Putin oo Reer Galbeedka digniin u diray

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Kooban

Tebin toos ah

  1. Kooxda Dawladda Hoose ee Mogadishu City Club ayaa gaartay ciyaarta kama damadbeysta ee koobka Janaraal Daa’uud

    Taageerayaal badan oo xaadiray ciyaarta galabta ee Muqdisho Istaadyam
    Qoraalka sawirka, Taageerayaal badan oo xaadiray ciyaarta galabta ee Muqdisho Istaadyam

    Ciyaar xiiso badan ayaa galabta garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Istaadyam ku dhexmartay Kooxda Milatariga ee Horseed iyo kooxda Dawladda Hoose ee Mogadishu City Club, waxayna ahayd afar dhammaadka tartanka caanka ah ee Janaraal Daa’uud.

    Labada kooxood oo kamid ah kuwa loogu jecel yahay kooxaha heerka koowaad ee Soomaaliya ayaa waxa dhexmartay ciyaar adag oo qaybtii hore ku dhammaatay gool iyo eber ay ku hoggaaminaysay kooxda Dawladda Hoose ee Mogadishu City Club.

    Qaybtii labaad wax gool ah la iskama dhalin, waxayna ciyaartu ku dhammaatay gool iyo waxba ay ku badisay kooxda Dawladda Hoose ee Mogadishu City Club oo u gudubtay ciyaarta kama dambeysta ah ee koobka Janaraal Daa’uud.

    Kooxda Dawladda Hoose ayaa ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka la ciyaari doonta Kooxda Dekaddaha oo iyana shalay 3-0 uga soo badisay kooxda Elman.

    Koobka Janaraal Daa’uud oo sanad kasta la ciyaaro ayaa kamid ah tartamada ugu facaweyn ee laga ciyaaro Soomaaliya.

  2. Barlamaanka Soomaaliya oo beri uu codeyn doona Xeerka Doorashooyinka Qaranka

    Guddoonka Barlamaanka Soomaaliya oo guddoominaya shir wadajira
    Qoraalka sawirka, Guddoonka Barlamaanka Soomaaliya oo guddoominaya shir wadajira

    Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in Barlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal oo wadajira ay u codeeyaan Xeerka Doorashooyinka Qaranka kaasoo laga dooddayay maalmihii la soo dhaafay.

    Akhrinta sedexaad ayaa la marsiin doonaa xeerkan berito, deetana waa loo codeyn doonaa, waxayna dad badan filayaan in Barlamaanku meel mariyo xeerkan si lamida sidii ay u anxiyeen xeerarkii kale ee khuseeyay arimaha doorashooyinka.

    Barlamaanka ayaa Isniintii la soo dhaafay cod aqlabiyad ah ku meel mariyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada.

    Lix iyo toban kii Noofeembar waxa uu Barlamaanku ansixiyay Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soodimaha.

    Xeerarka qaarkood la ansixiyay kuwa kalena loo balan sanyahay in la meel mariyo ayay dawladdu ku sheegtay in ay u gogol xaarayaan in dalka laga hirgaliyo nidaamka xisbiyada badan, isla markaana la qabto doorasho toos ah oo dadweynuhu ku soo dooranayaan madaxdooda.

    Siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa ka biyo diiday hannaanka loo maray ansxinta shuruucdan, waxayna sheegeen in arintan ay dalka u horseedi doonto kala qaybsanaan baahsan.

  3. Kulan ku dhexmaray Ankara Madaxweyne Kuxigeenka Turkiga iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

    Madaxweyne Kuxigeenka Turkiga oo la kulmay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya
    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Kuxigeenka Turkiga oo la kulmay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya

    Madaxweyne Kuxigeenka wadanka Turkiga Cevdet Yılmaz ayaa kulan la qaatay wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur, waxana laga wadahadlay arimo ay kamid yihiin taageerrada Turkiga ee dhinacyada nabadda iyo ammaanka ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Bariga Afrika.

    Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahad celiyay Turkiga kaalinta ay ku leeyihiin taageerada amniga ee Soomaaliya.

    “Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa madaxweyne ku xigeenka dalka aan walaallaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Cevdet Yılmaz, soo dhawayntii wanaagsanayd ee uu noo sameeyey. Intii uu kulanku socday waxaan uga mahadceliyey Jamhuuriyadda Turkiga taageerada qiimaha leh ee ay siiyeen nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Bariga Afrika”.

    Wasiirka Gaashaandhigu waxa kale oo uu sheegay in laga wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada wadan, gaar ahaan dhinaca ammaanka.

    “Waxaan sii wadi doonnaa in aan si go’aan leh u sii horumarinno xiriirka xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga dhinac kasta iyo sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee naga dhexeeya” ayuu yiri Wasiir Cabdiqaadir.

  4. Tacshiirad culus oo laga maqlay caasimadda Suudaanta Koonfureed ee Juba

    Dad doonaya in ay waddada gooyaan kaddib habeen rasaas culus laga maqlay caasimadda Juba
    Qoraalka sawirka, Dad doonaya in ay waddada gooyaan kaddib habeen rasaas culus laga maqlay caasimadda Juba

    Hub culus ayaa laga maqlay caasimadda Suudaanta Koonfureed habeenimadii Khamiista, kaddib markii ciidamada amaanku damceen in ay soo xiraan madaxii hore ee sirdoonka dalkaasi, sida ay ku soo warameen weriyayaasha wakaallada warrarka ee Reuters.

    Rasaasta ayaa bilaabatay abaare todobbadii fiidnimo, waxayna socotay muddo saacad ah sida ay weriyayaashu u sheegeen Reuters.

    Digniin loo diray shaqaallaha Qaramada Midoobay ee ku sugan caasimadda Juba oo ay Reuters aragtay ayaa lagu sheegay in is rasaasaynta laga maqlay magaalada ay la xiriirtay so xiridda madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Suudaanta Koonfureed ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (NSS). Shaqaallaha ayaa loogu baaqay in ay gabaad raadsadaan xiligaas.

    Horaantii Oktoobar, Madaxweyne Salfa Kiir ayaa shaqada ka cayriyay Akol Koor kuc oo ahaa madaxa mukhaabaraadka wadankaasi tan iyo markii ay xoriyadda ka qaateen dalka Suudaan 2011, waxana lagu badal nin ay aad isugu dhaw yihiin Madaxweynaha.

    Afhayeenka milatariga wadankaasi Janaraal Lul Ruai Koang ayaa sheegay in aan la soo xiri Akol Koor Kuc oo uu gurigiisa joogay inta ay is rasaasayntu socotay.

    Koang ayaa sheegay in maanta oo Jimce ah uu la hadli doono weriyayaasha kaddib marka uu dhammaado kulan uu la leeyahay madaxda kale ee hay’addaha ammaanka.

  5. Gobol Mareykanka ku yaalla oo ku yaboohay dhul baaxad weyn oo lagu hayn doono dadka la musaafurinayo

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Maamulka Texas ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay madaxweynaha la doortay ee Donald Trump siiyaan 1,400 acre oo dhul ah oo ku teedsan xudduudda Mareykanka iyo Mexico si looga dhiso goobo lagu hayo muhaajiriinta aan sharciga haysan.

    Warqad, Xafiiska Guud ee Dhulka Texas uu soo saaray ayaa lagu sheegay in qorshahan loo isticmaali karo masaafurinta ugu weyn ee dambiilayaasha rabshadaha wata iyo dadka sida sharc darrada ah ku jooga dalkaas".

    Dhulkaan ayaa u baahan in loo diyaariyo ku haynta dadka la doonayo in laga saaro Mareykanka sida uu horeyba u shaaciyay madaxweyne Trump

    Trump ayaa marar badan ballan qaaday inuu masaafurin doono malaayiin muhaajiriin ah oo aan sharciyeysneyn uuna abaabuli doono Ilaalada Qaranka si ay gacan uga geystaan fulinta arrintan.

  6. Waa kuwee dalalka ilaa haatan Soomaaliya ka cafiyay lacagaha deynta?

    Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay ku guuleysatay dedaallada looga cafinayo deymaha lagu leeyahay.

    Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, oo la hadlay BBC Focus on Africa, ayaa wax laga weydiiyay lacagaha deynta ee ilaa haatan laga cafiyay Soomaaliya iyo dalalka ka cafiyayba.

    Waxaa uu sheegay in lacagta deynta ee Soomaalia laga cafiyay ay gaareyso ku dhowaad 4.5 bilyan oo doolar.

    Waxaa uu sheegay in hannaanka deyn cafinta Soomaaliya ay iska kaashadeen dhinacyo kala duwan oo ay kamid tahay Hay’adda Lacagta Dunida ee IMF iyo Bangiga Adduunka, kuwaas oo door weyn ka qaatay deynta laga cafiyay Soomaaliya.

    Mareykanka ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya ka cafiyay deynta, kaas o Soomaaliyay ka cafiyay lacag ka badan 1.14 bilyan oo doolar.

    Ruushka ayaa sidoo kale Soomaaliya ka cafiyay ku dhowaad 700 oo milyan oo doolar.

    Fransiiska, Talyaaniga, Ingiriiska, Jarmalka, Spain, Holland, Norway, Denmark, Sweden, ayaa sidoo kale kamid ah dalalka deymaha ka cafiyay Soomaaliya.

  7. Muxuu Mareykanka iyo dalalka Yurub ka yiraahdeen amarka lagu soo xirayo Netanyahu?

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Mareykanka iyo qaar kamid ah dalalka Yurub ayaa ka falceliyay amarka ka soo baxay, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ee lagu soo xirayo, raysal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, kaas oo loo heysto eedeymo la xirriira dembiyo dagaal oo uu ka geystay Qasa.

    Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa go'aanka maxkamadda ku tilmaamay wax aan macquul gal ahayn, isago sheegay in Israa'iil, oo ah xulafada Mareykanka lala barbar dhigay Xamaas.

    Balse mas'uuliyiinta ka tirsan Midowga Yurub, Ingiriiska, Fransiiska, Talyaaniga iyo Holland, ayaa dhamaantood soo saaray bayaan ay ku taageerayaan go'aanka ka soo baxay maxkamadda ICC.

    Maadaama ay saxiixeen xubinnimada maxkamadda, waxay haatan awood u leeyihiin inay xiraan Benjamin Netanyahu, hadii uu booqdo dalalkooda.

    Maxkamadda ICC oo fadhigeedu yahay dalka Holland, ayaa sidoo kale soo saartay amar lagu soo xirayo, wasiirkii hore ee gaashaandhigga Israa'iil, Yoav Gallant, iyo taliyaha militariga Xamas, Maxamed Al-Dheyf, inkastoo Israa'iil ay sheegtay in Maxamed lagu dilay, duqeyn bishii July ka dhacday magaalada Qasa.

    Saddexda nin ayaa loo heystaa dambiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah aadanaha intii uu socday dagaalka Israa'iil iyo Xamaas.

    Israa'iil iyo Xamaas ayaa labaduba iska fogeeyay eedahan, ha yeeshee Xamaas ayaa dhankeeda soo dhaweysay waaranka Netanyahu iyo Gallant, iyagoo sheegay in ay ka dhigan tahay taariikh muhiim ah.

    Netanyahu ayaa cambaareeyay amarka lagu soo xirayo, isagoo maxkamadda ku tilmaamay "cadow bini'aadanimo".

  8. Dad shiico u badan oo lagu laayay dalka Pakistan

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Ku dhowaad 41 qof, oo ay ku jiraan carruur iyo haween ayaa la dilay kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen 200 oo qof, kaas oo marayay meel ka baxsan magaalooyinka dalka Pakistan.

    Gawaarida ayaa la weeraray xilli ay isaga kala gooshayeen degmada ay ka dhacaan dagaallada qabaa’ilka ee Kurram ee dalka Pakistan, oo u dhow xadka Afghanistan, sida uu sheegay ku xigeenka taliyaha booliiska.

    Ragga hubeysan ayaa markii hore beegsaday kolonyada ay booliisku galbinayeen. Booliiska ayaa difaacayay kolonyada kadib bilooyin ay dagaallo ka socdeen degmada ayna dad badan ku dhinteen.

    Booliiska ayaa BBC-da u sheegay in ilaa 41 qof lagu dilay weerarkan iyado 16 kalena uu dhaawac halis ah soo gaaray.

    Nadeem Aslam Chaudhry, oo ah madaxa gobolka Khyber Pakhtunkhwa ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in weerarka uu ahaa mid weyn isla markaana laga yaabo I tirade dhimashada ay intaa ka badato.

    Rakaabka qaar oo iyaga iyo carruurtooda kuraasta gawaarida hoos galay ayaa BBC-da u sheegay inay ka baqayeen in la dilo.

    Faahfaahinta sida ay wax u dhaceen ayaa weli isa soo tareysa, balse Javed Mullah Mehsud, oo ka tirsan maamulka degmada ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ilaa 10 weeraryahan ay ku lug lahaayeen weerarkan.

    Inta badan rakaabka ku safrayay deegaanka buuralleyda ah ayaa ahaa Shiico.

    Qabaa’illada kala taabacsan Sunniga iyo shiicada ayaa sanadkan dhexdiisa ay isku dhacyo badan dhex mareen. Colaad hore oo ka dhex taagneyd ayaa waxaa soo afjaray guddi qabaa’il oo ku baaqya xabbad-joojin.

    Haddana bishii lasoo dhaacay ayaa weerar kale lala beegsaday gawaari marayay deegaan gobolka ka tirsan waxaana ku dhintay 15 qof.

    Si kastaba Kurram oo ku taalla waqooyi-galbeed Pakistan, ayaa waxay xad la leedahay gobollo badan oo Afghanistan ka tirsan kuwaas oo hoy u ah kooxaha kasoo horjeeda shiicada, oo ay ku jiraan kooxda isku magacowday dowladda islaamka iyo Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP).

  9. Putin oo u digay reer galbeedka

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in weerar ay ciidamadiisu ku qaadeen bariga Ukraine ee magaalada Dnipro subaxnimadii Khamiista, uu ahaa mid loo adeegsaday "gantaal cusub oo ah kuwa riddada dhexe".

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa isna dhankiisa sheegay, in adeegsiga Ruushka ee gantaalkan cusub uu ahaa mid xaaladda dagaal uga sii daraysa.

    Khamiistii shalay ahayd, Ukraine ayaa markii ugu horeysay gantaalada riddada dheer ee Storm Shadow ee UK ku riday bartilmaameedyo ku yaala gudaha Ruushka.

    Putin ayaa sheegay in gantaalka nooca Oreshnik, inuu jawaab u ahaa adeegsiga Ukraine ee gantaallada riddada dheer ee Mareykanka iyo Ingiriiska oo lala bartilmaameedsaday gudaha qeybo kamid ah dalka Ruushka.

    Putin ayaa intaa ku daray, in Ruushku uu weerari karo xarumaha militariga ee dalalkaas ee Ukraine u ogolaaday in hubkooda qaabkaas u adeegsadaan.

    Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Ukraine u fasaxay inay adeegsato gantaallada nooca riddada dheer ee ATACMS iyo gantaalada riddada dheer ee Storm Shadow ee UK.

    Dalka ay dagaalladu aafeeyeen ayaa hore loogu xaddiday in uu gudaha Ruushka u isticmaalo gantaallada riddada dheer.

    Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa marar badan ugu baaqay xulafada reer galbeedka ee Kyiv inay ogolaadaan adeegsiga gantaalada riddada dheer ee lagu bartilmaameedsanayo gudaha Ruushka, isagoo sheegay inay tahay habka kaliya ee lagu soo afjari karo dagaalka.