Uhuru Kenyatta oo guuleystay markale

Doorashada waxaa ka taagan muran ka dib markii mucaaradka ay qaadeceen. Balse guddiga wuxuu ku adkeysanayaan in ay ahayd mid sax ah.

Tebin toos ah

  1. Tallaabada xigta ee Odinga

    Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga oo taageerayaashiisa ugu baaqay inay qaadacaan doorasgada ayaa lagu adaa inuu diido natiijada diirashadan oo 38.8% ka mid ah dadkii diwaangalsanaa ay codeeyeen.

    Maxkamadda ugu sarreysa dalka waxaa hadda horyaalla dacwad ka dhan ah doorashadan.

    Raila Odinga wuxuu sheegay inuu berito jeedin doono khudbad uu uga hadlayo tallaabada xigta ee uu qaadi doono.

    BBc
  2. Kenyatta: Shacabka ayaa i taageeray

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in shacabka Kenya ay "markale muujiyeen kalsoonida ay ku qabaan doladdiisa.

    Wuxuu hadal ka jeediyay xarunta Bomas ee looga dhawaaqay natiijada doorashadii ku celiska ahayd taas oo sax ahaanteeda muran uu ka taagan yahay.

    Kenyatta
  3. Kenyatta oo u mahadceliyay dadkii u codeeyay

    Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo guushiisii hore maxkamad ay diiday ayaa hadda markale u mahadceliyay dadkii u codeeyay.

    Doorashadan waa mid lagu muransan yahay oo mucaaradka waxay sheegeen in aysan natiijada aqbaleyn.

    Dad TV daawanaya
  4. War deg deg ah, Kenyatta oo doorashada ku celiska ku guuleystay

    Guddiga doorashada ee Kenya ayaa ku dhawaaqay in Uhuru Kenyatta la doortay ka dib doorashadii ku celiska ahayd ee dhacday 26-kii bishan.

    Uhuru Kenyatta ayaa helay 98.26 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, halka hogaamiyaha mucaaradka ee loolanka adag ku hayay uu helay 0.09 boqolkiiba.

    Laakiin Raila wuu qaadacay doorashada kamana qeybgalin. Doorashada oo ahayd mid ay qaadeceen mucaaradka waxaa ka dhashay rabshado sababay in ay dad ku dhintaan.

  5. Uhuru oo hoggaaminaaya natiijada

    Sida ka muuqato tirada uu soo saaray guddiga waxaa aad u horeeya Uhuru Kenyatta oo helay 98.26 boqolkiiba

    Uhuru
  6. Korjoogtada caalamiga ah

    Waxaa xarunta Bomas ku sugan korjoogayaal caalami ah oo dunida ka kala socda.

    Waxaa hoggaaminaya madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika.

    Thabo Mbeki iyo Amina Maxamed
    Qoraalka sawirka, Thabo Mbeki iyo Amina Maxamed
  7. Natiijada doorashada

    Guddiga doorashada ayaa wado in ay ku dhawaaqaan natiijada.

    Gudoomiyaha, Wafula Chabukati ayaa aqriyay tirada dadkii codeeyay dhammaan deegaanada Kenya ka dhacday.

    Waxaana hadda hoggaaminaya Uhuru Kenyatta.

    Xarunta Bomas oo natiijada looga dhawaaqayo
    Qoraalka sawirka, Xarunta Bomas oo natiijada looga dhawaaqayo