Wariyihii ugu waqtiga dheeraa BBCSomali ayaa Hargeysa ku geeriyooday

Xigashada Sawirka, Farhan Jimale
Alle ha u naxariisto waxaa caawa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Cabdirizaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ahaa wariyihii ugu waqtiga dheer ee ka soo shaqeeya BBC laanta Afka Soomaaliga.
Cabdirizaaq wuxuu ahaa nin fururan oo kaftan badan weligiina cid kama caban. Wuxuu ahaa waayo arag muddo dheer soo shaqeeyay.
1947 ayuu waxbarashada ilaa dugsiga sare ku dhamaystay magaalada Hargeysa. Bishii September 1969 ayuu waxbarasho jaamacadeed ku u yimid magaalada london, isagoo ku qalinjebiyay cilmiga Chemistry.
Cabdirisaaq waxa uu shaqo ka bilaabay laanta Soomaaliga kaddibna waxa uu noqday shaqaalaha rasmiga.
Cabdirsaaq aabihiis waxa uu ahaa nin diinta magac ku leh oo si weyn looga yaqaan magaalada Sheekh.




