Hoggaamiyaha fallaagada la wareegtay Suuriya oo ballan qaaday in lala xisaabtami doono saraakiishii taliska Asad

ku soo dhawaada tebinteenna tooska ah

Kooban

Tebin toos ah

  1. Dowladaha Carabta oo cambaareeyay duqeymaha Israa’iil ay ka wado gudaha Suuriya

    Arab league

    Qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa soo saaray bayaan rasmi ah oo ay ku diidan yihiin qabsashada la sheegay in Israa’iil ay ku qabsatay aagga difaaca ee Suuriya ee buuraleyda Golan ee la haysto.

    Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Masar, Qatar iyo Sacuudiga ayaa sheegay in tallaabada Israa’iil ay xad gudub ku tahay madaxbannaanida Suuriya, sharciga caalamiga ah, iyo heshiiskii calaamdeynta ee la saxiixay 1974-kii – kaas oo Israa’iil ay sheegtay in uu burburay.

    Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay Talaadadii sheegay inay u arkaan wax aan la aqbali karin in Israa'iil ay "ka faa'iidaysato" xaaladda hadda ka jirta Suuriya.

    Arrintan ayaa timid ka dib markii ilo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters oo sheegtay in ciidamada Israa’iil ay ku sii siqayaan magaalada Dimishiq.

    Iyadoo sarkaal ka tirsan milatariga Israa'iil uu markii hore beeniyay sheegashadaas, haddana ciidamada difaaca Israa'iil waxay markii dambe qirteen in ciidamadoodu ay ka howlgali karaan meelo ka baxsan aagga gmilateriga ka caagan ee Golan Heights.

    IDF waxay si adag u beenisay inay ku soo wajahan tahay caasimadda Suuriya, waxayna taasi ku tilmaantay "war been abuur ah".

    Ka dib markii la riday nidaamka Bashaar Al-asad, Israa'iil waxay u dhaqaaqday aagga difaaca, iyadoo Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu sheegay in 1974-kii heshiiskii xadeynta Suuriya uu "burburay" maadaama fallaagdu la wareegeen dalka.

  2. In Ka badan 100 rayid ah oo duqeyn lagu dilay dalka Sudan

    Sudan

    Milatariga Suudaan ayaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen weerar xagga cirka ah oo lagu qaaday suuq ku yaalla gobolka Darfur oo ay ku dhinteen in ka badan boqol qof.

    Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa ciidamada ku eedeeyay weerraro aan loo meel dayin, xilli ay sii xoojiyeen duqeymaha ay ka geysanayaan gobollada ay maamulaan maleeshiyaad ka tirsan Ciidamada Taageerada Degdega ah ee RSF.

    Duqeyn ayaa maalintii Axadda lala beegsaday kaalin shidaal oo ku yaal caasimadda Khartoum. Ciidamada Suudaan ayaa beeniyay inay si ula kac ah u weerareen dad rayid ah.

    In ka badan siddeed iyo toban bilood oo dagaal sokeeye ah ayaa waxa uu sababay dhibaata bini'aadannimo tii ugu weyneyd dunida, in ka badan kow iyo toban milyan oo qof ayaa xoog looga saaray guryahoodii.

  3. Qaramada Midoobay oo ugu baaqday Israel in ay joojiso duqeymaha ay ka wado Suuriya

    Syria

    Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la joojiyo duqeymaha ay Israa’iil ka geysanayso guud ahaan dalka Suuriya. Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Geir Pedersen, ayaa saxaafadda u sheegay in loo baahan yahay in weerarrada la joojiyo.

    Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, Israa’iil waxay qaaday boqolaal weerar oo xagga cirka ah. Waxa ay sheegtay in ay isku dayayso in ay joojiso hubka galaya gacanta kuwa ay ku tilmaantay "xagjiriinta".

    Warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil ayaa sheegaya in isku daygaas militariga ay ku doonayaan in lagu baabi’iyo ciidamada cirka ee Suuriya, iyo sidoo kale nidaamka difaaca hawada.

    Axaddii, ciidamada Israel ayaa la wareegay gacan ku haynta aagga ka caagan ciidamda ee u dhexeeya labada dal. (Militarigu waxa ay meesha ka saareen wararka sheegaya in ay aad ugusii durkayaan, ilaa magaalo qiyaastii shan iyo labaatan kiilomitir u jirta Dimishiq.)

  4. Guddoomiye cusub oo loo magacaabay gobolka Banaadir

    Maxamed Axmed Amiir.
    Qoraalka sawirka, Maxamed Axmed Amiir.

    Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa goordhow xilkii looga qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahaana Duqii magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaana la magacaabay mas’uul cusub.

    Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Maxamed Axmed Amiir.

    Duqa cusun ayaa ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta, sida lagu sheegay warbixinta dowladda.

    “Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024.”

  5. Qaxootiga Suuriyaanka ah oo ka niyad jabsan in UK hakiso go'aamada magangalya doonka

    UK

    BBCda ayaa la hadashay Jad Baghdadi, oo 26 jir ah, oo ah qaxooti Suuriyaan ah oo ku sugan UK, isla markaana u sharaxan in uu diyaariyo PhD Jaamacadda Oxford, kaas oo ku tilmaamay joojinta UK ee go'aannada magangalyada inay tahay "wax laga xumaado".

    Baghdadi waxa uu yiri: "Xukuumadda [UK] lama macaamilin bulshada rayidka ah ama dawladda cusub ee [Suuriya] ee dhulka si ay u ogaato in ay jirto waddo ay Suuriyaanku dib ugu noqon karaan Suuriya, haddaba sidee ayay go'aannadan oo kale u qaadan kartaa?"

    Baghdadi waxa uu sheegay in uu garanayo Suuriyaan sugayo natiijada codsigooda magangelyo ee UK oo ay cabsiyi soo wajahday.

    Isagoo ka falcelinaya dhicitaankii Assad ee Suuriya, Baghdadi wuxuu ku tilmaamay horumarku inuu yahay "mid dhab ah", taas oo keentay rajo iyo walaac isku dhafan.

    "Taxadar ayaan ka muujineynaa waxa iman doona laakiin weli aad ayaan ugu faraxsanahay xilligan taariikhiga ah," ayuu yiri.

  6. Qaramada Midoobay oo sheegtay in 16 milyan oo ku sugan Suuriya ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah

    Syria

    Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Suuriya ayaa sheegay in 16 milyan oo qof oo dalkaasi ku nool ay si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar bini’aadannimo.

    Gonzalo Vargas Llosa ayaa u sheegay barnaamijka Newsday's World Service ee BBC in 800,000 oo Suuriyaan ah ay ku barakaceen dagaalladii ugu dambeeyay ee gobolka.

    Intaa ka hor, toddobo milyan oo Suuriyaan ah ayaa ku barakacay gudaha dalka, in ka badan shan milyanna ayaa u qaxay dalalka deriska ah iyo kuwa kale.

    "Waxaa jirta xaalad baahi bini'aadantinimo oo aad u weyn, iyo barakac xoog leh," ayuu yiri.

    Llosa waxa uu xusay in hawlihii bini'aadannimo ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ee meelaha ay dhibaatadu saameysey sida Homs, Hama, iyo Dimishiq ay si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabanayaan.

    "Goob kasta oo nabad noqota waxaan isla markiiba ula dhaqaaqnaa shaqaalaheena si aan isugu dayno inaan buuxinno booskaas bani'aadamnimo," ayuu raaciyay.

  7. Maxbuuskii ugu da'da yaraa ee Xabsiga Saydnaya

    Xabsiga Sednaya
    Qoraalka sawirka, Xabsiga Sednaya

    Wixii ugu naxdin badnaa markii maxaabista la sii deynayay ayaa aheyd muuqaalka cunug aan ka weyneyn 3 sano oo ka soo baxayay mid ka mid ah qololkii la furay oo la yaaban waxa dhacaya iyadoo nin huneysan uu weydiinayo "Yaa dhalay cunugan?". Waxaa soo baxday hooyo u muuqatay in ay dhashay taas oo qabatay gacmahiisa.

    Dadka adeegsada barta X ayaa ku tilmaamay in uu yahay taariikhda maxbuuskii ugu da'ada yaraa, waxayna taasi ka dhacday xabsiga Sednaya ee taliska Assad.

    Ilaalada xabsiga ayaa dadka jirdil ku sameyn jiray, waxayna sidoo kale adeegsan jireen dhammaan siyaasadaha loogu diidayo maxaabiista xuquuq kasta oo ay leeyihiin.

    Xabsiga waxa uu ka kooban yahay labo dhismo. Dhismihii hore oo ah kan cas oo loogu talogalay maxaabiista siyaasadda iyo ammaanka u xiran ee ka horjeestay taliska iyo dhismaha cusub ee loo yaqaan kan cad oo loogu talogalay dambiilayaasha militeriga dambiga ka galay iyo kuwa loo haysto musuqmaasuqa.

    Dhismaha cad kuwa ku jiray dhammaantood waxay ahaayeen kuwa raacsan taliska oo loo soo xiray xatooyo iyo dil.

  8. Halkaan ka eeg natiijada doorashada dalka Ghana

    doorashada madaxtinimada Ghana
    Qoraalka sawirka, doorashada madaxtinimada Ghana
  9. Dowladda Iran oo ka hadashay xaaladda Suuriya iyo ciidamo Suuriyiin ah oo gudaha u galay dalkaas

    Iran
    Qoraalka sawirka, Iran

    Fatemeh Mohajerani, oo ah afhayeen u hadashay dowladda Iran, ayaa tiri, "Ciidanka Suuriya si uun umaanna awoodin ama maanna rabin in aan ka hortagno soo gelitaankooda askarta qaar, waxaana goobjoog arrintaan sababay isbeddelka nidaamka Suuriya,".

    “Waan ixtiraameynaa madaxbanaanida dhuleed iyo madaxbanaanida qaranka Suuriya waxaana u rajeyneynaa shacabka Suuriya wanaag iyo, in masiirka Suuriya ay go’aan ka gaaraan dadka wadanka iska leh” ayay tiri Fatemeh Mohajerani,

    Sida ay sheegtay Ms. Mohajerani, Iran waxa ay "si taxadar leh ula socotaa" xaaladaha Suuriya.

  10. Raysal Wasaaraha Israa'iil oo maxkamad la soo taagayo maanta iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    Benjamin Netanyahu ayaa beeniyay eedeymaha.
    Qoraalka sawirka, Benjamin Netanyahu ayaa beeniyay eedeymaha.

    Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu wadaa in maanta maxkamad uu tago isla markaana uu caddeeyo eedeymo musuqmaasuq oo loo haysto in ay jiraan iyo in kale.

    Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay inuu u sameeyay tanaasulaad sharci milkiilayaasha warbaahin si ay xoogga u saaraan wararka wanaagsan ugana weecdaan wararka xanafta leh, iyo inuu aqbalay hadiyado qaali ah.Waxyaabaha kale ee lagu eedeynayo waxaa ka mid ah inuu horumarin ku sameeyay dano shaqsiyadeed.

    Benjamin Netanyahu ayaa beeniyay eedeymaha.

    Waxa uu noqonayaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Israa’iil oo isaga xil haya muujiya inuu iska difaacayo eedo loo haysto.Netanyahu ayaa marar badan isku dayay in uu dib u dhigo maxkamadayntiisa sababo la xiriira dagaalka Qasa iyo arrimo amni, balse todobaadkii hore ayay garsoorayaashu amar ku bixiyeen in dacwadda la sii wado.

    Dhawaan ayay ahayd markii garsoorayaasha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka adduunka ee ICC, ay soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu. Waxaa lagu eedeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo uu Qasa ka gaystay.

  11. Fannaanka Jay-Z oo oo dacwad la mid ah tan Diddy loo heysto

    Diddy

    Fannaanka reer Mareykan ee Jay-Z ayaa iska diiday dacwad sheegeysa in isaga iyo Sean "Diddy" Combs, ay gabar 13 jir ah dhulka ku jiideen ayna kufsadeen mar ay xaflad ku sugneyd sanadkii 2000.

    Gabadha dacwadda kusoo oogtay oo magaceeda qarisay ayaa sheegtay in loogu xadgudbay xaflad guri lagu dhigayay kadib Abaal-marinnadii MTV Video Music Awards (VMAs) ee ka dhacday magaalada New York iyo in gabar caan ah oo aan magaceeda la sheegin ay xilligaas qolka ku sugneyd.

    War uu soo saaray, ayuu Jay-Z, oo magaciisa dhabta ah uu yahay Shawn Carter, ku beeniyay eedenta oo uu ku tilmaamay mid "isku day cago-jugleyn" ah.

    Mr Combs - oo ku sugan xabsi isagoo sugaya maxkamadeyn kadib markii bishii September lagu eedeeyay tacaddiyo galmo iyo dembiyo kale - ayaa beeniyay eedeyntan ugu dambeysay.

  12. Israa'iil oo duqeysay qaybo ka tirsan dalka Suuriya

    Diyaaradaha Israa'iil ayaa duqeyn la beegsaday goobo ku yaalla Suuriya
    Qoraalka sawirka, Diyaaradaha Israa'iil ayaa duqeyn la beegsaday goobo ku yaalla Suuriya

    Warbaahinta dalka Suuriya ayaa ku warramaysa in diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay tobannaan weeraro ah ka fuliyeen guud ahaan dalkaasi oo ay ku jirto caasimadda Dimishiq.

    Kooxda u dooda xuquuqul insaanka Suuriya ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in ay jiraan in ka badan 100 weerar oo lala beegsaday bartilmaameedyo militari.

    Xarun cilmi baaris oo laga shakisan yahay inay xiriir la leedahay wax soo saarka hubka kiimikada ayaa ka mid ah goobaha la weeraray, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

    Israa'iil ayaa sheegtay in ay qaadayso sidii ay u joojin lahayd hubka "gacanta u galay kooxaha xagjirka ah" ka dib markii la riday taliskii Asad.

    Isniinta shalay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay yeesheen waxa ay kaga hadleen xaaladda dalka Suuriya ka dib markii la riday Madaxweyne Bashaar Al-Asad, waxaana ay sheegeen in maalmaha soo socda ay soo saari doonaan war ku saabsan xaaladda.

  13. Hoggaamiyaha fallaagada Suuriya oo war ka soo saaray saraakiishii taliska Asad ee xabsiyada ka shaqeyn jiray

    Hoggaamiyaha ugu weyn ee Islaamiyiinta Suuriya, Abuu Maxamed Al-Jowlani
    Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha ugu weyn ee Islaamiyiinta Suuriya, Abuu Maxamed Al-Jowlani

    Hoggaamiyaha ugu weyn ee Islaamiyiinta Suuriya, Abuu Maxamed Al-Jowlani ayaa ku dhawaaqay in lala xisaabtami doono saraakiisha sar-sare ee taliskii Asad ee xukunka laga tuuray kuwaas oo ku lug lahaa jirdil iyo tacadiyo kale oo loo gaystay maxaabiista siyaasadeed.

    Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada gaar ahaan barta Telegram oo magaciisa saxda ah uu u isticmaalay oo ah Axmed al-Sharaa, ayuu hoggaamiyuhu ku sheegay ku sheegay in la daabici doono magacyada saraakiisha jirdilka geystay.

    Al-Jowlani ayaa sidoo kale sheegay in dib loo so celin doono dadka Suuriyiinta ah ee u qaxay dalalka kale.