Buuq hareeyey ansixinta Xukuumadda ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Bare

Wararkii ugu dambeeyey

Tebin toos ah

  1. Booliiska Mareykanka oo ku wareersan cidda dishay dhalinyaro Muslimiin ah

    Maxamed Afzaal Xuseen
    Qoraalka sawirka, Maxamed Afzaal Xuseen

    Dilka saddex nin oo Muslim ah, oo ka dhacay magaalada ugu weyn ee gobolka New Mexico, ayaa loo badinayaa iney xiriir leeyihiin, iyadoo u muuqda in loo bartilmaameed saday diintooda iyo midabkooda awgood, sida ay sheegeen booliisku.

    Labo xubnood oo ku sugnaa xiligaasi masjid, ayaa la toogtay tobankii maalmood ee u danbeysay, iyadoo ay jirto dareen xoogan oo tilmaamaya in dilkan uu la xiriiro dil horey u dhacay bishii November, kaasoo loo geystay soo galooti u dhashey Afghanistan, sida uu sheegay sarkaal katirsan booliiska magaalada.

    Dhammaan saddexda xaaladood ee dadkan la dilay, ayaa waxaa loo toogtay si gaadmo ah, iyadoo la dilay digniin la’aan, sida ay sheegeen booliiska.

    “Waxaa jira hal wax oo ay wadaagaan, taasoo ah diinta iyo midabka,” sidaasi waxaa sheegay taliye kuxigeenka booliiska magaalada Albuquerque, Kyle Hartsock, oo shir jaraa’id qabtay Khamiistii, oo uu soo gudbiyey wargeyska Santa Fe New Mexico.

    Maxamed Afzaal Xuseen, oo 27 sano jir ah, oo ahaa aggaasimaha qorsheynta ee magaalada Espanola, kagana yimid dalka Mareykanka dhanka iyo Pakistan, ayaa Isniintii lagu toogtay bannaanka hore ee dhismihiisa magaalada Albuquerque, sida ay booliisku sheegeen.

  2. Kate Foster oo u hambalyeysay golaha wasiiradda Soomaaliya ee la ansixiyey

    Safiiradda Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya, Kate Foster.
    Qoraalka sawirka, Safiiradda Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya, Kate Foster.

    Safiiradda Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya, Kate Foster, ayaa u hambalyeysay golaha wasiirada ee cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

    Waxey sheegtay inay rajeyneyso in dowladda Soomaaliya ay u qalab qaadato mudnaan kala siinta hawlaha horyaalla, sida ammaanka, dibu heshiisiinta, iyo arrimaha bani’aadanimada, si dhammaan dadka Soomaaliyeed loo gargaaro.

    Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyey xukuumadda cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya.

    Xildhibaanada soo xaadirtay baarlamaanka, ayaa aheyd 237, halka ay oggolaadeen 229 xildhibaan ansixinta, 7 xildhibaan way ka horyimaadeen ansixinta, hal xildhibaanna uu ka aamusay cod qaadista.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  3. Abaaraha ka jira Puntland oo ay ardey ku seegeen waxbarashadoodii

    Cabdullaahi Maxamed Xasan
    Qoraalka sawirka, Cabdullaahi Maxamed Xasan

    Wasaaradda waxbarashada Puntand, ayaa sheegtay iney xirmeen iskoollo tiro badan, kuwaasoo gaaraya illaa iyo 19.

    Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in arday badan ay waxbarashada u seegeen, sababo la xiriira abaaraha wadanka ka jira.

    Wasaarada ayaa qabatey shirweyne looggu qaraamayo ardayda waxbarashada ay abaartu ka reebtay.

    Cabdullaahi Maxamed Xasan, oo ah wasiirka waxbarashada Puntland, oo u waramay wariyaha BBC-da, Axmed Cawil Jaamac, ayaa sheegay in iskuuladii xirmay ay dhiganayeen ardey gaareysa 6,000.

    Wuxuu intaa ku daray wasiirka, in haddii ay abaartu sii socoto, in ardeyda ay saameyneyso ay tiradoodu intii hore kasii badan doonto.

  4. Shiinaha oo soo dhoweeyey mowqifka dowladda Soomaaliya ee xiisadda Taiwan

    Calamada Shiinaha iyo Soomaaliya
    Qoraalka sawirka, Calamada Shiinaha iyo Soomaaliya

    Safaaradda dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa soo dhoweysay mowqifka ay ka qaadatay dowladda Soomaaliya xiisadda ka aloosan Taiwan.

    Dowladda Shiinaha, ayaa qoraal ay soo saartey ku bogaadisay warka dowladda Soomaaliya, iyadoo sheegtay in labadda ummadood ee Soomaalida iyo Shiinaha ay leeyihiin xiriir qoto dheer oo soo jireen ah.

    Warka qoraalka ee safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale lagu sheegay in xiriirka labadda dal uu yahay mid ku qotoma is xurmeyn, iyo iskaashi.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartey shalay bayaan, ay isku barbar taagtay dowladda Shiinaha, taasoo ay ku sheegtay iney taageersan tahay midnimada dhulka Shiinaha.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  5. Buuq hareeyey ansixinta Xukuumadda ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Bare

    Xukuumadda cusub ee ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Bare oo la ansixiyey
    Qoraalka sawirka, Xukuumadda cusub ee ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Bare oo la ansixiyey

    Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa ansixiyey xukuumadda federaalka Soomaaliya.

    Xildhibaanada soo xaadirtay baarlamaanka, ayaa aheyd 237, halka ay oggolaadeen 229 xildhibaan ansixinta, 7 xildhibaan way ka horyimaadeen ansixinta, hal xildhibaan ayaa ka aamusay cod qaadista.

    Natiijada ayaa waxaa ku dhawaaqey guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe.

    Baarlamaanka, ayaa xiligii la ansixinayey xukuumada, waxaa ka jiray buuq.

    Buuqa dhacay xiligii ansixinta, ayaa aheyd in xildhibaanada qaarkood ee baarlamaanka Soomaaliya iney keeneen mooshin, taasoo ah in xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaare Xamse Cabdi uu ka dhacay xiligii cod loo qaadi lahaa.

    Ugu danbeyntii Guddoonka baarlamaanka, ayaa guda galay cod u qaadista xukuumadda ra’iisal wasaare Xamse, iyadoo ay ka biyo diideen xildhibaanadii mooshinka waday.

    Wasiirada ayaa golaha baarlamaanka waxaa ku dhex dhaariyey guddoomiyaha maxkamdda sare ee dalka Soomaaliya.

    Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Buuq ka dhacay kalfadhigii maanta
  6. Haween guulo ka gaarey ka shaqeynta nabadda ee magaalada Wajeer

    Magaalada Wajeer
    Qoraalka sawirka, Magaalada Wajeer

    Degmada Wajeer ee gobolka woqooyi bari ee Kenya, ayaa waxaa ka jira urur haween oo muddo dheer ka shaqaynayey nabadeynta.

    Ururkaas ayaa ku caan baxay magac dunida ku baahay oo ah Wajeer Daughters of Peace, oo noqonaya Hablaha Wajeer ee nabadda ka shaqeeya ama ku hagoogta.

    Waxay abaal marino heer caalami ah ku muteysteen deminta colaado beeleed, oo sagaashameeyadii halkaa ka dhacay, oo ay ku guulaysteen inay kama dambaystii nabad kusoo dabbaalaan deegaannadaas.

    Xaliimo Cabdillaahi Axmed, oo ah isu duwaha Wajeer women for peace, ayaa wariye Xasan Geelle, u sheegtay inay ka kooban yihiin haween qabiilo kala duwan kasoo kala jeeda.

    Xaliimo ayaa carabka ku dhufatay in dagaalka ay kahortag ku sameeyaan, halka marka uu dhaco ay isticmaalaan haweenka kala duwan, si xal looggu helo.

    Haweenka inta badan qeyb kama ahan dagaalada ka dhex aloosma qabaa’ilada, iyadoo dhibaatada ugu bandanna ay ku dhacdo marka dagaal dhaco, haweenka, caruurta iyo waayeelka.

  7. Mareykanka oo ku tilmaamay dhoolatuska ciidanka Shiinaha daadaansi

    Diyaarad qeyb ka ah dhoolatuska ciidanka Shiinaha ee marinka biyaha Taiwan
    Qoraalka sawirka, Diyaarad qeyb ka ah dhoolatuska ciidanka Shiinaha ee marinka biyaha Taiwan

    Wasaaradda difaaca ee Taiwan, ayaa sheegtay in maraakiibta iyo diyaaradaha Shiinuhu ay hawlgalo ka fuliyeen marin biyoodka Taiwan Sabtidii, iyadoo qaarkood ay ka gudbeen Khadka Dhexe ee labadda dhinac u dhaxeeya.

    Diyaaradaha dagaalka ee Taiwan, ayaa dhowr jeer u digay kuwa Shiinaha, ee kasoo tallaabay hawada Taiwan.

    Ciidamada Taiwan ayaa intaa ku darey in dhoolatuskaasi uu ahaa mid u dhigma weerar lagu soo qaaday jaziiradda.

    Maamulka Beijing kama aysan hadlin dhoolatusyadii ugu dambeeyey, balse waxaa la filayaa inay sii wadaan dhoolatuska military, ee hawada iyo badda ee Taiwan illaa maanta oo Axad ah.

    Xukuumadda Washington, ayaa ku eedeysay Shiinaha inay sii kordhinayso xiisadda u dhaxeysa labadda dhinac.

    Afhayeen u hadlay Aqalka Cad, ayaa daandaansi, iyomas’uuliyad darro, ku tilmaamay dhoolatuska military ee Shiinaha.

    Xiiisadan iminka ugu dambeysa ayaa ka dhalatay safarkii ay madaxa aqalka wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi, ku gaartay jasiiradda Taiwan.

    Shiinaha ayaa sheegay in socdaalka, Pelosi, “ay dhab ahaantii khatar galineysay” nabadda iyo xasiloonida marin biyoodka Taiwan.

    Shiinuhu waxa uu Taiwan u arkaa gobol kamid ah dhul weynaha Shiinaha.

    Balse, Taiwan waa jasiirad iskeed isku maamusho, isla markaana isu aragta inaysan qeyb ka ahayn dhulweynaha Shiinaha.

    Jaziiraddu waxay leedahay dastuur u gaar ah, hoggaamiyeyaal si dimuqraadi ah loo soo doortay, iyo illaa iyo 300,000 oo ciidamo ah.

    Dalal yar ayaa jasiirada Taiwan u aqoonsan dal madax bannaan, kuwaasoo la macaamila.

  8. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba. Wararka waxaa idiin soo gudbin doona aniga oo ah Said Anteno.