanka, waxaa ku dhaawacmay tobanaan kale.

    Kooxda Islamic Jihad, ayaa duqeynta Israa’iil uga jawaabtay in ka badan boqol gantaal, oo ay ku tureen dhanka Israa’iil.

    Inta badan gantaalladii ay tuureen kooxda Islamic Jihad, ayaa waxaa kahor tagay hannaanka difaaca gantaalada ee Israa’iil.

  12. Saynis yahankii sameeyey gantaalka guuxiisa ka dheereeya ee Ruushka oo xabsi loo taxaabay

    Alexander Shiplyuk
    Qoraalka sawirka, Alexander Shiplyuk

    Saynis yahan caan ah, oo Ruush ah oo ku lug lahaa horumarinta “nidaamyada gantaallada guuxooda ka dheereeya”, ayaa la xiray, isagoo lagu eedeeyey inuu jiro tuhun khiyaano qaran ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS.

    Alexander Shiplyuk, ayaa lagu xiray magaalada Novosibirsk ee dhacda Siberia, waxaana la geeyey xarunta lagu hayo ee Lefortovo ee magaalada Moscow.

    Saynis yahanku wuxuu kasoo shaqeeyey Laanta Siberian ee akademiyadda Sayniska ee Ruushka, isagoo aggaasime ka ah machadka Khristianovich ee farsamada.

    Isagoo haya Alexander xilkan, ayuu wuxuu ka shaqeeyey horumarinta diyaaradaha hawada iyo gantaallada, oo ah hub muhiim u ah hubka Vladimir Putin.

  13. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba. Wararka waxaa idiin soo gudbin doona aniga oo ah Said Anteno.