Trump ma taageeri doonaa J.D. Vance si uu ugu tartamo madaxtinnimada Mareykanka sannadka 2028?

Xigashada Sawirka, Joe Raedle/Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in ay xilli hore tahay in laga hadlo qofka beddeli doona marka uu dhammaado muddo xileedkiisa madaxtinnimo.
Trump ayaa hadalkan sheegay isaga oo su’aalo uga jawaabayay wariyeyaasha gudaha Xafiiska Oval-ka ee Aqalka Cad. Waxaa la weydiiyay inuu taageeri doono madaxweyne ku-xigeenkiisa, J.D. Vance, haddii uu u tartamo xilka madaxweynaha doorashada 2028-ka.
Waxa xusid mudan in Vance uu taagnaa dhabarka Trump markii su’aashan la weydiiyay.
Trump ayaa ammaanay Vance, isaga oo ku tilmaamay qof “aad u karti badan” iyo “qof aad u wanaagsan”. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in aanay ahayn waqtigii ku habboonaa in laga hadlo arrimaha siyaasadeed ee mustaqbalka.
“Weli waa xilli hore. Waa inaan marka hore ka gudubnaa doorashooyinka dhexe ee Mareykanka. Intaas kaddib, waxaan arki doonnaa sida xaaladdu tahay,” ayuu yiri Trump.
Waxaa xusid mudan in J.D. Vance uu wareysi uu siiyay wariye Mark Halperin ku sheegay inuusan weli go’aan ka gaarin inuu u tartami doono doorashada madaxtinnimada.
Si kastaba ha ahaatee, Vance ayaa muujiyay rajada ah in Trump uu taageeri doono haddii uu go’aansado inuu doorashada galo.


