Halkan kaga bogo wararka xaaladda isa soo taraysa ee dalka Zimbabwe
Tebin toos ah
Ahmed Hassan Adan
Waa naga intaa tabinta tooska ah ee xaaladda Zimbabwe
Waad ku mahadsan tihiin sida aad ula socoteen wararka BBC Somali ee la xiriira Zimbabwe. Waxaan halkan dib uga akhrisan kartaa wararkii aan maanta oo dhan daabaceynay.
Waxaan isku soo noqon doonnaa beri inshaa Allah.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Robert Mugabe iyo xaaskiisa Grace oo xiisadda taagan sabab u ah
Emmerson Mnangagwa: "yaxaaska" soo hor dhacay
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Mnangagwa oo ka mid ahaa xuriyad u dirirkii 107-maadkii
Waxay ahayd sir, muddo sanado ah laga wada ogaa dalka Zimbabwe in Emmerson Mnangagwa uu doonayay in uu bedelo Robert Mugabe.
Mr Mugabe ayaa sidoo kale si dareen leh u taageerayay - maalin ayuuna dallacsiiyay oo uu u xiibay shaqooyiin sare oo ah xisbiga Zanu-PF iyo dowladda.
Waxaa markaa ka dib soo baxay hadal ah in Mnangagwa uu yahay qofka "dhaxlaya" Mugabe, balse taa ayaa is bedeshay ka dib markii uu si rasmi ah u shaaciyay waxa uu doonayo, taas oo xoogaa hordhac u muuqatay.
Ka dib markii shaqada laga tiray, in kastoo dulqaad lagu garanayo ninkan loogu yeero "yaxaaska" haddana ugu dambeyn wuu hordhacay.
Mugabe ayaa si shaac ah ugu eedeeyay "khiyaano". Ka dib ciidamada isaga taageersan ee magaca uu ku dhex leeyahay ayaa dartii u farageliyay siyaasadda.
Wuxuu si toos ah ugu lug lahaa dagaalkii Zimbabwe ee 1970-maadkii. Wuxuu noqday sarkaalka sirdoonka ka dib markii dalka uu xuroobay ee 1980-kii, xilligii dagaalkii sokeeye ee lagu dilay kumannaanka qof.
Wuxuu xilligaa beeniyay in uu lug ku lahaa xasuuqa, wuxuuna eedeeyay ciidamada.
Balse, dadka filaya in madaxtinimada Mnangagwa ay tahay dhammaadka xadgudubyada Zimbabwe, waxay noqon kartaa in ay qaldan yihiin.
Dadka dhalleeceeya waxay sheegaan in "dhiig uu ku sito" gacmihiisa.
Waxaa loo garanayaa "yaxaaska" taasi oo ah waxaa ay aaminsan yihiin qabiilkiisa, hadana wuu u qalmaa, sidoo kale.
Janaraal Moyo oo ka hadlay telefishinka Qaranka ayaa sheegay in ay la dagaallamayaan "dembiilayaasha ku hareereysan" madaxweyne Mugabe.
Daawo muuqaalkan hoose
Qoraalka Muuqaalka, Markii uu milatariga la wareegay telefishinka qaranka
Britain oo Mugabe ku eedeysay taariikh "arxan darro ah"
Qoraalka sawirka, Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Bros Johnson
Isagoo la hadlayay Aqalka baarlamaanka iyo golaha wasiirada, xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson wuxuu jeediyay khudbo ku saabsan arrimaha Zimbabwe.
Xubin ka tirsan xisbiga muxaafidka Britain, Rehamn Chishti ayaa ku baaqay in Zimbabwe lagu daro dalalka barwaaqa sooranka, haddii ay dimuquraadiyad qaadato.
"Ma waxay ahaan lahayd mid cajiib? ayuu ku jawaabay Jonhson.
Qalaasaha Zimbabwe oo baraha bulshada laga hadal hayo
Xaaladda qasan ee dalka Zimbabwe ayaa noqotay sheekada ugu wayn ee aadka looga hadal hayo barta Twitter-ka ee Afrika, sida laga soo xigtay Trendsmap.
Mowduucyo kala duwan oo la xiriira militariga dalka la wareegay ayaa looga doodayaa baraha bulshada.
Dadka waxay adeegsanayaan hal ku dhigyo iyo astaan kala duwan. Kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah #Mugabe iyo #Zimbabwe.
Iyada oo dalka Zimbabwe ay ka socdaan isbadalo waaweyn xilli ciidamada militariga dalkaas ay sheegeen in ay la wareegeen awoodda, ayaa waxaa halkan kaga hadlaynaa taariikhda xaaska madaxweyne Mugabe oo la aaminsanyahay in iyada darteed ay ciidamada gadood u sameeyeen.
Grace ayaa lagu waday in loo magacaabo madaxweyne ku xigeenka Zimbabwe si ay marka dambe iyada xilka ugala wareegto ninkeeda oo 93 jir ah.
Madaxweyne ku xigeenkii Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa xilkii laga qaaday kadib markii ay isku dhaceen Grace.
Grace waa 52 jir, 40 sano ayay ka yartahay ninkeeda Robert Mugabe kaas oo Zimbabwe madaxweyne kasoo ahaa tan iyo sanadkii 1980-kii.
Madaxweynaha dalka Nigeria Maxamadu Buhari ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo, iyo "nabad iyo is xushmeyn", ka dib markii militariga ay la wareegeen awoodda dalka.
Afhayeenka Buhari ayaa Twitter-ka ku qoray farriinta ka timi madaxweynaha.
Sidoo kale, wuxuu ku baraarujiyay siyaasiyiinta iyo militariga Zimbabwe in ay ka fogaadaan ficil dalka u horseedi kara dagaal aan loo baahneyn oo saameyn xun ku yeesha gobolka.
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Dad badan ayaa maanta waayay bangiyo iyo meelo ay ka adeegtaan
Shiinaha waa dalka xiriirka ganacsiga ugu weyn la leh Zimbabwe, Wuxuuna dalka garab istaagay xilligii cunna qabateynta dhaqaale ay saareen reer galbeedka.
Isbuucii tagay, Janaraal Constantino Chiwenga - oo hoggaaminaya ciidamada awoodda la wareegay - wuxuu booqday Beijing, taas oo Shiinaha uu ku tilmaamay "is dhaafsiga arrimaha caadiga ah ee militariga".
Afhayeenka wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Geng Shuang ayaa sheegay:
Toos u dhageyso barnaamijka dunida iyo maanta
Halkan ka dhageyso barnaamijka dunida iyo maanta
Maxay ciidamada uga fogaanayaan ereyga "afgembi"
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Janaraal Moyo wuxuu sheegay in militariga ay baacsanayaan "dembiilayaasha" oo keli ah
Wuxuu ahaa hadalkii uu sheegay Janaraal Sibusiso Moyo ee sida tooska ah looga baahiyay telefishinka qaranka ee ZBC.
Janaraal Moyo wuxuu doonayay in uu ku adkeysto in tallaabadan aysan ahayn afgembi.
Maxay arrintaa muhiim u tahay?
Midowga Afrika (AU) iyo urur goboleedka Koonfurta Afrika ee SADC, ma taageerayaan afgembiyada.
Waa sida ka dhacday Burkina Faso, 2015-kii, markii AU ay xannibtay hoggaamiyayaashii afgembigii Burkina Faso, kuwaas oo isku deyay in ay awooda xoog kula wareegaan, ka dib hal sano, markii xilka laga tuuray xukunkii caanka ahaa ee uu hor kacayay Blaise Compaore.
Haddana la yaab ma noqoneyso haddii ciidamada ay dhibaato ka haysato in ay xoog kula wareegaan maamulka rayidka ah.
Illaa iyo hadda, Madaxweynaha Koonfur Afrika oo matalaya ururka gobolka ee SADC ayaa soo saaray warbixin loo qoray si diblumaasiyadeysan taas oo si cad u shegeysa in dalalka gobolka aysan taageeri doonin awood si xoog ah lagu qabsaday.
Waxay taasi u muuqataa in la qeexayo waxa xiga ee ka dhici kara Zimbabwe.
Boris Johnson: Xaaladda Zimbabwe waa mid qasan
Xigashada Sawirka, AFP
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain Boris Johnson ayaa sheegay in "muhiim ay tahay" in shacabka Zimbabwe aysan qalalaase sameyn.
Boris Johnson, oo maanta baarlamaanka uga jawaabi doono su'aalo arrinta la xiriira ayaa yiri:
Siyaasigan ka tirsan xisbiga Muxaafidka, xilliyo hore wuxuu si aan sir ahayn u weeraray madaxtinimada Robert Mugabe.
Laba sano ka hor wuxuu weerar afka ah ku qaaday dabaaldegga sanadguurada Mugabe oo uu ku tilmaamay "wax laga lalaboodo", xilli dalka uu ka jiro faqri baahay.
"Militariga oo garaacay booliska"
Xigashada Sawirka, AFP
Qof deggan magaalada Harare, Denissa Moyannahas, ayaa BBC-da u sheegtay in ay gaartay illaa bartamaha magaalada.
Xaaladda caasimadda dalka Zimbabawe ee Harare ayaa lagu warramayaa in hadda ay deggan tahay.
Afarta qof ee loolanka awoodda uu u dhexeeyo
Xigashada Sawirka, AFP/REUTERS/EPA
Loolanka awoodda ee ka dhex taagan xisbiga Zanu-PF ayaa u kala qeybsamay xarunta xisbiga iyo waddooyiinka dalka.
Balse wuxuu hadda ku soo koobmay afar qof oo si weyn u hardamaya.
Robert Mugabe, Grace Mugabe, Emmerson Mnangagwa iyo Janaraal Constantino Chiwenga ayaa u muuqdo in ay ku tartamayaan awoodda dalka Zimbabwe.
Dhibaatada ayaa timi isbuuc ka dib markii Mugabe uu shaqada ka tiray ku xigeenkiisii, Emmerson Mnangagwa, isagoo doonayay in xaaskiisa Grace ay ku xigeen u noqoto.
Taliyaha ciidamada Janaraal Constantino Chiwenga wuxuu ku caga jugleeyay in militariga faragelin sameynayo haddii uu sii socdo khilaafka ka dhex jiray xisbiga talada haya ee Zanu-PF.
EU oo "xal nabadeed" dalbatay
Xigashada Sawirka, AF
Midowga Yurub ayaa ku baaqay in "xal nabadeed" lagu dhammeeyo qalalaasaha Zimbabwe, ka dib markii militariga ay la wareegeen awoodda.
Afhayeen u hadlay ayaa sheegay:
Mugabe "oo xabsi guri" la geliyay
Militariga dalka Zimbabwe ayaa xabsi guri geliyay madaxweynaha dalkaasi Robert Mugabe, sida uu sheegay madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma.
Zuma wuxuu la hadlay dhiggiisa 93 sano jirka ah ee Zimbabwe, wuxuuna sheegay "in gurigiisa lagu xannibay" balse uu "caafimaad qabo".
Waxaa sidaa lagu xusay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma.
Ciidamada ayaa kormeeraya magaalada Harare ka dib markii ay la wareegeen xarunta telefishinka qaranka. Waxay tilmaameen in ay raadsanayaan "dembiilayaal".
Tallaabada waxay noqon kartaa mid lagu doonayo in lagu bedelo madaxweyne Mugabe oo la keeno ku xigeenkiisii uu shaqada ka ceyriyay ee Emmerson Mnangagwa, sida uu sheegay weriye ku sugan Harare.
Xigashada Sawirka, AFP
Militariga oo "meel isugu geeyay" Booliska Harare
Xigashada Sawirka, Fadzayi Mahere
Qareen ku sugan magaalada Harare ee caasimadda dalka Zimbabwe ayaa soo Tweet gareeyay sawirkan oo muujinaya koox askar boolis ah oo saf la geliyay, waxaana dul taagan askar militari ah.
Fadzayi Mahere, oo rajeynayo in uu xildhibaan noqdo ayaa sheegay in sawirkan uu ka qaaday daaqadda gurigiisan, maanta.
Lama garanayo waxa ku dhacay askartan booliska ah, ama sababta la isugu keenay sidan.
Soomaali degan Zimbabwe: "dadka way u baahan yihiin isbedel"
Si aan wax badan uga ogaanno xaaladda ka taagan caasimadda Harare ee dalkaasi Zimbabwe, waxaan khadka telefoonka kula xiriiray Ismaaciil Maxamed Jaamac oo ah Soomaali deggan caasimadda dalka Zimbabwe.
Qoraalka Codka, Soomaali degan Zimbabwe oo xaaladda ka sheekeynaya
Waa kuma Robert Mugabe?
Xigashada Sawirka, AFP
Taariikhda Mugabe oo kooban:
1924: ayuu dhashay
Wuxuu qaatay tababar macallimnimo
1964: Waxaa xabsiga dhigtay dowladdii Rhodesian
1980: wuxuu ku guuleystay doorashadii xuriyadda ka dib
1996: wuxuu guursaday Grace Marufu
2000: wuxuu ku guul dareystay aftida awoodda madaxweynaha iyo dhulka ay leeyihiin caddaanka
2009: ka dib dhaqaale xumo, wuxuu ra'iisul wasaare ka dhigtay Tsvangirai
2016: Lacagta Bond ayaa la amray in la isticmaalo ka dib markii lacagta caddaanka ah ay dhammaatay
2017: wuxuu shaqada ka ceyriyay madaxweyne ku xigeenkii muddada xulafada la ahaa, Emmerson Mnangagwa
Grace Mugabe ma Namibia ayey ku sugan tahay?
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Mugabe iyo Grace waxay is guursadeen 1996-dii
Xildhibaan ka tirsan mucaaradka, Eddie Cross ayaa BBC-da u sheegay in uu aaminsan yahay in Grace Mugabe ay u carartay dalka Namibia.
Siyaasigan ka tirsan xisbiga mucaaradka ee MDC ayaa sheegay in uu ogaaday in ciidamada ay xalay u ogolaadeen in ay ka baxdo dalka.
Wuxuu intaa ku daray in nolosheeda dibadda dalka ay tahay mid xaddidan ka dib markii lagu eedeeyay in ay gabar dharka xayeysiiso ugu xadgudubtay Johannesburg, bishii August.
sikastaba, arrintan si rasmiga u maysan xaqiijin ciidamada.
Qoraal si toos ah looga aqriyay TV-ga ayuu taliyaha ciidamada ku sheegay "in qaranka uu u xaqiijinayo in madaxweynaha iyo qoyskiisa ay bad qabaan, amnigoodana la damaanad qaaday".
Waxaa la sheegayaa in dhammaan xubnaha qoyska koobaad ee dalka lagu hayo gurigooda Harare.
Madaxweynaha Koonfur Afrika, Zuma oo la hadlay Mugabe
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweyne Robert Mugabe wuu "fiican yahay", ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma.
Zuma wuxuu la hadlay dhiggiisa 93 sano jirka ah ee Zimbabwe, wuxuuna sheegay "in gurigiisa lagu xannibay" balse uu "caafimaad qabo".
Waxaa sidaa lagu xusay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma.
Sidoo kale wuxuu la xiriiray ciidamada xoogga dalka Zimbabwe, sida qoraalka lagu sheegay.
"Koonfur Afrika waxay qorsheyneysaa in wakiil ay u dirto Harare, si labada dhinac uu ula hadlo.
Mr Zuma wuxuu ku celiyay baaq hore oo ahaa "in xaaladda la dejiyo iyo in la is xakameeyo."