Donald Trump oo noqday madaxweynaha 45-aad ee Maraykanka
Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.
Tebin toos ah
Trump oo laga soo dhaweeyay bariga dhexe
Inta badan madaxda waddamda ku yaala bariga dhexe ayaa soo dhaweeyay guusha Trump uu ka soo hooyay doorashadii Mareykanka.
Madaxweynaha Iran, Xasan Rowxaani, waxa uu sheegay in aan marnaba laga laaban karin heshiiskii dhanka Niyuukleerka ee uu dalkiisa la galay quwadaha caalamka.
Trump ayaa horey u sheegay in heshiiskaasi uu ahaa heshiiskii ugu xumaa ee soo mara taariikhda Mareykanka.
Rowxaani waxa uu sheegay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ansixiyay heshiiskaasi, sidaa awgeedna hal waddan uusan waxbo baddali karin.
Boqorka Sucuudiga boqor Salmaan ayaa u rajeeyay Trump in uu ku guuleysto amniga iyo xasilinta bariga dhexe.
Ra’iisalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Trump ku tilmaamay saaxibka dhabta ah ee Israa’iil.

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Iran, Xasan Rowxaani Obama oo u hambalyeeyay Trump
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa taleefoon kula hadlay madaxweynaha la doortay ee Donald Trump si uu ugu hambalyeeyo guushiisa.
Obama ayaa Trump ku casumay aqalka cad ee mareykanka looga arrimiyo, halkaa oo ay ku kulmi doonaan berri oo khamiis ah.
Kulankooda ayaa waxa ay uga wada hadli doonaan kala guurka uu dalka galayo.
Madaxweyne Obama ayaa sidoo kale taleefoon kula hadlay Hillary Clinton, waxa uuna ugu hambalyeeyay dedaalkeeda ololaha doorashada.
Obama ayaa maanta oo arbaca ah waxa uu ka hadli doonaa natiijada doorashada iyo in dadka la mideeyo maadaama lagu kala qaybsanay ololaha doorashada.

Xigashada Sawirka, EUROPEAN PHOTOPRESS AGENCY
Qoraalka sawirka, Obama Soomaaliya oo u hambalyaysay Trump
Dowladda Soomaaliya ayaa u hambalyaysay madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la shaqeyn doonto madaxweynaha la doortay.
Waxa uu intaasi ku daray in Mareykanka uu Soomaaliya gacan ka siinayay la dagaalanka argagixisada, ayna rajaynayaan wali in ay arrimahaasi iska kaashan doonaan.
Hadliye waxa uu sheegay in go’aanka Trump lagu soo doortay uu ahaa mid ka yimid dad weynaha Mareykanka, sidaa awgeed ay soo dhaweynayaan isla markaana la shaqaynayaan madaxweynaha la doortay.
Haseyeeshee Hadliye waxa uu walaac ka muujiyay hadal dhawaan ka soo yeeray Trump oo ahaa in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Minnesota ay gaystaan dhibaatooyin ku salaysan xagjirnimo, waxa uuna sheegay in aysan habboonayn in mas’uul uu hadalkaasi ka soo yeero.

Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Theresa May oo u hambalyaysay Trump, ballan qaadayna xiriir gaar ah.
Ra’iisalwasaaraha Theresa May ayaa u hambalyaysay Donald Trump guusha uu ka gaaray doorashada. Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay ayay ku tiri:
“Waxaan jeclaan lahaa in aan u hambalyeeyo Donald Trump, doorashada loo doortay in uu noqdo madaxweynaha xiga ee Mareykanka kaddib olole aad loogu loolamay.
Britain iyo Mareykanka ayaa waxa ay lahaayeen xiriir gaar ah oo ku dhisan mabaa’dii ku saleysan xorriyad, dimuquraadiyad iyo horumar dhaqaale.
Waxaa naga dhaxeeyay haddana naga dhaxayn doono iskaashi dhow oo ku saabsan ganacsiga, ammaanka iyo gaashaandhigga.
Waxaan rajeynayaa in aan kala shaqeyn doono madaxweynaha la doortay ee Donald Trump, sidii aan u xoojin la hayn arrimahaasi, si aan u xaqiijinno ammaanka iyo horumarka waddamadeena sanaddada soo socda."

Qoraalka sawirka, BBC Yaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka?
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Trump u diray dhambaal uu ugu hambalyaynayo, waxa uuna sheegay in uu rajaynayo in ay ka wada shaqayn doonaan sidii loo wanaajin lahaa xiriirka Mareykanka iyo Ruushka.
Madaxda Midowga Yurub ee kala ah Donald Tusk iyo Claude Juncker ayaa iyaguna Trump u diray hambalyo kal iyo laab ah, waxa ayna ku casumeen in uu soo booqdo Yurub.
Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisi ayaa shaqo wanaagsan u rajeeyay Trump, waxa uuna sheegay in uu rajeynayo in uu dib u soo noolayn doono xiriirka ka dhaxeeya labadooda dal.
Madaxweynaha Falastiyiniinta Maxamuud Cabbaas ayaa warbixin qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in uu u hambalyaynayo madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, isla markaana uu rajeynayo in nabad la gaari doono muddada uu xilka hayo.
Ra’iisalwasaaraha dalka India Narendra Modi waxa uu dhankiisa sheegay in uu rajeynayo in uu si dhow ula shaqeeyo Donald Trump, si heer kale loo gaarsiiyo xiriirka labo geesoodka ah ee u dahxeeya waddamada Mareykanka iyo India.
Lu Kang oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in ay rajaynayaan in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan maamulka cusub ee Mareykanka si loo sii dhiirigeliyo xiriirka u dhaxeeya labadooda dal, balse marna ma uusan sheegin magaca Trump.

Qoraalka sawirka, bbc Obama cafis ma u fidin doonaa Hillary Clinton, ka hor inta uusan xilka ka degin
Goobaha ay ku dabbaaldegayaan taageerayaasha Trump ayaa waxaa laga maqlayaa iyaga oo leh Hillary waa in xabsiga la dhigaa.
Trump ayaa xilligii ololaha doorashada ballan qaaday in uu magacaabi doono dacwad ooge khaas ah oo baaritaan ku sameeyo Hillary, sababo la xiriira isticmaalka Email-keeda khaaska xilligii ay ahayd xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Dhawr jeer ooh ore ayuuna sheegay in Hillary ay xabsi ku muteysan doonto arrintaasi.
Waxa ay u muuqataa in aysan dhici doonin in Hillary arrintan siyaasad ahaan lagu beegsado basle dadka qaar ayaa muujiyay suurtagalnimada Obama oo dayaca Hillary Clinton ka hor inta uusan xilka ka deign.

Xigashada Sawirka, SPENCER PLATT
Turkiga oo Trump u hambalyeeyay, dalbadayna in uu u soo gacan geliyo Fatxullah Gulen.
Ra’iisalwasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa ugu baaqay Donald Trump in uu Turkiga u soo gacan geliyo wadaadka Fatxullah Guleh oo xukuumadda Ankara ay ku eedeysay in uu soo abaabulay inqilaabkii fashilmay ee ka dhacay dalkaasi Turkiga.

Daawo: Soomaalida Mombasa oo ka hadashay guusha Trump
Trump: Mudnaanta waxaan siin doonaa Maraykanka
"Waxaan rajaynayaa inaan xiriir wanaagsan la yeesho waddamada kale ee caalamka", ayuu yiri Trump
Maraykanka wax aan wanaag ahayn oo deeqaya ma lahan
"Mar kasta danaha Maraykanka ayaan mudnaan siin doonaa"

Donald Trump ayaa ku guuleystay doorashada Marykanka
Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.

Xigashada Sawirka, bbc
War deg deg ah, Trump oo gaaray goobtii lagu qaban lahaa 'debbaaldega'
CNN ayaa ku warrantay in Donald Trump uu gaaray hoteelka Hilton oo ay taagerayaashiisa isugu yimideen.
War deg deg ah, Codadkii gobolka Maine waa la kala qeybsaday
Saadaal ay sameysay ABC ayaa lagu sheegay in seddax ka mid ah codadkii ergada gobolka Maine ay heshay Clinton
Trump hal cod ayuu gobolkaasi ka helay
Hillary Clinton ma hadli doonto Caawo
Madaxa kooxda ololaha Hilllary Clinton ayaa taagerayaasha Clinton u sheegay inay iska galbadaan maadama aysan caawa hadli doonin.
Halkan ka daawo.
Ka bood X bogganOggolow X macluumaadkaDigniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanMacluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Diyraagrowga 'dabbaaldega' Trump
Donald Trump ayaa ka tagay dhismihiisa Trump tower oo waxa uu dhaqaaqay dhinaca hotelka Hilton halkaasi oo la sheegay in lagu qaban doono xafladda dabaaldegga hadii uu Trump guuleysto.

Xigashada Sawirka, bbc
Yaab ka soo haray taageerayaasha Clinton
Taageerayaasha Hillary Clinton ayaa aad ula yaaban guulaha uu Donald Trump ka helay qaar ka mid ah gobollada lagu kala baxo.

Xigashada Sawirka, bbc
Daawo Soomaalida Maraykanka oo ka faaloonaya doorashada
Clinton "fursad keliya ayay ku guulaysan kartaa"
Norm Ornstein ayaa BBC-da u sheegay in fursadda keli ah ee Hillary Clinton ay guusha ku hanan kartaa tahay in ay ku guulaysato gobollada Pennsylvania, Michigan iyo Winsconsin, waana dariiqa keli ah ee ay Aqalka Cad u mari karto.
"Iyada jidkaas uun baa u furan, isagu se fursado badan buu haystaa" ayuu hadalka ku sii daray.
Clinton ayaa ku guuleysatay gobolka Washington
Gobolka Washington ayaa u codeynayay xisbiga Dimuqraadiga tan iyo 1988. Marka in Clinton ay ku guulesato arrin yaab leh ma ahan
War deg deg ah, Trump oo ku guuleystay gobolka muhiimka ah ee Florida
ABC News ayaa saadaalineyso in Donald Trump uu ku guuleystay gobolka Florida.

Xigashada Sawirka, bbc
