Xisbullah oo beegsatay saldhig milatari iyo Israa'iil oo duqeysay Lubnaan

Ku soo dhowaada tebinteenna tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Maqaayad taageerta Falastiin ayaa bilowday cabitaanka Gaza-cola

    gaz

    Osama Ghasho ayaa ka bilaabay cabitaan Gaza-Cola xaafadda Holborn ee magaalada London. Ilaa iyo bishii Nofember ee 2023-kii ayuuna iibinayay cabitaankan.

    Wuxuu sheegay in ay jiraan dhowr sababood uu u sameynayo sidan balse tan ugu weyn ayuu ku sheegay in ay tahay in la diido shirkadaha ka caawiya Israel in ciidamadooda awood yeeshaan.

    Taageerayaasha Falastiin iyo kuwa dhaliila Israel ayaa bilooyin isku dayayay in ay qaadacaan cabitaanka shirkadda Coca-Cola.

    Warshadda “Tabor” oo hoostimaada shirkadda Coca-Cola ayaa ku beerta canabkeeda dhulka la haysto ee Daanta Galbeed iyo qeybo ka mid ah buuraleyda Golan Heights ee Suuriya.

    Shirkadda ayaa sidoo kale cabitaano ku sameysay dhulka la dajiyay Yahuudda Atrot ee waqooyiga Jerusalém.

    Gaza-Cola bogeeda waxaa ku qoran in dhammaan faa’idada ka soo baxda iibka cabitaanadan loogu deeqi doono gargaarka bani’aadannimo ee Gaza.

    Weerarada joogtada Israel ku hayso Gaza iyo dibadbaxyada looga horjeedo Isreal ee ka dhaca magaalooyin badan oo Yurub ku yaal waxay ololaha qaadacaadda cabitaankaas la xiriiriyeen Israel.

  2. Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa xukun militeri ku soo rogay dalka

    Kuuriya

    Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk Yeol, ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay xukun militeri oo degdeg ah. Wuxuu ku eedeeyay xisbiga mucaaradka dalka ugu weyn in uu curyaamiyay dowladda ayna taageersan yihiin Kuuriyada Waqooyi.

    Madaxweynaha oo xukumo maamul laga tiro badan yahay ayaa waxaa culeys ka haystay in miisaaniyadiisa ansixiyaan xildhibaanada.

    Hadal uu waqti dambe habeenkii ka jeediyay telefishinka ayuu ku eedeeyay xildhibaanada kalitalisnimo iyo in ay isku dayayaan in ay meesha ka saaraan dimuqraadiyada.

    Mr Yoon ma cadeyn waxa uu qorshahiisu yahay balse wuxuu ballanqaaday in uu xaaladda caadi ku soo celinayo marka uu ka takhaluso wax uu ugu yeeray xoogga ka horjeeda dalka.

    Awoodda madaxweynaha ayaa aheyd mid liidata ilaa iyo markii ay dhacday doorashada guud taas oo mucaaradka ay ku guuleysteen.

    Maamulka madaxweyne Biden ayaa xiriir la sameeyay dowladda Kuuriyada Koonfureed, waxay si dhow ula socdaan xaaladda sidaasina waxaa u sheegay BBC afhayeen u hadlay golaha ammaanka qaranka.

    Weli madaxweyne Biden kama hadal xukunka militeri uu ku dhawaaqay dhigiisa Kuuriyada Koonfureed.

  3. Tirada ku dhimatay ciid soo duntay dalka Uganda ayaa gaartay 28 qof

    uganda

    Meydadka labo wiil oo saddex jir ah ayaa ka mid ahaa kuwa laga soo helay dhoobada bariga Uganda, waxayna taas ka dhigtay tirada dadka ku dhintay toddobaadkii la soo dhaafay 28 qof sida ay boolisku sheegeen.

    Ciidda soo duntay waxay ku dul habsatay dhowr tuulo iyadoo tobaneeyo qof weli la la’ayahay. In ka badan 100 qof ayaa laga baqayaa in ay ku jiraan dhinacyada buurta Elgon oo ku taal xadka Uganda iyo Kenya oo ku dhawaad 300 oo kilomitir kaga beegan bariga caasimadda Kampala.

    Ilaa iyo bishii Oktoobar waxaa halkaas ka da’ay roobab aan caadi aheyn oo keenay daadad iyo in ciidda buuraha ay soo dumaan qeybo ka mid ah Uganda.

    Ururka Laanqeyrta Cas ee Uganda ayaa sababta dhibaatadan ku sheegay in ay ka timid isbeddelka cimilada iyo saameynteeda.

    Goobta ay wax ka dhaceen waxa ay ku dhowdahay halkii ay ka dhacday musiibadii tan la midka aheyd ee sababtay dhimaashada ilaa iyo 80 qof sanadkii 2010-kii

    Dadaalo ay dowladda hore u qaaday oo looga dhaadhicinayay dadweynaha in ay ka guuraan meelaha musiibooyinka ka dhici kaaan oo ay aadaan meelaha ammaanka ayaan guuleysan. Inta badan dadka halkaas ku nool waa sabool aan awoodin in ay guuraan

  4. Dowladda Afghanistan ayaa ka mamnuucday haweenka in ay hay’adaha caafimaadka wax ka bartaan

    Taliban

    Wareysi BBC qaaday ayey ilo wasaaradda caafimaadka ah ugu sheegeen in dowladda Taliban xaqiijisay in ay ka mamnuucday gabdhaha in ay wax ka bartaan hay’adaha caafimaadka ee Afghanistan.

    Muuqaallo gabdho dibadbaxaya iyo kuwa joogo albaabada hay’adaha oo xiran ayaa la soo dhigay baraha bulshada, qaarna waxaa loo soo diray BBC qeybta afka Faarsiga.

    Muuqaallada waxaa ka muuqday qaar ka mid ah ardayada oo ilmeynaya kaddib markii ay maqleen warka ku saabsan joojinta tacliinta.

    Arday badan oo hay’adahan wax ka barta ayaa BBC u sheegay in madaxda hay’adahan ay u sheegen in fasalada la xiro ilaa inta dib looga soo sheegayo.

    Hay’adaha caafimaadka sida kuwa umulisada, kalkaaliyenimada, sheybaarka iyo kuwa ilkaha waxay ahaayeen tacliinta kaliye ee sare ee gabdhaha Afghanistan waxbarasho ka sii wadan kareen kaddib markii jaamacadaha la xiray. Gabdho badan ayaa aaday goobahan markii ay waayeen waxbarashadii kale.

    Wasaaradda tacliinta sare iyo Taliban ayaa ku dhawaaqay Desember sanadkii 2022-kii in haweenka iyo gabdhaha aysan wax ka baran karin jaamacadaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay taas oo keentay in si weyn caalamka u dhaleeceeyo.

  5. Ciidamada Ukraine ee daalan ayaa loo sheegay in ay fariisimahooda xoojiyaan

    Ukraine

    Askarta Ukraine ee ka dagaallamaya gobolka Kursk ee Ruushka ayaa muujiyay niyadjab, daal iyo in aysan tabar hayn.

    Ku dhawaad afar bilood oo ay weerar ahaayeen, waxay wajahayaan xaalad aad u xun sida duqeyn joogto ah, sahay la’aan iyo nasasho la’aan.

    Unugyo badan ayaa aad u daalay iyadoo kuwa da’dod meel dhexaadka tahay aysan si fiican u diyaargaroobin.

    Ciidamada Ruushka si joogto ah ayey dhul u qabsanayaan, waxayna taas keentay in ciidamada Ukraine ay isweydiiyaan ujeedka howlgalkooda, gaar ahaan ujeedkii ahaa in askarta Ruushka awoodooda bariga la yareeyo.

    Dadka qaar ayaa aaminsan in qorshuhu ahaa in dhul badan la qabsado inta suuragal ah ilaa iyo inta hoggaanka Mareykanka isbeddelayo iyadoo la rajeynayo wadaxaajoodyo hor leh marka bisha Janaayo la caleemo saaro madaxweyne Trump.

    Si kasta oo reer galbeedka Ukraine u siiyeen gantaalada ridada dheer hadana ciidamada safka hore ku jira wax farqi ah oo weyn ma dareemin.

  6. Haweeney ku dhuumatay diyaarad ayaa lagu qabtay garoonka Paris

    diyaarad

    Qofka dumarka ah ayaa si qarsoodi ah ku soo galay diyaarad ka soo baxday New York oo Paris timid, da’adeedana waa 57 jir.

    Svetlana Dali oo hadda la xaqiijiyay in la aqoonsaday waxay diyaaradda soo kortay toddobaadkii la soo dhaafay iyadoo ka soo raacday garoonka diyaaradaha New York ee JFK , mana haysan wax dokomenti ah.

    Booliska Faransiiska waxay sheegeen in haweeneyda loo diiday in ay Faransiiska gasho sababtuna waxay ku sheegeen in ay dhalatay Ruush loogana baahan yahay fiiso ay dalka ku soo gasho. Wax dacwad ah laguma soo oogin.

    Ms Dali ayaa ka soo gudubtay farsamada garoomda diyaaradaha ee hubisa dadka taas oo ay u isticmaashay dokomenti been abuur ah iyo aqoonsi markii ay ka soo gudbeysay.

    Wargeyska Guardian ayaa sheegay in markii ay diyaaradda soo kortay Ms Dali in ay marba mid suuliyada galeysay, mana jirin mar ay kursi fariistay, ugu dambeyn waxaa fahmay shaqaalaha diyaaradda.

    Muuqaal baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinayay kabtanka diyaaradda oo dadka u sheegaya in haweeney diyaaradda laga dajinayo

  7. War deg deg ah, Sanatar Gaagaab oo geeriyooday

    Gaagaab

    Allaha u naxariistee waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku geeriyooday sanator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ka mid ahaa xubnaha ugu da'da weyn aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

    Gaagaab ayaa sidoo kale xilal hore uga soo qabtay maamul-goboleedka Puntland.

  8. Soomaalidu waxay halis ugu jiraan dhimasho si ay u gaaraan jasiiradda Faransiiska: 'Waxaa naloo sheegay inay gaajo u dhimatay'

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Xaafadda dabaqadda dhexe ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si weyn loogu baroor-diiqayaa qoyska Fatxi Xuseen oo 26-jir ah.

    Waxay ka hadlayaan argagaxa maalmihii ugu dambeeyay ee nolosheeda.

    "Dadkii ka badbaaday ayaa inoo sheegay inay gaajo u dhimatay," Samira, oo ah gabar la dhalatay Fatxi ayaa khadka taleefoonka sidaasi ugu sheegtay BBC.

    “Waxay ku jireen badda muddo 14 maalmood ah, dadku waxay cunayeen kalluun ceeriin ah, waxayna cabayeen biyaha badda taasoo ay diiday. Waxay sheegeen in ay bilaawday inay aragto waxyaabo dhalanteed ka hor inta aysan dhiman ka dib maydkeedii waxay ku tuureen badda.

    Maamulka deegaanka ayaa sheegay in Fatxi ay ka mid ahayd 24 qof oo Soomaali ah oo ku dhintay labo doonyood oo ay la socdeen ku dhawaad 70 qof oo ku dagtay xeebaha Madagascar.

    Dadka badbaaday ayaa sheegay inay isku dayayeen inay gaaraan jasiiradda Mayotte ee dalka Faransiiska, taasoo ah waddo cusub oo khatar ah oo ay maraan Soomaalida magangelyo doonka ah.

  9. Tallaalka Malaariyada oo laga bilaabay dalka ugu daran dunida ee uu saameeyay xannuunkan

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Tallaalkan R21/Matrix M, ayaa ah tallaalka labaad ee ay ansixiso hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, waxaana la siinayaa carruurta da’adoodu u dhaxeyso 5 bilood ilaa 15 bilood.

    Baarayaasha ayaa sheegay, in tallaalka uu boqolkiiba 75 shaqeynayo, balse khubarada caafimaadka ayaa soo jeediyay, in lala barbar istcmaalo waxyaabaha kale ee looga hor tago malaariyada, sida mara kaneecada iyo sunta cayayaanka lagu dilo.

    Tallaalka ayaa laga billaabay laba gobol oo dhibaato weyn uu ku hayyo xannunka duumada ama malaariyada, kuwaas oo kala ah Bayelsa iyo Kebbi, wuxuuna qorshuhu yahay in la sii ballaariyo, oo la gaarsiio qeybaha kale ee dalka wixi loo gaaro sanadka soo socdo.

    Happiness Idia, oo ah canug 11 bilood jira ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee la siiyay tallaalka.

    Sarkaalka caafimaadka ee gobolka Bayelsa, Prof Seiyefa Brisibe, ayaa sheegay in gobolka lagu qaban doono olole caafimaad oo sare loogu qaadayo, heerka qaadashada tallaalka, kaas oo lagu jeedin doono luuqado dhowr ah.

    Sanadkii 2022-kii, kiisaska malaariyada ee dalka Nigeria ayaa gaaray boqoliiba 27 halka boqolkiiba 31 ay u dhinteen xanuunkan, sida laga soo xigtay WHO, kiisaskaas oo ay u badnaayeen dadka nugul sida haween xaamilo ah iyo carruur ka yar shan sano jir.

    Kiisaska dhimashada guud ahaan Africa ayaa ahaa boqolkiiba 95, oo ah 580,000 oo qof.

    Tallallkan R21/Matrix-M waxaa soo saartay Xarunta Jenner ee jaamacada Oxford.

    Horaantii sanadkan, dalalka Ivory Coast iyo jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo, ayaa sidoo kale billaabay isticmaalka tallaalkan.

    Ghana, Kenya iyo Malawi ayaa tijaabiyay tallaal kale oo xanuunka Malaaria ah .

  10. Haweeney ku dhex dhuumatay diyaarad ka duushay Mareykanka kuna jeeday Fransiiska

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Svetlani Dali, oo da’deeda lagu sheegay 57 sano jir ayaa si dhuumaaleysi ah ugu safartay diyaarad ka baxday magaalada New york kuna sii jeeday magaalad Paris ee dalka Fransiiska.

    Waxay soo raacday dioyaaradda Delta Airlines oo ka soo dushay garoonka JFK ee New York, kaas oo yimid garoonka Charles de Gaulle ee magaalada Paris iyadoo aan wadan warqadda diyaaradda lagu raaco ee loo yaqaanno boarding pass.

    Gacanta ayaa lagu soo dhigay markii ay timid Fransiiska, waxayna booliska dalkaas sheegeen inay u dhalatay dalka Ruushka.

    Ma aanay wadan dal ku gal, sidaa awgeed, waxaa loo diiday inay gasho Fransiiska.

    Mrs Dali ayaa waxaa u suurtagashay inay soo marto laba meelood oo uu ku xiranyihiin qalab teknooloji oo aad u sarreeya ee garoonka JFK, waxay sidoo kale iska maareysay goobaha dukumintiyada lagu baaro.

    Ila aiyo hadda ma cadda qaabka ay gabadha diyaaradda u soo raacday, laakin wargeyska The Guardian ayaa sheegaya, in gabadha ay musqulaha diyaaradda ku dhex yaala ay midba mid uga gudbeysay oo marnaba aanay kursi fariisanin.

    Waxaa markii dambe ka shakiyay shaqaalaha ka shaqeeya diyaaradda

    Gabadha ayaa haatan ku sugan Fransiiska, waxayna diidday inay raacdo diyaarad dib ugu celinaysa New York.

    Ma cada ujeedka ay gabadha ka lahayd arrintan.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  11. Raaskambooni maxay u tahay aag ay ciidamadu jecel yihiin in ay saldhig ka dhigtaan?

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Deegaanka Raaskambooni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa magaciisu maalmahaan qaybta sare kaga jiray wararka warbaahinta gudaha, baraha bulshada iyo qaybo ka mid ah warbaahinta caalamiga ah.

    Sababtuna waa in dowladda Soomaaliya ay gaysay ciidamo fara badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee ciidanka, iyadoo dowladdu sheegtay in ujeedkeedu uu yahay in ciidamadaani ay kuwa ATMIS kala wareegaan amniga deegaannadaas.

    Hase-yeeshee tallaabada ay dowladdu ugu daad-gureysay ciidamada Raaskambooni ayaa imaanaysa, xilli xiisadi ay kala dhaxeyso maamulka Jubaland, taasoo salka ku haysa arrimaha doorashada.

  12. Xisbullah oo madaafiic ku garaacday fariisimaha milatariga Israa'iil

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Israa’iil ayaa sheegtay inay Isniinti beegsatay bartilmameedyada Lubnaan, kadib markii ay wacad ku martay inay ka aar gudan doonto weerar ay Xisbullah ku qaaday xarun milatari, iyadoo labada dhinac uu midba midka kale ku eedeynayo inuu burburiyay heshiiskii xabad joojinta ee la gaaray todobaadkii la soo dhaafay.

    Ugu yaraan sagaal qof ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil eel aba tuulo oo ku yaala koonfurta Lubnaan, sida ay shegtay wasaaradda caafimaadka Lbnaan.

    Ciidamada milatariga Israa’iil, ayaa sheegay inay beegsadeen bartilmaameedyada Xisbullah iyo kaabayaasha dhaqaale ee “guud ahaan Lubnaan”, iyadoo ku celceliyay sida ay uga go’antahay heshiiskii la gaaray.

    Xisbullah ayaa sheegtay inay ka jawaabeysay “gardarrada” Israa’iil. Waxay sidoo kale sheegtay inay qaaday “weerar is- difaac ah” iyadoo madaafiic ku garaacday fariisimaha milatariga Israa’iil ee aagga ay Israa’iil heysato.

    Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in wax dhaawac ah uusan ka soo gaarin duqeymaha Israa’iil ee aagga Dov, oo ku yaala goob lagu muransanyahay oo xuduudda Israa’iil iyo Lubnaan ah.