Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
Wadaad Islaami ah oo muran badan dhaliyay oo lagu toogtay Nigeria
Afar xaaladood oo suurtagal ah oo go'aamin kara mustaqbalka doorashada Israa'iil
Doorashada Israa'iil: Xisbigee hoggaaminaya?
Xogtii ugu dambeysay ee Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa muujinaysa in tartan adag uu weli u dhexeeyo Benjamin Netanyahu iyo Gadi Eisenkot, iyadoo la tiriyey in ka badan kala bar codadkii la dhiibtay.
Telefishinnada Israa’iil ee Kan, Channel 12 iyo Channel 13 ayaa saadaaliyey in Netanyahu uu heli doono 55 kursi, halka Eisenkot uu heli doono 49 kursi.
Qofka ku guuleysta doorashada ayaa u baahan ugu yaraan 61 kursi oo ka mid ah baarlamaanka Israa’iil ee Knesset, si uu u dhiso dowlad aqlabiyad leh.
Natiijooyinkani weli kama dambays ma aha, waana isbeddeli karaan.
Tirada dadka ka qaybgalay doorashada Talaadadii ayaa ahayd tii ugu sarreysay muddo tobannaan sano ah.
Sida uu sheegay Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil, markii codbixintu xirmatay 22:00 habeenimo waqtiga maxalliga ah, waxaa codkooda dhiibtay boqolkiiba 77.7 dadka xaqa u lahaa inay codeeyaan. Taasi waa heerkii ugu sarreeyay ee xilligan oo kale la diiwaangeliyo tan iyo 1999.
Warar dheeraad ah :
Isbahaysiga Naftali Bennett oo ka hor maray isbahaysiga Carabta doorashada Israa’iil

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Naftali Bennett Wararkii ugu dambeeyay ee xogta Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa muujinaysa in hoggaanka xisbiga Likud ee uu hoggaamiyo Benjamin Netanyahu uu wax yar hoos uga dhacay 21.7% ilaa 20.8% codadka.
Xisbiga Yashar ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot ayaa weli ku jira kaalinta labaad, isagoo helay 17.06% codadka.
Isbahaysiga “Together” ee uu hoggaamiyo Naftali Bennett ayaa helay 9.2% codadka, wuxuuna ka hor maray isbahaysiga “Joint List” ee xisbiyada Carabta, isagoo galay kaalinta saddexaad.
Warar dheeraad ah :
Wargeysyada maanta ee Tehran oo aan wax weyn ka qorin doorashada Israa’iil

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Sawir hore Wargeysyada maanta ka soo baxay magaalada Tehran ee caasimadda Iran ayaan bogaggooda hore war weyn kaga qorin doorashada Israa’iil, iyaga oo si aamusnaan ah uga gudbay.
Dhanka kale, dadka reer Iran ee isticmaala baraha bulshada, oo ay ku jirto barta X, ayaa si firfircoon ula socday natiijooyinka doorashada Israa’iil, iyadoo dood kulul ay ka socotay saamaynta ay doorashadu ku yeelan karto Iran iyo xaaladda dagaalka ee hadda taagan.
Inkasta oo wargeysyada Iran aysan si weyn u soo bandhigin doorashada Israa’iil, haddana wakaaladaha waaweyn ee wararka ee dalkaas iyo telefishinnada dowladda ayaa qayb weyn oo ka mid ah wararkooda u qoondeeyay natiijooyinka doorashada.
Iran waxay rajaynaysaa in haddii dowladda Benjamin Netanyahu ay xilka ka tagto, uu burburo isbahaysiga militari ee Israa’iil iyo Maraykanka, isla markaana uu yaraado awoodda ay labada dal ku sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Iran.
Warar dheeraad ah :
Iska horimaad dhexmaray ciidamada Pakistan iyo Afghanistan

Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Isku-dhaca Pakistan iyo Afqaanistaan Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, saddex kalena way ku dhaawacmeen iska horimaad dhexmaray ciidamada Pakistan iyo Afghanistan, kaas oo ka dhacay deegaanka xuduudda ee Angoor Adda, gobolka Koonfurta Waziristan.
Waxaa sidoo kale la soo sheegay in waxyeello ay gaartay guryo iyo dukaamo ku yaalla deegaanka xuduudda.
Ku-xigeenka guddoomiyaha degmada Koonfurta Waziristan Hoose ayaa sheegay in habeenkii 27-ka Oktoobar, ururka Daalibaan ee Afghanistan uu rasaas iyo madaafiic ku weeraray guryo ay dad rayid ahi deggan yihiin, kuwaas oo ku yaalla suuqa Angoor Adda iyo deegaannada xuduudda.
Sida lagu sheegay qoraalka, hoobiye ay Daalibaan ridday ayaa ku dhacay guri, waxaana ku dhintay hal qof oo rayid ah, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen.
Dukaamo dhowr ah oo suuqa ku yaalla ayaa sidoo kale waxyeello ka soo gaartay duqeynta. Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka si loo daweeyo.
Ku-xigeenka guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada Pakistan ee ku sugan xuduudda ay si wax ku ool ah oo xooggan uga jawaabeen weerarka lagu beegsaday dadka rayidka ah.
Askari boolis ah oo ka hawlgala Koonfurta Waziristan , kaas oo BBC-da la hadlay isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in rasaas la sheegay inay sabab la’aan uga timid dhinaca Afghanistan, isla markaana madaafiic ay ku dhaceen deegaanno ay dadku ku nool yihiin.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamada ammaanka Pakistan ay ka jawaabeen weerarka, iyaga oo beegsaday dhowr saldhig oo ay leeyihiin ciidamada Afghanistan.
Qof deegaanka Angoor Adda deggan ayaa sheegay in rasaas iyo madaafiic culus ay si lama filaan ah u bilowdeen galabnimadii Talaadada.
Sida uu sheegay, madfac ayaa ku dhacay guri ay dad deggan yihiin, waxaana ku dhintay hal qof, saddex kalena way ku dhaawacmeen.
Markii BBC-du la xiriirtay Hamdullah Fitrat, ku-xigeenka afhayeenka dowladda Daalibaan ee Afghanistan, wuxuu sheegay in afhayeenka Wasaaradda Difaaca oo keliya uu arrintan ka bixin karo war rasmi ah.
Xiisadaha ka taagan xuduudda Pakistan iyo Afghanistan ayaa si goos-goos ah u soo socday labadii sano ee la soo dhaafay.
Warar dheeraad ah :
Waa kuma Jeneraalkan seddexda jeer ka badbaaday dhimashada ee mar ka mid ahaa askartii Soomaaliya loo diray
Netanyahu iyo Eisenkot oo labaduba sheegay inay isku dayayaan inay soo dhisaan dowlad

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Eisenkot (midig) ayaa ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Israa’iil intii u dhexeysay 2015-kii iyo 2019-kii, xilligii Netanyahu uu ahaa ra’iisul wasaaraha dalka Labada musharrax ee ugu waaweyn doorashada Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo Gadi Eisenkot, ayaan weli gaarin aqlabiyadda kuraasta ee looga baahan yahay inay xukunka la wareegaan, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah. Si kastaba ha ahaatee, labadooduba waxay sheegeen inay isku dayi doonaan dhismaha dowlad cusub.
Iyadoo tirinta codadku ay weli socoto, waxaa muuqata in Ra’iisul Wasaaraha xilka haya, Benjamin Netanyahu, uu ka natiijo wanaagsan yahay sidii hore loo filayay.
Xisbigiisa Likud ayaa helay codadka ugu badan marka loo eego xisbiyada gaarka ah, balse weli ma uusan gaarin aqlabiyad uu keligiis dowlad ku dhisi karo.
Gadi Eisenkot, oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada Israa’iil ahna ninka ugu weyn ee Netanyahu kula tartamaya doorashada, ayaan ilaa hadda awoodin inuu baarlamaanka gacanta ku dhigo isaga oo aan taageero ka helin xisbiyada Carabta ee Israa’iil, kuwaas oo doorashadan natiijo wanaagsan ka gaaray.
Netanyahu ayaa khudbad uu u jeediyay taageerayaashiisa kaga hadlay weerarka saddexaad ee Iran, isaga oo sheegay in Israa’iil iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ay haystaan “fursad aan hore loo arag” oo ay “hal mar iyo dhammaanba ku soo afjari karaan khatarta Iran”.
Warar dheeraad ah :
Pentagon-ka oo sheegay in Maraykanku ilaa hadda dagaalka Iran ku bixiyay 47 bilyan oo doollar

Xigashada Sawirka, US Army
Qoraalka sawirka, Militariga Mareykanka Wakaaladda wararka ee Reuters, oo dib u eegtay xogta Pentagon-ka, ayaa sheegtay in militariga Maraykanku ilaa hadda ku bixiyay in ka badan 47 bilyan oo doollar dagaalka Iran.
Xogtan ayaa muujinaysa in kharashku 25% ka badan yahay qiyaastii ay Wasaaradda Difaaca Maraykanku soo saartay bishii Luulyo.
Sida ay sheegtay Reuters, kharashaadka ugu badan waxaa ka mid ah in ka badan 29 bilyan oo doollar oo lagu beddelayo rasaasta iyo hubka la isticmaalay, iyo in ka badan lix bilyan oo doollar oo lagu bixiyay qalabka milatari.
Tirooyinkan kuma jiraan qiyaasta kharashka lagu dayactirayo saldhigyada Maraykanka ee ay waxyeelleeyeen weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.
Warar dheeraad ah :
Isku dheelitirka kuraasta labada isbahaysi ma wuxuu ugu dambayn faa’iido u noqon doonaa Netanyahu?

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Benjamin Netanyahu Iyadoo natiijooyinka doorashada Israa’iil si tartiib-tartiib ah loo shaacinayo, telefishinka Channel 12 ayaa saadaaliyay in isbahaysiga uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee xisbiga Likud uu si dirqi ah ugu horreeyo, isagoo helaya 52 kursi, halka mucaaradku helayo 49 kursi.
Hase yeeshee, labada dhinac midkoodna weli ma gaarin 61-ka kursi ee loo baahan yahay si uu aqlabiyad ugu yeesho baarlamaanka Israa’iil ee Knesset, oo ka kooban 120 kursi.
Xaaladdan ismari-waaga ah ayaa laga yaabaa inay Netanyahu faa’iido u noqoto, isaga oo sii ahaan kara ra’iisul wasaare inta ay dowladdu sii haynayso xilka, gaar ahaan haddii wadaxaajoodyada dhismaha isbahaysi cusub ay dheeraadaan, ayna suurtagal noqoto in doorasho kale la qabto.
Xisbiyada diimeed ee garabka midigta fog, oo ay hoggaamiyaan Itamar Ben-Gvir iyo Bezalel Smotrich, ayaa la saadaalinayaa inay guud ahaan ka helaan 13 kursi isbahaysiga Netanyahu, iyadoo aan midkoodna la filayn inuu si weyn u kordhiyo kuraastii uu haystay.
Dhanka kale, xisbiyada Carabta oo aan ku jirin labada isbahaysi ee waaweyn ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara go’aaminta cidda awoodda yeelanaysa.
Balse Gadi Eisenkot, hoggaamiyaha xisbiga Yashar ahna taliyihii hore ee guud ee ciidamada Israa’iil, ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada inuu dowlad la dhisto iyadoo ay ka qaybgalayaan xisbiyada Carabta. Arrintan ayaa sii adkaynaysa fursadaha uu awoodda kula wareegi karo.
Warar dheeraad ah :
Netanyahu oo sheegay in la haysto “fursad aan hore loo arag” oo wax looga qaban karo khatarta Iran

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo madaxwayne Trump Dhammaadkii khudbad uu Arbacadii subaxdii u jeediyay taageerayaashiisa, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ay haystaan “fursad aan hore loo arag” oo ay “hal mar iyo dhammaanba ku soo afjari karaan khatarta Iran”.
Israa’iil iyo Maraykanka ayaa sannadkii 2025-kii si wadajir ah u weeraray xarumo nukliyeer oo ku yaalla Iran. Labada dal ayaa sidoo kale bishii Febraayo weerarro wadajir ah ku qaaday Iran, kuwaas oo horseeday inuu qarxo dagaalka hadda socda.
Sida ay qabaan falanqeeyayaasha, guul uu gaaro isbahaysiga uu hoggaamiyo Netanyahu ama kan uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot uma badna inay wax ka beddesho mowqifka Israa’iil ee dagaalka ay kula jirto Iran.
Warar dheeraad ah :
Sida miisaan qaadistu u caawiso caafimaadka jirkaaga marka da'daadu sii weynaato
xog kooban oo ku saabsan doorashada Israa’iil
Doorashadii Talaadadii ka dhacday Israa’iil, oo ay ka qaybqaateen 77% dadka xaqa u lahaa codbixinta, ay hadda mareyso marxaladda tirinta codadka iyo go’aaminta natiijada.
Waa kuwan qodobada ilaa hadda laga og yahay natiijada doorashada:
- Weli lama oga cidda ku guulaysan doonta doorashada Israa’iil, maadaama tartanku aad isugu dhow yahay, isla markaana aan la saadaalin karin natiijada kama dambaysta ah.
Natiijooyiinka hordhaca ah oo la cusboonaysiiyay kaddib markii codbixintu dhammaatay ayaa muujiyay in garabka midig ee Benjamin Netanyahu iyo isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot ay min 51 kursi heli karaan. Waxaa loo baahan yahay ugu yaraan 61 kursi si loo dhiso dowlad aqlabiyad leh.
- xogta saddexaad ee la cusboonaysiiyay ayaa muujiyay in isbahaysiga Netanyahu uu hoggaaminayo, balse farqigu uu aad u yar yahay.
- Sahannada qaarkood ee doorashada kaddib la sameeyay ayaa tilmaamaya in xisbiyada Carabtu ay gaari karaan natiijadoodii ugu fiicnayd abid, iyagoo ku guulaysan kara ugu yaraan 17 kursi.
- Netanyahu ayaa sheegay inuu sugayo “natiijooyinka dhabta ah”, wuxuuna ballanqaaday inuu soo dhisi doono dowlad qaran oo xooggan, kana tirsan garabka midig.
- Eisenkot ayaa xarunta xisbigiisa ku soo dhaweeyay natiijooyinka hordhaca ah, isaga oo taageerayaashiisa u sheegay: “Waxaan sameynay taariikh.”
- Tirinta rasmiga ah ee codadka ayaa weli socota. Ilaa 4-tii aroornimo, waqtiga Israa’iil, oo u dhiganta, waxaa la tiriyay ku dhowaad 25% codadka.
- Kormeerayaal ayaa hore u sheegay in doorashadu u ahayd Netanyahu “habeen aad iyo aad ugu xumaa”.
Iyadoo la tiriyay 25% codadka, xisbiga Likud ayaa hoggaaminaya.

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Benjamin Netanyahu Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa sheegay in la tiriyay in ka badan 1.6 milyan oo cod oo laga dhiibtay doorashada baarlamaanka dalkaas.
Sida ku cad xogtii rasmiga ahayd ee la cusboonaysiiyay 4:47 aroornimo, waqtiga maxalliga ah, xisbiga Likud ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa weli hoggaaminaya, isagoo helay 24.22% codadka la tiriyay, halka xogtii hore ay muujinaysay 36.23%.
Xisbiga Yashar ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot ayaa kaalinta labaad ku jira, isagoo helay 41.15% codadka, marka loo eego 74.15% uu ku lahaa xogtii hore.
Liiska Wadajirka ah, oo ay ku mideysan yihiin Carab iyo Yuhuud, ayaa kaalinta saddexaad u soo kacay, isagoo helay 28.8% codadka. Wuxuu wax yar ka horreeyaa xisbiga Yisrael Beitenu ee uu hoggaamiyo Naftali Bennett, kaas oo helay 22.8%.
Warar dheeraad ah :
Waa kuma Gadi Eisenkot, janaraalka hawlgabka ah ee hurdada u diiday Netanyahu?
Doorashada Israa’iil: Netanyahu oo wajahaya Eisenkot, iyadoo aan weli la saadaalin karin cidda guulaysan doonta
Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa ku qiyaasay in boqolkiiba 77 ay ahayd tirada dadka codkooda dhiibtay doorashadii Talaadadii, iyadoo guddigu bilaabay inuu si tartiib-tartiib ah u shaaciyo natiijooyinka codadka la tiriyay.
Ra'yi uruurin laga qaaday codbixiyeyaasha marka ay goobaha codbixinta ka baxayaan ayaa muujinaya in isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot uu hoggaaminayo tartanka, kana horreeyo isbahaysiga Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.
Hase yeeshee, xisbiga ugu weyn mucaaradka ayaan u muuqan inuu heli doono kuraas ku filan oo uu keligiis ku dhiso dowlad, haddii uusan isbahaysi la samaysan xisbiyo kale.
Waa doorashooyinkii ugu horreeyay ee Israa’iil tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar, waxaana si weyn u saameeyay dagaalka Qasa iyo iska horimaadka militari ee Iran.
Xuutiyiinta oo bartilmaameedsaday xarumo Sacuudiga ah oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Difaaca iyo warshad sifeysa shidaalka

Xigashada Sawirka, Reuters
Kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee dalka Yemen ayaa ku dhawaaqday inay bartilmaameedsadeen Wasaaradda Difaaca Sacuudiga oo ku taal caasimadda Riyaad.
Afhayeenka kooxda, Yahya Saree, ayaa sheegay in weerarka loo adeegsaday gantaal baalistik ah, isla markaana uu si toos ah u haleelay bartilmaameedka.
Hase yeeshee, mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa horraantii maalintii Talaadada ku dhawaaqay in difaaca boqortooyadu uu qabtay, isla markaana burburiyay, laba gantaal oo nooca ridada dheer ah (ballistic missiles) ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedyadooda.
Wakaaladda Wararka ee rasmiga ah ee Sacuudiga ayaa xigatay Difaaca Madaniga ah ee Boqortooyada aya oo leh "qashin ka dhashay qabashada laba gantaal oo ballistic ah oo ay soo rideen Xuutiyiinta ayaa sababay burbur hantiyeed oo ka dhacay caasimadda Riyadh."
Ka dib duhurnimadii Talaadada, mas'uuliyiinta difaaca madaniga ah ayaa soo saaray digniin ku saabsan weerar cirka ah oo ka dhacay caasimadda Sacuudiga, weriye ka tirsan AFP oo ku sugan Riyaad ayaa soo sheegay in qaraxyo la maqlay.
Mar sii danbeeysay, Xuutiyiintu waxay ku dhawaaqeen inay diyaarad aan duuliye lahayn ku weerareen garoonka diyaaradaha ee Abha, oo ku yaalla koonfur-galbeed ee Sacuudi Carabiya.
Kooxda ay Iiraan taageerto ayaa horay u shaacisay maalintii Talaadada inay bartilmaameedsatay laba diyaaradood oo ciidan oo loogu talagalay gaadiidka, kuwaas oo ku sugnaa koonfurta Sacuudi Carabiya: "midda koowaad oo ku jirtay garoonka diyaaradaha ee Najran iyo tan labaadna oo ku jirtay Saldhigga Cirka ee Boqor Khaalid ee ku yaalla Khamis Mushait."
Markaasi ka hor, kooxda Xuutiyiinta ayaa sidoo kale shaacisay inay bartilmaameedsadeen xarunta sifeynta shidaalka ee Ras Tanura oo ku taal bariga Sacuudiga, iyagoo adeegsanaya "gantaal ballistic ah, kaas oo sababay in goobta uu dab ka kaco," sida uu sheegay afhayeenka kooxda.
Soomaaliya oo "markii ugu horreysay" laga sameeyay qalliinka maqal-beerista
Askar ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo muddo ku xirnaa dawlad deegaanka Soomaalida oo dalka dib ugusoo laabtay

Xigashada Sawirka, WASAARADDA GAASHAANDHIGGA
In ka badan labo boqol oo askari oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo muddo ka badan bil ku xirnaa dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dib ugu laabtay, deegaannadii markii horeba laga qoray ee gobolka Bakool ee Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya.
Ciidamadan oo fasax ugu socday gobolka Bakool, kana soo laabtay tababbar ugu soo dhammaaday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sii maray gudaha dawlad deegaanka, kadibna halkaas ayaa laga qabtay, waxana loo gudbiyay magaalada Jigjiga, iyadoo markii dambena lagu xiray magaalada Diridhabe.
Ciidamadaasi waxaa lagu soo waramayaa in lagu soo dhaweeyay shalay galinkii dambe degmada Ceel Barde ee gobolka Bakool sida uu sheegay uu BBCda u sheegay gudoomiyaha degmadaasi Cabdiraxmaan Kheyre .
Warar dheeraad ah :
